Skip to main content

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

 


Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan:

Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan:

Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen.

Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag."

Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray.

Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay "

Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba."

Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: "Waxaan  ka raadinnay bari iyo galbeed, laakiin qofkaa lama hayo oo waynay bay igusoo war celinjireen."

Waxaan  la yaabi jiray sababta aysan u arkin, inkastoo uu yaqaanay halka ay joogaan, sida gurigooda ama goobtooda shaqada.

Balse markii uu toobadkeenay, ayuu ogaaday sababta uu dadka qaarkii u sixri waayay qaarna ag ugu fududaatay :

Dadka ayaa kala duwan marka laga hadlayo ducada, ilaalinta, iyo xoojinta naftooda.

Dadka aan cibaadaysan

Qaarka ama dadka'  aan ducaysan ama ilaalin naftooda way fududahay in la sixro lana helo goobahay joogaan oo malaha waxa ilaalinaya  .

Dadka ducada hilmaama

Qaarka' aan   si xooggan u ducaysan, laakiin marmar dayaca ama ilaawa , way adag tahay in la gaaro –
codkooda ayaa la maqlaa oo kaliya.

Dadka markasta cibaadaysta aan ilaawin

Kuwa ugu ilaalinta fiican waa  kuwa ducada iyo cibaadada joogtada ah layimaada , ma jirto jin ama cirfiid soo heli kara, xitaa haddii ay la joogaan.

Hada qisadan waxaan ka qaadanaynaa in aynu ku dadao marka koowaad cibaada rabi iyo uhogaansan waxii Eebe na faraya

Marka xigta waa in aan adkaarto joogtayno waa difaaca iyo xirsi xirka shayaadiinta iyl jinka

Waqtigan aan kujiro waa waqti xun oo ay bateen dadka sixirada iyo jimanka wax ku dhibaateeya

Allaah wuxuu Qur'aanka ku leeyahay:
"Markaad Akhriso Qur’aanka, waxaanu kaa yeelnaa adiga iyo kuwaan rumayn aakhiro dhexdooda Xijaab Dahsoon."
(Surat Al-Isra: 45)

Qoraalka sii gaarsii dadka aad wanaaga lajeceshahay adigana waa kuu sadaqo

Qore: osmaan

Popular posts from this blog

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...

Sirta cimri dherarku waa haweenka

Miyaad Haysaa Dawo Cimriga Dheeraysa? Waxaa la sheegay in uu jiray Amiir ka talin jiray dhul wayn oo ay hoos yimaadaan magaalooyin iyo tuulooyin badan. Amiirkaasi waxa uu ku riyoon jiray in uu da'yar ahaado weligiis oo uusan gaboobin  weligiis   Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu ku amray nin xikmad badan oo ku jiray wasiiradiisa  in uu u keeno daawo cimriga dheeraysa. Waxa uu ballan qaaday in haddii uu arrintaas u hirgeliyo, uu siin doono abaalgud kasta oo uu codsado. Haddaba, ninka xikmadda leh ayaa u baxay in uu raadsho dawo noocaas ah. Waxa uu tagay magaalooyin iyo tuulooyin badan, isaga oo waydiinaya haddii ay jiraan dawo ama cunto cimriga dheeraysa. Ugu dambayn, waxa uu maray tuulo, halkaas oo ay dadka tuulada kula taliyeen in uu tago buuro sare oo ay ku noolaayeen labo walaalo ah. Markii uu gaadhay meeshaas, waxa uu arkay laba guri oo isku dhow. Guriga hore waxa deggenaa nin da'weyn, gurigiisuna waa uu burbursanaa, agagaarkiisana waxa ka muuqday fawdo iyo wax ...