Haweeneydu way kaa xannibaysaa, lambarkaagana way tirtiraysaa waxayna ku oranaysaa inaad mar dambe aysan rabin inaad la soo xiriirto, laakiin haddana way kaa filaysaa inaad soo wacdo. Dumarka kaliya ayaa si fiican u fasiri kara arrintan.
Marka aad muran kula jirto haweeneyda, ha isku dayin inaad hadal kula dooddo. Iyadu ma aha tan hadlayso waqtigaas, ee dhegeyso oo u oggolow inay ka sii hadasho waxa qalbigeeda ku jira.
Marka ay degganaato oo naxariis ka muuqato, ood habsato ku dheh sida aad u jeceshahay ama wax ugu sheeg
Dhageyso, walaalkey, haweeneyda ku jecel run ahaantii ma dhaqanto si caadi ah. Mararka qaar waxay isku ekaysiinaysaa mid xanaaqsan ama shar leh,
waxay kaa xanibaysaa WhatsApp iyo Facebook, haddana waxay isticmaali kartaa akoonka saaxiibteed si ay ugu eegto sida aad uga jawaabtay.
Waxay horteenna ku neefsan karaan dab iyo holac, laakiin geeska ayey ku ooyaan si fudud.
Qalbiyadooda waa ka jilicsan yihiin cagaha ilmaha yar. Si aad u fahanto, ogow inta badan haweenku waxay ku hadlaan waxyaabo ka soo horjeeda marka ay kaa xanaaqaan.
Haweeneyda si dhab ah kuu jecel way kula murmi doontaa, haddana way kula jiifsan doontaa isla sariirta iyadoo kaaga tagtay boos weyn oo dhexda ah.
Laakiin si tartiib ah ayey u soo jeesan doontaa si ay u hubiso inaad dhabarka uga jeesatay ama aad wajiga u soo jeedisay.
Waan qoslaa markaan maqlayo ragga leh: "Dumarka ma fahmi karo." Walaal, sidee baad u fahmi kartaa qof la abuuray adigoo hurda?
Waxaan isku dayayaa inaan idhaahdo: haweenka xanaaqsan hadalkooda ha ku dhaqaaqin.
Badanaa, waxa ay sheegayaan macno malahan. Runta waxay tahay, dumarku waa makhluuqaad yaab leh. Waxay u egyihiin sida cusbada; laga yaabee inaadan dareemin joogitaankooda mar walba,
laakiin marka ay baxaan, wax walba waa dhadhan la’aan.
Ka taxaddar haweenka. Waa jinsiga kaa hor istaagi kara muraayadda si ay ugu ooyaan haddana u hubiyaan haddii ilmadoodu si qurux badan u daadatay.
Osman