Skip to main content

Haweenku marna ma ahayn kuwo ka qayb qaata dagaaladii dhici jiray

 



Berigii hore haweenku dagaalada qabiilada kama qayb qaadan jirin oo goobaha dagalda ama jiida hore may iman jirin 


Hada waxaa soo kordhay haween jiidaha hore taagan oo dagaal galiyaal oo raga kiciniya oo waa warayda haya 

iyo kuwa shaashadaha taagan oo dagaalada wax ka hurinaya 


Ogowna dagaalka haweenku kujiraan ama ay raga dagaalka galinayaan oo kuu heesayan ka kaceey  waa ka dhib iyo xanuun iyo xasarad badan yahay kan raga kaliya ah 

 

Eraygii ay dumarku oran jireen ama ku doodi jireen 

soomaliya rag bay kadegi wayday oo intaa haysta is cunaya  hisagu  waa buray oo iyagaaba hada raga  bara dheerayay 


Umalayn maayo maanta in lahelayo haween aan dagaalka dhinacooda kaga jirin ragana durbaan shaydanka u garaacayn 


Haweenka dagaal oogayasha ahaa  waa soo bdanayaan 


Haweenki calamanta cad cad qaadan jiray ee nabada hormuudka u ahaa away horta 


Berigii hore haweenka iyaga fure u ahaa nabada geyiga marna majeclayn in ragu isku dhintaan wayna ku kala hagoogan jireen raga 


Waxaa taariikha lagu hayaa dumar badan oo bad baadiyay rag la layn lahaa 


Marka ragu is dilo waxay haweenku ahayeen kuwa isku xira raga oo gabar baa lasiin jiray reerka wax laga dilo godobtir ah 


Waxaana ninkii ladilay lagaga gami jiray ubadka gabadhaasi dhasho oo ahayd udub dhexaadka labada reer 


Hadase waxaa mooda in waxkastii is bedeleen 


Qor: osmaan

Popular posts from this blog

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...

Siyaasi arxanlaawe ah ganacsato bilaa damiira iyo qaaqlayaal diibed jooga waa sadexda soomalidu ka degi wayday

  Siyaasi dhimashada neceb, ganacsade arxanlaawe ah ,qaaqle ka macaysha qayla dhaanta waa sadexda soomalida kadegi wayday welina sirtooda lama gaarin 1.siyaasiga dhimashada neceb Siyaasiyiinta soomalida horbooda waxay huriyaan dagaalada kadhaca gudaha soomaaliya iyagu matagaan goobaha dagaalka iyo meelaha dhimashada ama dagaaladu toos uga socdaan waxay isku dilaan dhalinyaro aan aqoon lahayn oo ay uga faa'idaystaan duruufo kala duwan oo  markaa jira sida qabyaalada iyo balwada oo ah tan ugu wayn oo dagaalada lagu huriyo Siyaasiga arxanka daran waxaa howsha laqabta oo kala macaysha ahna  gacanta   aan qarsoonayn ganacsato  iagauna dhiig miirato  kale'ah iyo qaaqlayaal lacagta halkaa kasameeya oo akoona kabuuxsada Majiro siyaasi caruurtiisa geeya goobaha dagaalka oo ay askar yihiin taa badalkeeda dalkaba majoogaan oo waxayba ka fogeeyan colaadaha waxayna  gaystaan wadamada nabadaa waxayna kunoolyihiin nolol raaxo badan iyo waxbarsho Siyaasiga...