Berigii hore haweenku dagaalada qabiilada kama qayb qaadan jirin oo goobaha dagalda ama jiida hore may iman jirin
Hada waxaa soo kordhay haween jiidaha hore taagan oo dagaal galiyaal oo raga kiciniya oo waa warayda haya
iyo kuwa shaashadaha taagan oo dagaalada wax ka hurinaya
Ogowna dagaalka haweenku kujiraan ama ay raga dagaalka galinayaan oo kuu heesayan ka kaceey waa ka dhib iyo xanuun iyo xasarad badan yahay kan raga kaliya ah
Eraygii ay dumarku oran jireen ama ku doodi jireen
soomaliya rag bay kadegi wayday oo intaa haysta is cunaya hisagu waa buray oo iyagaaba hada raga bara dheerayay
Umalayn maayo maanta in lahelayo haween aan dagaalka dhinacooda kaga jirin ragana durbaan shaydanka u garaacayn
Haweenka dagaal oogayasha ahaa waa soo bdanayaan
Haweenki calamanta cad cad qaadan jiray ee nabada hormuudka u ahaa away horta
Berigii hore haweenka iyaga fure u ahaa nabada geyiga marna majeclayn in ragu isku dhintaan wayna ku kala hagoogan jireen raga
Waxaa taariikha lagu hayaa dumar badan oo bad baadiyay rag la layn lahaa
Marka ragu is dilo waxay haweenku ahayeen kuwa isku xira raga oo gabar baa lasiin jiray reerka wax laga dilo godobtir ah
Waxaana ninkii ladilay lagaga gami jiray ubadka gabadhaasi dhasho oo ahayd udub dhexaadka labada reer
Hadase waxaa mooda in waxkastii is bedeleen
Qor: osmaan