Skip to main content

SIDA LOO JARO BARUURTA CALOOSHA

 



Talooyin muhiim ah oo kaa caawinaya in aad ka takhalusto baruurta caloosha oo adag


Baruurta caloosha ayaa inta badan dhibaato ku noqota dumar iyo rag badan maadaama ay saameyn weyn ku yeelato muuqaalka quruxda. Haddii aad tahay qof ka walwalsan baruurta caloosha, halkan waxaa ku jira talooyin lagama maarmaan ah oo kaa caawinaya inaad si fudud uga takhalusto:


1. Hurdada oo kugu filan: Daraasad ka socota Jaamacadda Wake Forest ee Mareykanka ayaa sheegtay in hurdada ka yar 5 saacadood ay kordhiso baruurta caloosha gaar ahaan dadka ka yar 40 sano. Halka hurdada 8 saacadood ama ka badan ay ka hortagto ururinta baruurta caloosha.



2. Cunista si tartiib ah: Si aada uga hortag inaad si xad dhaaf ah wax u cunto, sidoo kale si aad ah u dhiirigeli nidaamka gubista baruurta.



3. Ka fogaanta walbahaarka (stress): Walbahaarku wuxuu sababaa soo saarista kortisool, oo ah hormoon kicinaya rabitaanka cuntada iyo ururinta baruurta caloosha. Sidaa darteed, hel waqti aad ku nasato oo maskaxda u deji.



4. Cunto fudud cun habeenkii: Cun cunto fudud 30 daqiiqo ka hor hurdada, sida cuntooyinka borotiinka leh sida caanaha aan dufanka lahayn ama farmaajada. Waxay ka shaqeysaa kor u qaadista metabolism-ka subaxa hore.



5. Jimicsiga caloosha: Samee jimicsiyo gaar ah oo lagu adkeeyo murqaha caloosha iyo lagu yareeyo baruurta.



6. Cun cuntooyinka leh fitamiinka C: Sida liinta, liin-dhanaanta, basbaaska macaan, iyo kuwa lamidkaa, oo dhammaantood gacan ka geysta gubista baruurta gaar ahaan caloosha iyo barida.



7. Raadi cuntooyin caafimaad leh: Ku dar cuntooyinka kala duwan sida avocado, rummaanka, tufaaxa, mooska, celery, cuntooyinka badda, yaanyada, shinnida, qajaarka, iyo papaya. Cuntooyinkani waxay caawiyaan yaraynta baruurta caloosha.




Ka fogaanshaha cuntooyinka  sababa caloosha baruurta leh


1. Xanjada: Waxay kicisaa caloosha iyo maskaxda si ay cunto u diyaariso, taas oo kordhisa gaajada iyo cunista badan.



2. Cabitaanka warshadaysan iyo sodhiyaha: Kuwa caadiga ah iyo kuwa "diet" labaduba waxay leeyihiin sokor badan oo keena baruur caloosha.



3. Cuntooyinka degdega ah (fast food): Haddii aadan iska joojin karin, ogow inay yihiin sabab weyn oo keena baruurta caloosha.



4. Jalaatada: Waxay leedahay sokor aad u badan, taas oo dhib badan ku noqota jirka.



5. Mayonnaise: 80% dufan ah oo si toos ah uga dhigi karta baruur caloosha adag.


Talo yar oo dheeri ah: Samee jimicsiga kardiyo ugu yaraan 3 maalmood usbuucii sida orodka, dabaasha, ama xitaa qoob-ka-ciyaarka. Waxaa cilmi ahaan la caddeeyey in qoob-ka-ciyaarku uu saacado ku gubo ilaa 800 kaloori.


Isku day inaad raacdo talooyinkan, isla markaana aad joogteyso jimicsiga si aad u hesho calool fidsan oo caafimaad leh!


Write : somaalikaab

Popular posts from this blog

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...

Sirta cimri dherarku waa haweenka

Miyaad Haysaa Dawo Cimriga Dheeraysa? Waxaa la sheegay in uu jiray Amiir ka talin jiray dhul wayn oo ay hoos yimaadaan magaalooyin iyo tuulooyin badan. Amiirkaasi waxa uu ku riyoon jiray in uu da'yar ahaado weligiis oo uusan gaboobin  weligiis   Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu ku amray nin xikmad badan oo ku jiray wasiiradiisa  in uu u keeno daawo cimriga dheeraysa. Waxa uu ballan qaaday in haddii uu arrintaas u hirgeliyo, uu siin doono abaalgud kasta oo uu codsado. Haddaba, ninka xikmadda leh ayaa u baxay in uu raadsho dawo noocaas ah. Waxa uu tagay magaalooyin iyo tuulooyin badan, isaga oo waydiinaya haddii ay jiraan dawo ama cunto cimriga dheeraysa. Ugu dambayn, waxa uu maray tuulo, halkaas oo ay dadka tuulada kula taliyeen in uu tago buuro sare oo ay ku noolaayeen labo walaalo ah. Markii uu gaadhay meeshaas, waxa uu arkay laba guri oo isku dhow. Guriga hore waxa deggenaa nin da'weyn, gurigiisuna waa uu burbursanaa, agagaarkiisana waxa ka muuqday fawdo iyo wax ...