Skip to main content

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada



Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada.


Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada:


Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada.


Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada.


Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone.



Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada:


Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa.


Gubasho xilliga kaadida.


Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda.


Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada.


Xiiso yarida xiriirka guurka.


Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada.


Miisaanka oo kordha.


Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha.


Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada.


Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraanta zinc.



Daawaynta caabuqa iyo bararka prostaatada:


1. Ka fogow sonkorta iyo caanaha lo’da.



2. Jooji saliidaha la safeeyey (sida saliidda qorraxda, galleyda, iyo canola) oo hodan ku ah omega-6 oo hurin kara caabuqa.



3. Ka fogow digirta soodhaha, daqiiqda, sunta cayayaanka, iyo antibiyootiga.



4. Firfircooni geli beerka adigoo cunaya khudaarta sida broccoli, kaabajka, baradho-, iyo jarjeer.



5. Samee jimicsi iyo miisaan dhimis sababtoo ah estrogen-ka waxa uu ku samaysmaa unugyada baruurta.



6. Yaree walwalka oo naso si koritaanka cortisol-ka loo yareeyo; qaado fitamiin D adoo qorraxda ka hela, iyo fitamiin C si loo xoojiyo difaaca jirka.




Cuntooyinka muhiimka ah ee caafimaadka prostaatada:


Selenium: Waxay ka caawisaa jirka inuu soo saaro glutathione oo yareeya caabuqyada. Waxyaabaha laga helo waxaa ka mid ah:


Lawska Brazil.


Tuna, sardines, iyo salmon.


Beerka, kilyaha, iyo maskaxda xoolaha.


Ukunta.



Yodhin: Waxaa laga helaa dhirta badda oo ka caawisa isku dheelitirka hormoonka estrogen-ka.



Cabitaan dabiici ah:

Shaah ka samee geedka qodax-daabka (Nettle) subaxda iyo habeenkii muddo laba bilood ah si uu u kordhiyo hormoonka testosterone.


Isku-darka dabiiciga ah ee caabuqa iyo bararka prostaatada:


100g oo ah iniinaha flaxseed.


100g oo midhaha geedka qodax-dheer (oak).


80g oo xabxabka madow (habbat sawda).


Ku dar 1kg oo malab dabiici ah, kuna cun hal qaaddo subaxda iyo mid kale habeenkii.



Iniinaha bocorka (Pumpkin seeds):

Cun 10g oo iniin bocor ah oo aan la dubin ama cusbo lahayn. Dadka dhiig-yaraanta qaba waa inaysan cunin.


Ilaahay caafimaadka ha idiin siyaadiyo.


Qore: somaalikaab

Popular posts from this blog

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...

Sirta cimri dherarku waa haweenka

Miyaad Haysaa Dawo Cimriga Dheeraysa? Waxaa la sheegay in uu jiray Amiir ka talin jiray dhul wayn oo ay hoos yimaadaan magaalooyin iyo tuulooyin badan. Amiirkaasi waxa uu ku riyoon jiray in uu da'yar ahaado weligiis oo uusan gaboobin  weligiis   Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu ku amray nin xikmad badan oo ku jiray wasiiradiisa  in uu u keeno daawo cimriga dheeraysa. Waxa uu ballan qaaday in haddii uu arrintaas u hirgeliyo, uu siin doono abaalgud kasta oo uu codsado. Haddaba, ninka xikmadda leh ayaa u baxay in uu raadsho dawo noocaas ah. Waxa uu tagay magaalooyin iyo tuulooyin badan, isaga oo waydiinaya haddii ay jiraan dawo ama cunto cimriga dheeraysa. Ugu dambayn, waxa uu maray tuulo, halkaas oo ay dadka tuulada kula taliyeen in uu tago buuro sare oo ay ku noolaayeen labo walaalo ah. Markii uu gaadhay meeshaas, waxa uu arkay laba guri oo isku dhow. Guriga hore waxa deggenaa nin da'weyn, gurigiisuna waa uu burbursanaa, agagaarkiisana waxa ka muuqday fawdo iyo wax ...