Skip to main content

HOOYADII INDHOOLAHA AHAYD EE DUCADEEDA ALLE AQBALAY

 


Waxay wayday  aragga iyadoo jirta 13 sano, mana aysan arag tan iyo markaas. Waxayna  guursatay iyadoo indho la’aan ah, wayna uuraysatay iyadoo xaaladdaas ku sugan. Waxay nolosheeda ku noolayd adkaysi iyo cabasho la’aan xaaladdeeda darteed.


Markii ay da’deedu gaadhay 70 sano, waxay doonaysay inay xajiso oo ay u safarto Guriga Alle ee barakaysan (Kacbada).


 Waxay diyaarsatay safarka iyadoo wehel ka dhigatay wiilkeeda iyo awlaadda wiilkeeda. Si kastaba ha ahaatee, waxay ku hammiday inay aragto Guriga Alle ee barakaysan (Kacbada). Sidaas darteed, waxay la tashatay dhakhaatiirta indhaha ku xeeldheer  si ay ugu sameeyaan qaliin dib loogu soo celinayo araga indhaheeda, si ay ugu ugu suurta gasho aragtida Kacbada oo ahaa shay aad ugu wayn 


Dhakhaatiirta ayaa ugu jawaabay: "Arrintaas waa mid aan macquul ahayn, mana suurtagalayso in dib loo soo celiyo arag  indho labeelay  mudo laga joogo 57 sano."


Markii ay safarkii  u dhaqaaqeen waxay ku celcelinaysay: "Ilaahayoow, hadi aan hal mar kaliya ku arki lahaa indhahayga  Kacbada . Ilaahayoow, sidee uhor istaaga kacbada  anigoo aan arki karin kacbada 

Iyadoo leh allow kacbada indhahayga igu tus 


Waxay weydiisaa wiilkeeda mar walba: "Ma soo gaarnay kacbada Ma Kacbadaynu  hor taaganahay iyo erya noocaasa 


Markii ay Kacbada  soo gaareen, way aamustay. Wiilkeedii ayaa ku yidhi:

"Hooyo, Kacbadii ayaa halkan  horteena ah 


Waxay tiri iyadoo faraxsan: "Subxaanallaah! Waa wax qurux badan. Allaahu Akbar! Alxamdulillaah! Ilaahayoow waan ku mahadnaqayaa."


Wiilkeeda ayaa la yaabay wuxuuna waydiiyey: "Hooyo, sideed u aragtaa adigoo indho la’?"


Waxay ku jawaabtay: "Waxaan arkayaa Kacbada  hortayda, adigana waan ku arkayaa, sidoo kale waxaan arkayaa dadka oo dhan hareerahayga jooga."


Wiilkeedii ayaa qayliyey isagoo leh: "Allaahu Akbar! Allaahu Akbar!"

Dadka ayaa isugu soo baxay si ay u ogaadaan sheekada haweeneyda Soomaaliyeed ee Fadumo. Warkaas ayaa ku faafay warbaahinta, iyadoo muujinaysa in Alle uusan ka hagran doonin  adoonkiisa dalabkiisa, haddii uu daacad yahay.


Maxaad uga codsanaysaa dadka oo aad uga tagaysaa Rabbigii ku abuurtay 


(Haddii aad akhrisay, Subxaanallaah dheh.)


Qisadani waa mid dhab ah oo la caddeeyey.


Gaarsii dadka aad wanaga lajeceshahay adigana waa kuu sadaqan 



Qore: somaalikaab


Popular posts from this blog

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...

Sirta cimri dherarku waa haweenka

Miyaad Haysaa Dawo Cimriga Dheeraysa? Waxaa la sheegay in uu jiray Amiir ka talin jiray dhul wayn oo ay hoos yimaadaan magaalooyin iyo tuulooyin badan. Amiirkaasi waxa uu ku riyoon jiray in uu da'yar ahaado weligiis oo uusan gaboobin  weligiis   Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu ku amray nin xikmad badan oo ku jiray wasiiradiisa  in uu u keeno daawo cimriga dheeraysa. Waxa uu ballan qaaday in haddii uu arrintaas u hirgeliyo, uu siin doono abaalgud kasta oo uu codsado. Haddaba, ninka xikmadda leh ayaa u baxay in uu raadsho dawo noocaas ah. Waxa uu tagay magaalooyin iyo tuulooyin badan, isaga oo waydiinaya haddii ay jiraan dawo ama cunto cimriga dheeraysa. Ugu dambayn, waxa uu maray tuulo, halkaas oo ay dadka tuulada kula taliyeen in uu tago buuro sare oo ay ku noolaayeen labo walaalo ah. Markii uu gaadhay meeshaas, waxa uu arkay laba guri oo isku dhow. Guriga hore waxa deggenaa nin da'weyn, gurigiisuna waa uu burbursanaa, agagaarkiisana waxa ka muuqday fawdo iyo wax ...