Skip to main content

CULAYS KASTA FUDAYD BAA KADANBEEYA



Ilaahay wuxuu si adag u damaanad qaaday in Culeys kasta oo dadka Iimaanka lihi ku yimaada uu  uga dambeyn doono fudeyd. 


فَإِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا (5) إِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا (6) 

“Dhab ahaantii Culeys walba fudeyd ayaa la jira,xaqiiqdii Culeys walba Fudeyd ayaa la jira”.


Fudeydka Culeyska la jiro waa mid ka dambeeya Culeyska sida ay Aayadan kale sheegtay. 


سَيَجْعَلُ اللَّهُ بَعْدَ عُسْرٍ يُسْرًا (7)

“Eebe wuxuu Culeyska dabadii yeelayaa Fudeyd”.


Athar saxiix ah oo Imaam Cumar ka sugnaatay ayaa ahayd:-


قال عمر ابن خطاب رضي الله عنه:-

"فإنه ما ينزل بعبد مؤمن من منزلة شدة إلا يجعل الله له بعدها فرجا ، ولن يغلب عسر يسرين ".

رواه الحاكم في "المستدرك" (2/329) بسند صحيح ، قال فيه الحاكم : صحيح على شرط مسلم . ووافقه الذهبي في "التلخيص" ،


“Ilaahay Addoon Mu’min ah Dhibaato kuma rido illaa haday dhacdo oo uu u qadaro,dhibaatadaa dabadeed Faraj ayuu u furaa,mana dhacdo in uu Culeys qura ka qaalib noqdo laba fudeyd”.


Atharkaa Saxiixa ah waxaa waafaqaya Xadiis sanad ahaan daciif ah laakiin macno ahaan saxiix ah oo Nabiga scw laga wariyay:-


 لما نزلت إن مع العسر يسراً : خرج النبي صلي الله عليه وسلم يوماً مسروراً فرحاً ، وهو يضحك وهو يقول : (لن يغلب عسر يسرين) أخرجه الحاكم (2/ 528) وقال هو والذهبي : مرسل ضعيف. 


“Markay soo dagtay Aayadda oranaysa (Culeys kasta Fudeyd baa la jira) ayuu Nabiga scw soo baxay maalin isaga oo faraxsan oo qoslaya oo wuxuu yiri:-ma dhici karto in culeys qura uu laba fudeyd ka qaalib noqdo”.


"وثبت عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال : (وَاعْلَمْ أَنَّ فِي الصَّبْرِ عَلَى مَا تَكْرَهُ خَيْرًا كَثِيرًا ، وَأَنَّ النَّصْرَ مَعَ الصَّبْرِ ، وَأَنَّ الْفَرَجَ مَعَ الْكَرْبِ ، وَأَنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا) رواه أحمد (5/19) طبعة مؤسسة الرسالة وصححه المحققون ، وقال ابن رجب : حسن جيد . " جامع العلوم والحكم " (1/459) .


“Rasuulka scw wuxuu yiri:-“Ogow in ku Sabridda waxa aad kahanayso uu khayr badani ku jiro,guushana ay Sabarka la socoto,farajkana uu kurbada la socdo,oo uu sideedaba culays kasta fudeyd ka dambeeyo. 


Tacaaliimtan Diiniga ahi waa Bishaarada Muslimiinta,waayo waxay ku baaqaysaa in aan dhibaato lagu waareynin oo ay dhibaato walbaa dheefi ka dambayso,lkn waa in aysan dadku is dhigan oo ay la yimaadaan dadaalkii Eebe u barakayn lahaa si ay dhibaatada oga baxaan.

Popular posts from this blog

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...

Sirta cimri dherarku waa haweenka

Miyaad Haysaa Dawo Cimriga Dheeraysa? Waxaa la sheegay in uu jiray Amiir ka talin jiray dhul wayn oo ay hoos yimaadaan magaalooyin iyo tuulooyin badan. Amiirkaasi waxa uu ku riyoon jiray in uu da'yar ahaado weligiis oo uusan gaboobin  weligiis   Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu ku amray nin xikmad badan oo ku jiray wasiiradiisa  in uu u keeno daawo cimriga dheeraysa. Waxa uu ballan qaaday in haddii uu arrintaas u hirgeliyo, uu siin doono abaalgud kasta oo uu codsado. Haddaba, ninka xikmadda leh ayaa u baxay in uu raadsho dawo noocaas ah. Waxa uu tagay magaalooyin iyo tuulooyin badan, isaga oo waydiinaya haddii ay jiraan dawo ama cunto cimriga dheeraysa. Ugu dambayn, waxa uu maray tuulo, halkaas oo ay dadka tuulada kula taliyeen in uu tago buuro sare oo ay ku noolaayeen labo walaalo ah. Markii uu gaadhay meeshaas, waxa uu arkay laba guri oo isku dhow. Guriga hore waxa deggenaa nin da'weyn, gurigiisuna waa uu burbursanaa, agagaarkiisana waxa ka muuqday fawdo iyo wax ...