Skip to main content

SIDA LOO JARO BARUURTA CALOOSHA

 



Talooyin muhiim ah oo kaa caawinaya in aad ka takhalusto baruurta caloosha oo adag


Baruurta caloosha ayaa inta badan dhibaato ku noqota dumar iyo rag badan maadaama ay saameyn weyn ku yeelato muuqaalka quruxda. Haddii aad tahay qof ka walwalsan baruurta caloosha, halkan waxaa ku jira talooyin lagama maarmaan ah oo kaa caawinaya inaad si fudud uga takhalusto:


1. Hurdada oo kugu filan: Daraasad ka socota Jaamacadda Wake Forest ee Mareykanka ayaa sheegtay in hurdada ka yar 5 saacadood ay kordhiso baruurta caloosha gaar ahaan dadka ka yar 40 sano. Halka hurdada 8 saacadood ama ka badan ay ka hortagto ururinta baruurta caloosha.



2. Cunista si tartiib ah: Si aada uga hortag inaad si xad dhaaf ah wax u cunto, sidoo kale si aad ah u dhiirigeli nidaamka gubista baruurta.



3. Ka fogaanta walbahaarka (stress): Walbahaarku wuxuu sababaa soo saarista kortisool, oo ah hormoon kicinaya rabitaanka cuntada iyo ururinta baruurta caloosha. Sidaa darteed, hel waqti aad ku nasato oo maskaxda u deji.



4. Cunto fudud cun habeenkii: Cun cunto fudud 30 daqiiqo ka hor hurdada, sida cuntooyinka borotiinka leh sida caanaha aan dufanka lahayn ama farmaajada. Waxay ka shaqeysaa kor u qaadista metabolism-ka subaxa hore.



5. Jimicsiga caloosha: Samee jimicsiyo gaar ah oo lagu adkeeyo murqaha caloosha iyo lagu yareeyo baruurta.



6. Cun cuntooyinka leh fitamiinka C: Sida liinta, liin-dhanaanta, basbaaska macaan, iyo kuwa lamidkaa, oo dhammaantood gacan ka geysta gubista baruurta gaar ahaan caloosha iyo barida.



7. Raadi cuntooyin caafimaad leh: Ku dar cuntooyinka kala duwan sida avocado, rummaanka, tufaaxa, mooska, celery, cuntooyinka badda, yaanyada, shinnida, qajaarka, iyo papaya. Cuntooyinkani waxay caawiyaan yaraynta baruurta caloosha.




Ka fogaanshaha cuntooyinka  sababa caloosha baruurta leh


1. Xanjada: Waxay kicisaa caloosha iyo maskaxda si ay cunto u diyaariso, taas oo kordhisa gaajada iyo cunista badan.



2. Cabitaanka warshadaysan iyo sodhiyaha: Kuwa caadiga ah iyo kuwa "diet" labaduba waxay leeyihiin sokor badan oo keena baruur caloosha.



3. Cuntooyinka degdega ah (fast food): Haddii aadan iska joojin karin, ogow inay yihiin sabab weyn oo keena baruurta caloosha.



4. Jalaatada: Waxay leedahay sokor aad u badan, taas oo dhib badan ku noqota jirka.



5. Mayonnaise: 80% dufan ah oo si toos ah uga dhigi karta baruur caloosha adag.


Talo yar oo dheeri ah: Samee jimicsiga kardiyo ugu yaraan 3 maalmood usbuucii sida orodka, dabaasha, ama xitaa qoob-ka-ciyaarka. Waxaa cilmi ahaan la caddeeyey in qoob-ka-ciyaarku uu saacado ku gubo ilaa 800 kaloori.


Isku day inaad raacdo talooyinkan, isla markaana aad joogteyso jimicsiga si aad u hesho calool fidsan oo caafimaad leh!


Write : somaalikaab

Popular posts from this blog

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...

Siyaasi arxanlaawe ah ganacsato bilaa damiira iyo qaaqlayaal diibed jooga waa sadexda soomalidu ka degi wayday

  Siyaasi dhimashada neceb, ganacsade arxanlaawe ah ,qaaqle ka macaysha qayla dhaanta waa sadexda soomalida kadegi wayday welina sirtooda lama gaarin 1.siyaasiga dhimashada neceb Siyaasiyiinta soomalida horbooda waxay huriyaan dagaalada kadhaca gudaha soomaaliya iyagu matagaan goobaha dagaalka iyo meelaha dhimashada ama dagaaladu toos uga socdaan waxay isku dilaan dhalinyaro aan aqoon lahayn oo ay uga faa'idaystaan duruufo kala duwan oo  markaa jira sida qabyaalada iyo balwada oo ah tan ugu wayn oo dagaalada lagu huriyo Siyaasiga arxanka daran waxaa howsha laqabta oo kala macaysha ahna  gacanta   aan qarsoonayn ganacsato  iagauna dhiig miirato  kale'ah iyo qaaqlayaal lacagta halkaa kasameeya oo akoona kabuuxsada Majiro siyaasi caruurtiisa geeya goobaha dagaalka oo ay askar yihiin taa badalkeeda dalkaba majoogaan oo waxayba ka fogeeyan colaadaha waxayna  gaystaan wadamada nabadaa waxayna kunoolyihiin nolol raaxo badan iyo waxbarsho Siyaasiga...