Skip to main content

CULAYS KASTA FUDAYD BAA KADANBEEYA



Ilaahay wuxuu si adag u damaanad qaaday in Culeys kasta oo dadka Iimaanka lihi ku yimaada uu  uga dambeyn doono fudeyd. 


فَإِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا (5) إِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا (6) 

“Dhab ahaantii Culeys walba fudeyd ayaa la jira,xaqiiqdii Culeys walba Fudeyd ayaa la jira”.


Fudeydka Culeyska la jiro waa mid ka dambeeya Culeyska sida ay Aayadan kale sheegtay. 


سَيَجْعَلُ اللَّهُ بَعْدَ عُسْرٍ يُسْرًا (7)

“Eebe wuxuu Culeyska dabadii yeelayaa Fudeyd”.


Athar saxiix ah oo Imaam Cumar ka sugnaatay ayaa ahayd:-


قال عمر ابن خطاب رضي الله عنه:-

"فإنه ما ينزل بعبد مؤمن من منزلة شدة إلا يجعل الله له بعدها فرجا ، ولن يغلب عسر يسرين ".

رواه الحاكم في "المستدرك" (2/329) بسند صحيح ، قال فيه الحاكم : صحيح على شرط مسلم . ووافقه الذهبي في "التلخيص" ،


“Ilaahay Addoon Mu’min ah Dhibaato kuma rido illaa haday dhacdo oo uu u qadaro,dhibaatadaa dabadeed Faraj ayuu u furaa,mana dhacdo in uu Culeys qura ka qaalib noqdo laba fudeyd”.


Atharkaa Saxiixa ah waxaa waafaqaya Xadiis sanad ahaan daciif ah laakiin macno ahaan saxiix ah oo Nabiga scw laga wariyay:-


 لما نزلت إن مع العسر يسراً : خرج النبي صلي الله عليه وسلم يوماً مسروراً فرحاً ، وهو يضحك وهو يقول : (لن يغلب عسر يسرين) أخرجه الحاكم (2/ 528) وقال هو والذهبي : مرسل ضعيف. 


“Markay soo dagtay Aayadda oranaysa (Culeys kasta Fudeyd baa la jira) ayuu Nabiga scw soo baxay maalin isaga oo faraxsan oo qoslaya oo wuxuu yiri:-ma dhici karto in culeys qura uu laba fudeyd ka qaalib noqdo”.


"وثبت عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال : (وَاعْلَمْ أَنَّ فِي الصَّبْرِ عَلَى مَا تَكْرَهُ خَيْرًا كَثِيرًا ، وَأَنَّ النَّصْرَ مَعَ الصَّبْرِ ، وَأَنَّ الْفَرَجَ مَعَ الْكَرْبِ ، وَأَنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا) رواه أحمد (5/19) طبعة مؤسسة الرسالة وصححه المحققون ، وقال ابن رجب : حسن جيد . " جامع العلوم والحكم " (1/459) .


“Rasuulka scw wuxuu yiri:-“Ogow in ku Sabridda waxa aad kahanayso uu khayr badani ku jiro,guushana ay Sabarka la socoto,farajkana uu kurbada la socdo,oo uu sideedaba culays kasta fudeyd ka dambeeyo. 


Tacaaliimtan Diiniga ahi waa Bishaarada Muslimiinta,waayo waxay ku baaqaysaa in aan dhibaato lagu waareynin oo ay dhibaato walbaa dheefi ka dambayso,lkn waa in aysan dadku is dhigan oo ay la yimaadaan dadaalkii Eebe u barakayn lahaa si ay dhibaatada oga baxaan.

Popular posts from this blog

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Siyaasi arxanlaawe ah ganacsato bilaa damiira iyo qaaqlayaal diibed jooga waa sadexda soomalidu ka degi wayday

  Siyaasi dhimashada neceb, ganacsade arxanlaawe ah ,qaaqle ka macaysha qayla dhaanta waa sadexda soomalida kadegi wayday welina sirtooda lama gaarin 1.siyaasiga dhimashada neceb Siyaasiyiinta soomalida horbooda waxay huriyaan dagaalada kadhaca gudaha soomaaliya iyagu matagaan goobaha dagaalka iyo meelaha dhimashada ama dagaaladu toos uga socdaan waxay isku dilaan dhalinyaro aan aqoon lahayn oo ay uga faa'idaystaan duruufo kala duwan oo  markaa jira sida qabyaalada iyo balwada oo ah tan ugu wayn oo dagaalada lagu huriyo Siyaasiga arxanka daran waxaa howsha laqabta oo kala macaysha ahna  gacanta   aan qarsoonayn ganacsato  iagauna dhiig miirato  kale'ah iyo qaaqlayaal lacagta halkaa kasameeya oo akoona kabuuxsada Majiro siyaasi caruurtiisa geeya goobaha dagaalka oo ay askar yihiin taa badalkeeda dalkaba majoogaan oo waxayba ka fogeeyan colaadaha waxayna  gaystaan wadamada nabadaa waxayna kunoolyihiin nolol raaxo badan iyo waxbarsho Siyaasiga...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...