Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka kana hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...
Arimaha diinta dhaqanka taariikhda cimilada siyaasada