Waxaa la waydiiyay haweeney waayeel ah waa maxay jacayl,
waxayna tiri:
Markii ugu horreysay ee aan maqlay eraygaas, waxaan ahaa ilmo yar, waana aabahay oo i dhunkaday isagoo leh "waan ku jeclahay". Markaas ayaan iri jacaylku waa: (Naxariis, ammaan, iyo habsiin diirran).
Markii aan qaan gaaray, waxaan helay warqad hoos looga soo tuuray albaabka gurigayaga oo uu soo diray wiilka deriska nala ah,
cinwaankeeda waa magacayga, nuxurkeeduna waa "waan ku jeclahay". Markaas ayaan iri jacaylku waa: (Geesinimo iyo waalli).
Markii la iimeheriyay, ereyga ugu horreeya ee uu iigu yidhi wuxuu ahaa "waan ku jeclahay". Markaas ayaan iri jacaylku waa: (Himilo, shaqo, ujeeddo, iyo rabitaan).
Markii aan guursaday, maalinkii labaad ee arooska, ninkayga ayaa madaxa iga dhunkaday wuxuuna igu yiri "waan ku jeclahay". Markaas ayaan iri jacaylku waa: (Rajo iyo xiiso).
Sanad ka dib waxaa dhashay curadkayga. Waxaan jiifay sariirta anigoo daallan, markaas ayuu ninkayga ii yimid oo gacantayda qabtay wuxuuna igu yiri "waan ku jeclahay". Markaas ayaan iri jacaylku waa: (Mahadnaq, qadarin, naxariis, iyo daryeel).
Sanado kadib, timahu waa ay caddaadeen, caruurtiina way guursadeen. Markaas ayuu ninkayga eegay timahayga isagoo dhoollacaddaynaya, wuxuuna igu yiri "waan ku jeclahay". Markaas ayaan iri jacaylku waa: (Naxariis iyo kalgacal).
cimrigayagiina waa sii dheeraaday,
waan duqoownay. Mar kasta oo uu ninkayga i yiraahdo "waan ku jeclahay", waxaan iraahdaa jacaylku waa: (Daacadnimo, run, iyo wax bixinta aan shuruud lahayn).
Tani waa jacaylka dhabtaa, mar kasta oo cimrigu sii dheeraado, ayaynu ogaaneynaa sirtiisa. Waa jacaylka sii koraya, waligiisna dugoobaynin.
Ma aha dambiyada magaca jacaylka lagu galo ee waqti xaadirkan jira
Waad sii share garayn kartaa si uu saaxibadaa u gaaro anagana waa noo dhiiragalin si kuwa kalo kasii xiiso badan aan idiin lawadaagno
Qore: osman