Skip to main content

Haweenay waayeel ah baa waxaa lawaydiiyay waa maxay jaceyl

 

Waxaa la waydiiyay haweeney waayeel ah  waa maxay  jacayl, 

waxayna tiri:


Markii ugu horreysay ee aan maqlay eraygaas, waxaan ahaa ilmo yar, waana aabahay oo i dhunkaday isagoo leh "waan ku jeclahay". Markaas ayaan iri jacaylku waa: (Naxariis, ammaan, iyo habsiin diirran).


Markii aan qaan gaaray, waxaan helay warqad hoos looga soo tuuray albaabka gurigayaga oo uu soo diray wiilka deriska nala ah, 

cinwaankeeda waa magacayga, nuxurkeeduna waa "waan ku jeclahay". Markaas ayaan iri jacaylku waa: (Geesinimo iyo waalli).


Markii  la iimeheriyay, ereyga ugu horreeya ee uu iigu yidhi wuxuu ahaa "waan ku jeclahay". Markaas ayaan iri jacaylku waa: (Himilo, shaqo, ujeeddo, iyo rabitaan).


Markii aan guursaday, maalinkii labaad ee arooska, ninkayga ayaa madaxa iga dhunkaday wuxuuna igu yiri "waan ku jeclahay". Markaas ayaan iri jacaylku waa: (Rajo iyo xiiso).


Sanad ka dib waxaa dhashay curadkayga. Waxaan jiifay sariirta anigoo daallan, markaas ayuu ninkayga ii yimid oo gacantayda qabtay wuxuuna igu yiri "waan ku jeclahay". Markaas ayaan iri jacaylku waa: (Mahadnaq, qadarin, naxariis, iyo daryeel).


Sanado kadib, timahu waa ay caddaadeen, caruurtiina way guursadeen. Markaas ayuu ninkayga eegay timahayga isagoo dhoollacaddaynaya, wuxuuna igu yiri "waan ku jeclahay". Markaas ayaan iri jacaylku waa: (Naxariis iyo kalgacal).


 cimrigayagiina  waa sii dheeraaday, 

waan duqoownay. Mar kasta oo uu ninkayga i yiraahdo "waan ku jeclahay", waxaan iraahdaa jacaylku waa: (Daacadnimo, run, iyo wax bixinta aan shuruud lahayn).


Tani waa jacaylka dhabtaa, mar kasta oo cimrigu sii dheeraado, ayaynu ogaaneynaa sirtiisa. Waa jacaylka sii koraya, waligiisna dugoobaynin.

Ma aha dambiyada magaca jacaylka lagu galo ee waqti xaadirkan jira 


Waad sii share garayn kartaa si uu saaxibadaa u gaaro anagana waa noo dhiiragalin si kuwa kalo kasii xiiso badan aan idiin lawadaagno 


Qore: osman


Popular posts from this blog

FAAIIDADA DHEGAYARAHA

 FAAIIDDOOYINKA LAGA HELO DHAGAYARAHA/Syzygium Aromaticum Dhagayaraha waxa laga isticmalaa guri kasta oo soomaali leedahay iyagoo ku darsada shaaha,caanaha,xalwada,cunada iyo maraqa iwm. Dhagayaraha waxaa ka buuxa madooyin faaiido u leh jirka waxaana ka mid ah calcium,vitamins A,C,iron, potassium, sodium iyo protein. Maxaa lagu daweeyn karaa dhagayaha ✓Waa xanuun baabiye. ✓Waxaa lagu daweyaa dadka qaba romatisamka. ✓Dhaga yaraha waxaa lagu daweyaa cirid xanuunka ama qofka ilkaha dhiiga oo keena caabuqa gingivitis. ✓Dhaga yaraha wuxuu dawo u yahay sanboorka iyo neefta (Asthma). ✓Waxaa jirta saliid laga sameeyey dhagayaha oo maqaarka la marsado waxaa la ogaaday saliidaas      in ay disho caabuqa fuguska keena ee ku dhaca jirka. ✓Dhaga yaraha wuxuu kor u qadaa dheefshiidka caloosha iyo in durba la bur buriyo cunooyinka. Dhagayaraha ma ahan geed saqiran waxaa la soo isticmaalayey kumaan sano kuwaaas oo lagu daweynayey xanuuno kala gaddisan oo ay ka mid yihin kancerka iyo...

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...