Skip to main content

HOOYADII INDHOOLAHA AHAYD EE DUCADEEDA ALLE AQBALAY

 


Waxay wayday  aragga iyadoo jirta 13 sano, mana aysan arag tan iyo markaas. Waxayna  guursatay iyadoo indho la’aan ah, wayna uuraysatay iyadoo xaaladdaas ku sugan. Waxay nolosheeda ku noolayd adkaysi iyo cabasho la’aan xaaladdeeda darteed.


Markii ay da’deedu gaadhay 70 sano, waxay doonaysay inay xajiso oo ay u safarto Guriga Alle ee barakaysan (Kacbada).


 Waxay diyaarsatay safarka iyadoo wehel ka dhigatay wiilkeeda iyo awlaadda wiilkeeda. Si kastaba ha ahaatee, waxay ku hammiday inay aragto Guriga Alle ee barakaysan (Kacbada). Sidaas darteed, waxay la tashatay dhakhaatiirta indhaha ku xeeldheer  si ay ugu sameeyaan qaliin dib loogu soo celinayo araga indhaheeda, si ay ugu ugu suurta gasho aragtida Kacbada oo ahaa shay aad ugu wayn 


Dhakhaatiirta ayaa ugu jawaabay: "Arrintaas waa mid aan macquul ahayn, mana suurtagalayso in dib loo soo celiyo arag  indho labeelay  mudo laga joogo 57 sano."


Markii ay safarkii  u dhaqaaqeen waxay ku celcelinaysay: "Ilaahayoow, hadi aan hal mar kaliya ku arki lahaa indhahayga  Kacbada . Ilaahayoow, sidee uhor istaaga kacbada  anigoo aan arki karin kacbada 

Iyadoo leh allow kacbada indhahayga igu tus 


Waxay weydiisaa wiilkeeda mar walba: "Ma soo gaarnay kacbada Ma Kacbadaynu  hor taaganahay iyo erya noocaasa 


Markii ay Kacbada  soo gaareen, way aamustay. Wiilkeedii ayaa ku yidhi:

"Hooyo, Kacbadii ayaa halkan  horteena ah 


Waxay tiri iyadoo faraxsan: "Subxaanallaah! Waa wax qurux badan. Allaahu Akbar! Alxamdulillaah! Ilaahayoow waan ku mahadnaqayaa."


Wiilkeeda ayaa la yaabay wuxuuna waydiiyey: "Hooyo, sideed u aragtaa adigoo indho la’?"


Waxay ku jawaabtay: "Waxaan arkayaa Kacbada  hortayda, adigana waan ku arkayaa, sidoo kale waxaan arkayaa dadka oo dhan hareerahayga jooga."


Wiilkeedii ayaa qayliyey isagoo leh: "Allaahu Akbar! Allaahu Akbar!"

Dadka ayaa isugu soo baxay si ay u ogaadaan sheekada haweeneyda Soomaaliyeed ee Fadumo. Warkaas ayaa ku faafay warbaahinta, iyadoo muujinaysa in Alle uusan ka hagran doonin  adoonkiisa dalabkiisa, haddii uu daacad yahay.


Maxaad uga codsanaysaa dadka oo aad uga tagaysaa Rabbigii ku abuurtay 


(Haddii aad akhrisay, Subxaanallaah dheh.)


Qisadani waa mid dhab ah oo la caddeeyey.


Gaarsii dadka aad wanaga lajeceshahay adigana waa kuu sadaqan 



Qore: somaalikaab


Popular posts from this blog

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...

Siyaasi arxanlaawe ah ganacsato bilaa damiira iyo qaaqlayaal diibed jooga waa sadexda soomalidu ka degi wayday

  Siyaasi dhimashada neceb, ganacsade arxanlaawe ah ,qaaqle ka macaysha qayla dhaanta waa sadexda soomalida kadegi wayday welina sirtooda lama gaarin 1.siyaasiga dhimashada neceb Siyaasiyiinta soomalida horbooda waxay huriyaan dagaalada kadhaca gudaha soomaaliya iyagu matagaan goobaha dagaalka iyo meelaha dhimashada ama dagaaladu toos uga socdaan waxay isku dilaan dhalinyaro aan aqoon lahayn oo ay uga faa'idaystaan duruufo kala duwan oo  markaa jira sida qabyaalada iyo balwada oo ah tan ugu wayn oo dagaalada lagu huriyo Siyaasiga arxanka daran waxaa howsha laqabta oo kala macaysha ahna  gacanta   aan qarsoonayn ganacsato  iagauna dhiig miirato  kale'ah iyo qaaqlayaal lacagta halkaa kasameeya oo akoona kabuuxsada Majiro siyaasi caruurtiisa geeya goobaha dagaalka oo ay askar yihiin taa badalkeeda dalkaba majoogaan oo waxayba ka fogeeyan colaadaha waxayna  gaystaan wadamada nabadaa waxayna kunoolyihiin nolol raaxo badan iyo waxbarsho Siyaasiga...