Skip to main content

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

 


Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan:

Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan:

Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen.

Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag."

Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray.

Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay "

Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba."

Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: "Waxaan  ka raadinnay bari iyo galbeed, laakiin qofkaa lama hayo oo waynay bay igusoo war celinjireen."

Waxaan  la yaabi jiray sababta aysan u arkin, inkastoo uu yaqaanay halka ay joogaan, sida gurigooda ama goobtooda shaqada.

Balse markii uu toobadkeenay, ayuu ogaaday sababta uu dadka qaarkii u sixri waayay qaarna ag ugu fududaatay :

Dadka ayaa kala duwan marka laga hadlayo ducada, ilaalinta, iyo xoojinta naftooda.

Dadka aan cibaadaysan

Qaarka ama dadka'  aan ducaysan ama ilaalin naftooda way fududahay in la sixro lana helo goobahay joogaan oo malaha waxa ilaalinaya  .

Dadka ducada hilmaama

Qaarka' aan   si xooggan u ducaysan, laakiin marmar dayaca ama ilaawa , way adag tahay in la gaaro –
codkooda ayaa la maqlaa oo kaliya.

Dadka markasta cibaadaysta aan ilaawin

Kuwa ugu ilaalinta fiican waa  kuwa ducada iyo cibaadada joogtada ah layimaada , ma jirto jin ama cirfiid soo heli kara, xitaa haddii ay la joogaan.

Hada qisadan waxaan ka qaadanaynaa in aynu ku dadao marka koowaad cibaada rabi iyo uhogaansan waxii Eebe na faraya

Marka xigta waa in aan adkaarto joogtayno waa difaaca iyo xirsi xirka shayaadiinta iyl jinka

Waqtigan aan kujiro waa waqti xun oo ay bateen dadka sixirada iyo jimanka wax ku dhibaateeya

Allaah wuxuu Qur'aanka ku leeyahay:
"Markaad Akhriso Qur’aanka, waxaanu kaa yeelnaa adiga iyo kuwaan rumayn aakhiro dhexdooda Xijaab Dahsoon."
(Surat Al-Isra: 45)

Qoraalka sii gaarsii dadka aad wanaaga lajeceshahay adigana waa kuu sadaqo

Qore: osmaan

Popular posts from this blog

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...

Siyaasi arxanlaawe ah ganacsato bilaa damiira iyo qaaqlayaal diibed jooga waa sadexda soomalidu ka degi wayday

  Siyaasi dhimashada neceb, ganacsade arxanlaawe ah ,qaaqle ka macaysha qayla dhaanta waa sadexda soomalida kadegi wayday welina sirtooda lama gaarin 1.siyaasiga dhimashada neceb Siyaasiyiinta soomalida horbooda waxay huriyaan dagaalada kadhaca gudaha soomaaliya iyagu matagaan goobaha dagaalka iyo meelaha dhimashada ama dagaaladu toos uga socdaan waxay isku dilaan dhalinyaro aan aqoon lahayn oo ay uga faa'idaystaan duruufo kala duwan oo  markaa jira sida qabyaalada iyo balwada oo ah tan ugu wayn oo dagaalada lagu huriyo Siyaasiga arxanka daran waxaa howsha laqabta oo kala macaysha ahna  gacanta   aan qarsoonayn ganacsato  iagauna dhiig miirato  kale'ah iyo qaaqlayaal lacagta halkaa kasameeya oo akoona kabuuxsada Majiro siyaasi caruurtiisa geeya goobaha dagaalka oo ay askar yihiin taa badalkeeda dalkaba majoogaan oo waxayba ka fogeeyan colaadaha waxayna  gaystaan wadamada nabadaa waxayna kunoolyihiin nolol raaxo badan iyo waxbarsho Siyaasiga...