Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Sheekooyiin

Mucjisada Caafimaadka

  Boqorrada ayaa isticmaalayay boqolaal sano ka hor sababtoo ah faa'iidooyinkeeda yaabka leh ee cajiibka ah... Qalabka: 6 xabbo oo liin ah 30 xabbo oo toon ah Sida loo diyaariyo: 1. Liinta iyo toonta jar oo dhig biyo karkaraya. 2. Dab yar saar muddo 5 daqiiqo ah. 3. Marka uu qaboojiyo, ku shub weel galaas ah kuna kaydi qaboojiyaha. 4. Cun hal qaaddo weyn maalin kasta calool madhan. Faa’iidooyinka Liinta iyo Toonta Isku-dhafkaan ayaa wax ka taraya cudurro kala duwan oo ay ka mid yihiin: 1. Ka ilaalinta  jirka noocyada kansarka. Ilaah hayna dhowro. 2. Ka saarida  balqanka afka waxayna u jilciyaan codka kuwa wax  akhrinaya  3. Baabi’inta  dhammaan noocyada xasaasiyadda jirka. 4. Waa daawo waxtar leh oo ka hortagta curyaannimada ka dhalata xinjirowga dhiigga. 5.waxay  Kahor tagayaan caabuqa iyo xidhitaanka halbowlayaasha iyo cadaadiska dhiigga sare. 6.waxay  Hoos u digaan  cholesterol iyo dufanka jirka. 7. Ka caawinta jira inay gubto dufanka aan ...

Caqligu marna diinta kama maarmo

Waxyaabaha mudan in lagu baraarugo waxaa ka mid ah in Ilaahay Aadanaha u sameeyay garaad iyo Fidro Dabiici ah oo ay ku kala gartaan Samaanta iyo Xumaanta iyo Dhibta iyo Dheefta, Fidradaasi isma badasho haddii aysan dibadda oga imaan waxyaalo ka qaalib noqda oo Afgambiya,Fidradaasi waa dabeecad sameys ah oo mar kasta ku amban gudaha Aadanaha ismana badasho xitaa haddii uu Ruuxu ku doorsoomo waxyaabo dibadda oga yimid oo  Jirro Shaki ama Shubho ah ku rida Caqligiisa. Garaadka Aadanuhu  wuu jiranaan karaa inta la doono kol haddii uu ku sumoobo Afkaaraha dulanka wata ee dibadda ka soo weerara,waxayse Aakhirka u badan tahay inuu Qofka ka baskoodo kol kasta oo uu helo Dawo la jaanqaadi karta dib u hanashada Caqliga iyo Fidrada asaasiga ah taas oo ah toosnaantii uu Rabbi kolkii horeba ku beeray Aadanaha.  Rasuulku scw wuxuu yiri isaga oo xagga Rabbi ka soo warinaya: ((إِنِّي خَلَقْتُ عِبَادِي حُنَفَاءَ كُلَّهُمْ ، وَإِنَّهُمْ أَتَتْهُمُ الشَّيَاطِينُ فَاجْتَالَتْهُمْ عَنْ دِينِه...

Wiilkii caqli badnidiisii owgeed loo bixiyay dawaco

Wiil 19 jir ah ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyey inuu jabsaday nidaamyada amniga qaranka isla markaana uu xaday sir badan oo dowladda ah. Wiilkaasi waxaa loogu yeeraa "Dawaco" maadaama uu aad u caqli badan yahay. Aabbihiis, oo ah nin waayeel ah oo kaligiis la nool, ayaa doonayey inuu barxadda gurigiisa ka beero baradho, balse awood uma lahayn sababtoo ah cimrigiisa oo weyn awgeed. Wuxuu u qoray wiilkiisa warqad isagoo leh: "Wiilkaygii qaaliga ahaayow, waxaan jeclaan lahaa inaad ila joogto si aad iiga caawiso qodidda barxadda guriga, waayo cid ii caawisaa ma hayo." Maalmo kadib, aabbaha wuxuu helay warqad wiilkiisa uga timid oo u qoransidan: "Aabahayga qaaliga ahow, fadlan ka digtoonow inaad qoddo barxadda, waayo waxaan halkaas ku qariyey wax aad muhiim u ah. Marka aan xabsiga ka soo baxo ayaan kuu sheegi doonaa wixii halkaas yaallay." Saacado kadib, ciidamo badan oo ka socda hay'adaha amniga ayaa yimid guriga aabbaha waxayna si xeel ...

Daacadnimada waxaa lagu helaa wax wayn oodan filan karin

 Waa hore, waxaa jiray nin qoryoolay ah oo sabool ahaa, aan haysan wax uu caruurtiisa ku quudiyo. Wuxuu lahaa gabadh dhalinyaro' ah oo qurux badan iyo  afar wiilal ah, iyo hooyadiis oo da’ ah oo la joogtay.  Maalin kasta, qoryolaygu iyo xaaskiisa way wada  fadhiisan jireen iyagoo aad u murugaysan, maadaama aysan awoodin inay ilmahooda quudiyaan. Qoryalaygu wuxuu ahaa nin qalbi naxariis badan leh oo aad u jeclaa shimbiraha, xayawaanka, iyo dhirta, xataa markii uu u baxo kaynta si uu qoryo uga soo jar-jarto, waxaa ku adkaata inuu dhirta gooyo, qalbigiisuna wuu ka diidijiray  Maalin Maalmaha Ka Mid Ah Maalin maalmaha ka mid ah, qoryalayga wuxuu u baxay kaynta isagoo sita faaskiisa, wuxuu ku  ducaysanayey inuu Allaah siiyo rizqi uu ilmaha ku quudiyo. Caruurtiisa ayaa iyagoo dhoolla caddaynaya ku macasalaameeyay, iyagoo dalbanaya cunto iyo dhar. Wuxuu u gacan haatiyay ilaa uu ka libdhay indhahooda. Markii uu kaynta dhex socday, wuxuu ag maray geed waayeel ah oo ...

Haweenaydii libaaxa timaha kasoo jartay

Waxaa jirtay haweeney ka  cabaneysay dabeecadda xun ee ninkeeda, markaasaa hooyadeed waxay u sheegtay inay ka caawin doonto inay bedesho dabeecadda ninkeeda, laakiin marka hore ay lakaalaydo  timo libaax. Waxaa loo sheegay inay libaaxa ka soo gooyn  karto isagoo xor ah oo duur jooga, timaheedana iyada gacanteeda ayay ka soo goyn doontaa. Haweeneydii way argagaxday, muddo ayayna ka fikiraysay sida ay u heli lahayd libaaxa. Waxay weydiisay dad kala duwan wax arrintaa ku saabsan, ugu dambeyntiina waxaa lagu wargeliyay xal adag oo ay soo jeedisay saaxiibteed. Saaxiibteed waxay ku tiri, "Libaaxa bini'aadamka ma cuno ilaa uu gaajaysan yahay, mana weeraro ilaa la dhibo ama la cabsi geliyo maahe ." Waxay sidoo kale kula talisay inay libaaxa ku keento xaalad degan oo uu ku dareemo aamin, ilaa uu ku soo dhowaado iyada. Markaas ayaa haweeneydii waxay bilaawday inay hilib u keento libaaxa, si ay u dhergiso  si  ay uga dhowaan karto. Mar kasta way usii dhowaan jirtay libaaxa...

FARQIGA U DHAXEEYA KHIMAARKA IYO XIJAABKA

 in khimaar yar oo gabar yar madaxa' u saaran lagu sheego xijaab waa khalad wayn oo diinta iyo dhaqanka islaamka  laga galay  intaa waxaa dheer gabar yaroo laga yaabo in aanay aqoon diineed lahayn amaba ay ku kortay wadamada reer galbeed lasii lugooyo halkii lasixi lahaa iyana waa khalad kale  Sidoo kale waxaa khalad kale oo muuqda ah inay gabadhaasi gacan qaaday rag ajaaniba ka' ah    Sidoo kale waxay xirantahay shaar iyo surweel muuqda  Shaar iyo surweel muuqdaana waa dharka raga ee maaha dharka dumarka  intaasiba waa khaladaad aynu wada aragno una baahan in sida saxdaa uga hadalo  Weliba culimad diinta iyo dadka hormuudka iyo indhaha ' u ah bulshadu waa inay arimahan aanay sahashan  Waxaa kaloo arintan macquul tahay in laga leeyahay dano shisheeyo" oo' aynan fahansanayn  Waxaa kaloo arintaa' aad u buun buuniyay haweenka calmaaniyiinta ee dhiiri galiya dhaqan xumooyinka bulshada kusoo badanaya iyagoo jecel in bulshada wada fasahaa...

America oo diyaarado loogasoo riday yamen

 72 saac ee la soo dhaafay, kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku soo riday labo diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn Mareykanka ee MQ-9 Reaper iyo isku darka tan iyo Mareykanka inta uu billaabay howlgalkiisa badda cas 9 diyaaradood oo noocan ah oo qiimo ahaan ku fadhiya $30 illaa $32 milyan mid kasta oo ka mid ah. Waxaa loo arkaa fashil iyo fadeexad ay diyaaradan la kulmeyso , maaddama uu Mareykanka usoo bandhigay diyaarad la isku haleyn karo oo awood u leh inay iska caabiso xaaladaha ay wajahdo, waxayna si joogta ah iyadoo meel fog laga hagayo awood u leh inay howlgal fuliso 24 saac oo xiriir ah.  Waa koror aad u sarreeya iyo awood waxtar leh iska caabinta Xuutiyiinta, taa oo tilmaam ka bixinaysa sida ay awood ahaan isku hormariyeen Xuutiyiinta, iyadoo dhinaca Lubnaan ay hadda ku dhibtoonayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ee kala ah Heron TP, Hermes oo ay ku tirnaayeen howlgallada ciidanka Israa’iil. Hadda dunidda lama filayo iska horimaadyo dhulka ah oo ...

DOQONKII DAMEERKIISA LAGA KHAYAAMAYSTAY

 Beri ayaa nin doqon ahaa oo dameer uu ku xamaasho watay ay laba tuug oo ku ogaa doqonnimadu u heshiiyeen sidii ay dameerka uga qaadi lahaayeen.   Mid ka mid ah Labadii tuug ayaa inta uu si sanqar la’aan ah ugu soo dhuuntay ninkii doqonka ahaa oo hogaaminaya dameerkiisii xagga horana eegaya, inta uu hoggaankii ka furay uu isagu qoorta gashaday dameerkiina tuugii kale yiri kaxee.  Markii uu tuugii qiyaasay in saaxiibkii la tegey dameerkii ayuu mar keliya istaagey diidayna hoggaankii. Markii uu ninkii doqonka ahaa dib u soo eegay waxa uu arkay in waxa uu hoggaaminayaa uu yahay nin. Ninkii doqonka ahaa oo aad u naxsan ayaa inta uu ku soo noqday ninkii uu hogaaminayey ku yiri, “Waar maxaad ahayd?” Ninki tuugga ahaa ayaa yiri,“Waxa aan ahaa nin hooyadii caasiyi jiray,kadib inkaar hooyaday igaga dhacday ayaa ii beddeshay Dameer, muddo ayaan dameer ahaa, adna adiga oo aan ogeyn in aan ahay nin habaar hooyadii kaga dhacay dameer ka dhigay igu shaqaysanaysay,  Iminka ayaa ay ...

HAWEENTADA CAYAAR CAAYAR HAKU FURIN

Nin Reer baadiyo ah Ayaa xaaskiisa u yimid wuxuuna ku dhahay waad iga furantahay ilaa in mudo ah ;ﺣﺘﻲ ﺣﻴﻦ kadib ninkii waa uu ka shalaayay, waxa uuna doonay in uu ka noqdo, hasa ahaatee waxa uu Raadiyay Mudadaas u carabaabay inta ay tahay,  wuxuu soo aaday Rasuulka scw wuxuuna rabay inuu waydiiyo: Goorma ayaan Xaaskeeyga ku noqon karaa? Hasa ahaatee Rasuulka scw wuu soo waayay xaafadiisa ma joogin waqtigaas. kadib wuxuu soo aaday Abuu bakar Rc wuxuuna waydiiyay isla Su,ashii ahayd " ﺣﺘﻲ ﺍﻟﺤﻴﻦ " Tafsiirkeeda (macnaheeda) Abuu bakar Rc wuxuu ku Macneeyay: xaskaaga kuuma banaano ilaa Aad ka dhimaneeso, Yacnii waligaa kuma noqoneysid, wuu ka soo Tagay. Hadana wuxu u yimid cumar bin khadaab Rc Hadana isla su,ashii ayuu waydiiyay cumar Rc wuxuu ku jawabay : waxay Xaraam kaatahay ilaa 40sano. Hadana wuxuu u yimad cuthman bin cafaan Rc isla su'ashii ayuu waydiiyay, cuthmaan wuxuu ku jawaabay: waxay xaaraam kaatahay 1sano oo kaamil ah(12bil). Hadana wuu ka so Tagay wuxuu u yimid C...