Skip to main content

MARYAMA BINTU CIMRAAN

 



QISADII MARYAMA BINTU CIMRAAN EEBE HA KA RAALI NOQDEE.

Waxaa sharaf ugu filan in sheekadeeda oo dhan lagu qaadaa dhigay Quraanka kariimka ee  qiimaha badan. !!!.

Waxaa Ammaan ugu filan in Rabbi ku daray oo uu hormuud uga dhigay Haweenka Dunida ugu mudan!!!.
Darteedna uu Alle Malaa’ik ugu soo diray inay usheegaan inuu iyada ka doortay Haweenka Dunida. 
‎وَإِذْ قَالَتِ الْمَلائِكَةُ يَا مَرْيَمُ إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَاكِ وَطَهَّرَكِ وَاصْطَفَاكِ عَلَى نِسَاءِ الْعَالَمِينَ (42)
"Bal xus waqti Malaa'iktu tiri Maryamooy Ilaahay wuu ku doortay oo ku dahiriyay wuxuuna kaa doortay Haweenka Dunida oo idil".

Rasuulka scw wuxuu yiri:

‎"قال الرسول صلى الله عليه وسلم: "خير النساء: مريم بنت عمران، ثم فاطمة بنت محمد،ثم خديجة بنت خويلد، ثم آسية بنت مزاحم"، هؤلاء هن خير نساء العالمين"

"Haweenka waxaa u Khayr badan Mayama Bintu Cimraan,ka dibna Faadumo Binti Muxamad scw,ka dibna Khadiijo Bintu Khuweylid,ka dibna Aasiyo Binti Muzaaxim.
Kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan Haweenka Dunida".

Eebe wuxuu sidoo kale doortay Qoyska ay ka soo jeeddo Maryama ee reer Aalu Cimraan oo uu Alle ku sheegay in ay ahaayeen Qoys karaameysan oo uu Caalamka ka doortay.

{إِنَّ اللّهَ اصْطَفَى آدَمَ وَنُوحًا وَآلَ إِبْرَاهِيمَ وَآلَ عِمْرَانَ عَلَى الْعَالَمِينَ ذُرِّيَّةً بَعْضُهَا مِن بَعْضٍ وَاللّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ}[آل عمران 33-34].
“Ilaahay wuxuu doortay Aadam iyo Nuux iyo Aalu Ibraahiim iyo Aalu Cimraan wuxuuna ka doortay Caalamka oo idil,waa Duriyad qaarkood qaarka kale ka tafiirmay,Ilaahayna waa mid maqla oo Cilmi badan”.

DHALASHADII MARYAMA

Waa Duni uu Dulmigu buux dhaafiyay,dadka waxaa ku amar ku taagleeya Boqorro dulmi u joog ah,goob kasta waxaa taagan Qowlaysato dhiig miirato ah,Cadaalad ma jirto,oo ninka xooga lihi ayaa cuna midka liita,cid kasta cabsi ayay dareemaysaa!!!
Culimadii reer Banuu Israa'iil Boqorada ayay ku daba fayshan yihiin oo u fadwoodaan waxa ay doonayaan iyo Qof kasta oo ay dil la maagaan,

Dadka waxaa u Diin ah waxa ay nimankaas sheegaan,wax ka badalan ciddii laga maqlana qoorta ayaa loo dheereeyaa.

Xaaladda sidaas ay ayay Cimraan  ina Mataan iyo Haana  ina Faaquud dhinac kaga nool yihiin iyaga oo ah lamaane cibaado Eebe u go'ay,oo Rabbi kaliya caabuda,waxay galaan Aqal yar oo aan sidaa oga durugsanayn Beytul Maqdas.
Waa lamaane isku gaboobay wax Ubad ahse isuma hayaan ilaa waqtigaas!!!

Maalin bay Hana ina Faaquud oo hoos fadhida geed kadinka Aqalkeeda ku yaalla aragtay Shimbir quudinaysa Boojaal ay dhashay,si aad ah bay eegmadii ugu xeeldheeraatay iyada oo la dhacsan.

Isla waqtigaas ayay gacmaha sare u taagtay iyada oo Rabbi waydiisatay inuu ku irsaaqo Awlaad wanaagsan oo ay u nadarto khidmada Baydka Alle.

‎إِذْ قَالَتِ امْرَأَةُ عِمْرَانَ رَبِّ إِنِّى نَذَرْتُ لَكَ مَا فِى بَطْنِى مُحَرَّرًا فَتَقَبَّلْ مِنِّى إِنَّكَ أَنتَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ) [آل عمران: 35]
"Bal xus waqti ay haweentii Cimraan tiri:-Rabiyow adigaan kuu nadray wixii Caruur ah ee calooshayda gala isagoo xor u ah caabudidaada ee iga aqbal adigaa ah mid wax maqla oo Cilmi badane".

Ilaahay waa ka aqbalay oo markiiba uur bay  qaaday oo waxay filaysay inuu wiil noqon doono lkn waxay dhashay gabar ay  u bixisay Maryama.

‎فَلَمَّا وَضَعَتْهَا قَالَتْ رَبِّ إِنِّى وَضَعْتُهَا أُنثَى وَاللّهُ أَعْلَمُ بِمَا وَضَعَتْ وَلَيْسَ الذَّكَرُ كَالأُنثَى وَإِنِّى سَمَّيْتُهَا مَرْيَمَ وِإِني أُعِيذُهَا بِكَ وَذُرِّيَّتَهَا مِنَ الشَّيْطَانِ الرَّجِيمِ)[آل عمران: 36]

"Markay dhashay ayay tiri Rabiyow waxaan dhalay gabar-Ilaahayna waa ogaa waxay dhashay-waxay tiri inkasta oo labku uusan lamid ahayn dhadigga misana waxaan bixiyay Maryama,waxaanan kaa magan galiyay iyada iyo Duriyada ay dhali doontaba Sheydaanka la fogeeyay".

Ilaahay swt waa ka aqbalay oo Maryama iyo wiilka ay dhashay ee Nabi Ciise cs waa ka  nabad galiyay Sheyaanka.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

‎"كل بني آدم يمسه الشيطان يوم ولدته أمه إلا مريم وابنها" [مسلم].
"Bani Aadam dhamaantii Sheydaanka wuu taabtaa maalinka ay hooyadii umulayso marka laga reebo Maryama iyo wiilkeeda oo uusan Sheydaan taaban".

Maryama goortay bilo dhowr ah dhallaneed baa aabaheed Cimraan tii Alle utimi oo waxay haddiiba noqotay agoon. Hooyadeed hanaa iyada oo nadarkii oofinaysa ayay gaysay haykalkii Beytul Maqdis.

Reer banuu Israa'iil waxay isku qabsadeen ciddii kafaala qaadi lahayd gabadhaas yar ee uu dhalay misna ka dhintay ninkii waliga ahaa ee Cimraan Binu Mataan oo ahaa Nin Cisi iyo Sharaf ku dhex lahaa.

Nabi Sakariye cs oo qabay habar yarteed baa doonay inuu kafaala qaado lkn Yahuuddii baa u diiday,kadib waxay isku afgarteen in qori tuur loo sameeyo oo Qalmaanta ay Towreed ku qori jireen Wabiga urdun lagu tuuro oo Qalinka nagaada oo uu Wabiga qaadi waayo qofka leh uu kafaala qaado Maryama.

Sidii baa la yeelay oo Qalinkii Sakariye ayaa nagaaday sidaas buuna ugu guulaystay inuu isaga kafaalo qaado Maryama.
‎وكفلها زكريا.
“Nabi Sakariye ayaa kafaala qaaday”.

‎وَمَا كُنتَ لَدَيْهِمْ إِذْ يُلْقُون أَقْلاَمَهُمْ أَيُّهُمْ يَكْفُلُ مَرْيَمَ وَمَا كُنتَ لَدَيْهِمْ إِذْ يَخْتَصِمُون [آل عمران: 44].
"Nabi Muxamadow adiga ma aadan joogin agtooda waqtigii ay Qalmaantooda u tuuranayeen koodii Maryama kafaali qaadi lahaa,sidoo kalana adiga maadan la joogin waqtigii ay arimahan ka doodayeen"

SOO BARBAARIDDII MARYAMA.

Nabi Sakariye cs wuxuu u qabtay Maryama gabar khaadumad ah oo soo barbaarisa,waqtigii haykalka la geeyay Maryama da'dedu waxay ahayd hal sano oo qur ah,ilaa intay soo yara koraysay khaadumadaas ayaa korinaysay.

Khaadumaddu waxay la yaabi jirtay cunto tayadadeeda sarayso oo loo keeni jiray Maryama oo aysan aqoon cidda u keenta marka laga reebo mida yar ee uu Nabi Sakariye ugu dhiibo iyada.

Maryama kolkii ay soo barbaartay waxay u go'day Cibaadada Rabbi oo ma aysan soo dhaafi jirin mixraabka,

Nabi Sakariye cs uma uusan soo gali jirin ilaa uu idan ka qaato,markuu u yimaadana waxay siin jirtay oo uu ku arki jiray cunto tayadeeda sarayso oo Khudrad iyo miro kala duwan u badan. Marka uu weydiiyana waxay ku oran jirtay Ilaahay xagiisa ayay ka timi.

‎"كُلَّمَا دَخَلَ عَلَيْهَا زَكَرِيَّا الْمِحْرَابَ وَجَدَ عِندَهَا رِزْقاً قَالَ يَا مَرْيَمُ أَنَّى لَكِ هَـذَا قَالَتْ هُوَ مِنْ عِندِ الله..

Maryama Rabi ha ka raali noqdee waxay ku kortay nolol fiican oo aysan inaba dhibaato ka mudan,Cibaado Rabi oo aan kala go'lahayn iyo ceesh fiican oo xaga Rabbi looga keeno ayay isku heshay,waxana si dhow oga war qabay Nabi Sakariye cs.

Waxaa la sheegaa in markii uu aad u gaboobay Nabi Zakariye cs uu ka yaabay inuu gudan waayo khidmada iyo dhaqaalaynta Gabadha barakaysan ee uu kafaalo qaaday,wuxuuna ku wareejiyay nin taajir ahaa oo aad u Cibaado badnaa oo abtina ugu qumanaa Maryama oo la oran jiray Yuusuf Najaar.

Maryama way qaan gaartay,waxayna markaan jeclaysatay inay ka fogaato haykalka iyo goobtaan dadka ka dhaxaysa ee ay booqashadu ku badan tahay,si ay ugu kaliyeysato Cibaadada Rabigeed oo u noqotay quud uu Qalbigeeda ku xasilo. Waxayna halkaas ka dhisatay Buul yar oo ka astura indhaha dadka.

‎(وَاذْكُرْ فِى الْكِتَابِ مَرْيَمَ إِذِ انتَبَذَتْ مِنْ أَهْلِهَا مَكَانًا شَرْقِيًّا. فَاتَّخَذَتْ مِن دُونِهِمْ حِجَابًا...) [مريم : 16-17].

"Bal xus waqti ay Maryama kaga fogaatay Ehelkeeda meel xagga bari ka xigta Aqsaa,waxayna ka samaysatay xijaab ama sitaar ka astura dadka..".

Iyada oo halkaa ku cibaadaysanaysa ayaa Ilaahay usoo diray Malaku Jibriil cs oo suurad Aadami ah ugu yimi,aad bay u arga gaxday kolkay aragtay ninkan hor taagan ee cidlada ugu yimi,
Waxayna durbadiiba ku tiri ninyahoow Ilaahay ayaan kaa magan galay hadaad tahay mid dhowrsanaya oo Rabi ka baqaya. Jibriil baa ugu jawaabay:waxaan ahay Rasuul Rabi oo Ilaahay baa iigu kaa soo dhiibay inaan ku soo gaarsiiyo hadiyad ah inuu ku siiyo Wiil dhowrsoon.

Way yaabtay Maryama markaasay tiri:oo sidee bay taa u suura galaysaa iyadoo aanan aniga nin iqabin,mid wax xun samaysana aanan ahayn.

Jibriil baa markaa ku yiri:arinku waa saas Rabigaa wax ku culus ma jiraan,wuxuuna doonayaa inuu wiilkaas Aayad iyo Mucjiso oga dhigo dadka arinkaasna waa mid aan ka noqosho lahayn oo uu Rabigaa xukumay"

‎(فَأَرْسَلْنَا إِلَيْهَا رُوحَنَا فَتَمَثَّلَ لَهَا بَشَرًا سَوِيًّا قَالَتْ إِنِّى أَعُوذُ بِالرَّحْمَن مِنكَ إِن كُنتَ تَقِيًّا. قَالَ إِنَّمَا أَنَا رَسُولُ رَبِّكِ لِأَهَبَ لَكِ غُلَامًا زَكِيًّا. قَالَتْ أَنَّى يَكُونُ لِى غُلَامٌ وَلَمْ يَمْسَسْنِى بَشَرٌ وَلَمْ أَكُ بَغِيًّا. قَالَ كَذَلِكِ قَالَ رَبُّكِ هُوَ عَلَى هَيِّنٌ وَلِنَجْعَلَهُ آيَةً لِلنَّاسِ وَرَحْمَةً مِّنَّا وَكَانَ أَمْرًا مَّقْضِيًّا) [مريم:18-21].  )

Jibriil kolkii uu Maryama fariintaas gaarsiiyay wuu isaga tagay,wax yar ka dibna uurkii bay qaaday Maryama,aad bayna u walwashay oo waxay u cabsatay Sumcadeedii haddii lagu arko uurkan,hamigeedii oo dhan waxaa hareeyay sida ay dadka oga dhaadhicin karto arinkaan,

Waxay go,aansatay inay duurka ku sii fogaato oo ay ka dheeraato dadka si aan loogaba war helin uurkeeda ama ay meelahaba ugu dhimato,

Intii ay duur xulka ku jirtay ayaa waxaa dhamaaday sadkeedii oo waxaa qabatay fooshii,waxay ku dhacday geed Timir ah oo meel taag ah ku yaal hoostii,halkaas baa Eebe ku kala keenay oo ay ku umushay,

Kolkiiba waxaa ku soo maaxday wixii dhib iyo rafaad ahaa intii ay harjadka ku jirtay iyo hadda oo  ay ugu darsantay inay duur cidlo ah ku umushay.

Waxay niyada ka jeclaysatay inay iskaba dhimato oo uu arinkeedu noqdo mid inta ayaamo lagu sheekaysto layskaba iloobo.

Intii ay arimahaas murugaysan dhex muquuranaysay ayay ka war heshay Malaku jibriil oo mar kale oga dhawaaqaya meel ka yara durugsan isaga oo ku leh,ha murugoon Rabigaa wuxuu ku siiyay khayr badan,xagga kaa hoosaysana wuxuu kuugu diyaariyay Waadi Biyo ah,gilgil geedka aad hoos jiifto oo xagaada u soo yara jiid waxaa kuu soo daadan doonta Timir Cardun ah oo aad u macaan,cun Timirta oo cab Biyaha kuna indho qabowso wiilka quruxda badan ee uu Rabbi kuugu deeqay.

‎۞ فَحَمَلَتْهُ فَانتَبَذَتْ بِهِ مَكَانًا قَصِيًّا (22) فَأَجَاءَهَا الْمَخَاضُ إِلَىٰ جِذْعِ النَّخْلَةِ قَالَتْ يَا لَيْتَنِي مِتُّ قَبْلَ هَٰذَا وَكُنتُ نَسْيًا مَّنسِيًّا (23) فَنَادَاهَا مِن تَحْتِهَا أَلَّا تَحْزَنِي قَدْ جَعَلَ رَبُّكِ تَحْتَكِ سَرِيًّا (24) وَهُزِّي إِلَيْكِ بِجِذْعِ النَّخْلَةِ تُسَاقِطْ عَلَيْكِ رُطَبًا جَنِيًّا (25).

Maryama haddii ay intii Malagu faray samaysay way soo naaxday oo ka yara kabatay rafaadkii hayay,laakiin waxaa mar kale ku furnaa buuq ah sida ay reerkeeda oga raaridi karto arinkan marka ay ku noqoto,maadaama ay soo dhowaatay waqti ay ahayd inay haykalka ku noqoto oo ku gudato cibaado shukrin ah.

Malaku Jibrii baa mar kale siiyay talo uu Rabbi ugu soo faray oo ahayd in ay murugta badan iska dayso oo ay ku noqoto Aqsaa kolka ay reerkeeda waydiiyaana ay ku tiraahdo aniga waan soomanahay oo maanta cidna la hadli maayo,haday buuqa ku badiyaana ay u tilmaanto wiilka ka dibna ay daawato iyada waxa dhaca.

Sidii bay yeeshay Maryama oo waxay ku laabatay tolkeed,goor Alla goortii dadkii arkeen gabadhii barakaysnayd ee waayadan la la'aa oo wiil sidata way ku soo xoomeen iyaga oo ku leh war sidee bay Maryaneey kaa noqdeen,waxaad ahayd gabar fiican oo qoys awliyo ah ka dhalatay,sidee bay waxaan kaaga suurtoobeen.

Haddii ay in badan doocdoociyeen Maryamana afka xiratay ayay goor dambe u tilmaantay wiilka yar ee ay xambaarsanayd, oo ku tiri la hadla saqiirkan.

Iyagoo aad  moodo inay ka yara caroodeen ayay ku yiraahdeen ma waalan tahay sidee baan ula hadalnaa canug yar oo hadda uun dhashay.

Isla markiiba waxay ku dhaygageen Saqiirkii oo u jawaabaya oo ku leh "aniga waxaan ahay Addoon Alle wuxuu isiiyay  kitaab Nabina wuu iga dhigay,wuxuu sidoo kale iga dhigay mid khayr badan meel kasta oon ku suganahay,wuxuuna ii dardaarmay Salaadda iyo Sadaqada inta aan noolahay,wuxuu kaloo Rabigay ifaray inaan Hooyaday baari u noqdo waayo Rabigay igama dhigin mid dadka khasba oo nasiib daran"waxaana dushayda ahaan doonta Nabad galyo laga bilaabo maalinka lay dhalay iyo maalinka aan dhiman doono ilaa maalinka lay soo saari doono aniga oo nool.

‎فَكُلِي وَاشْرَبِي وَقَرِّي عَيْنًا ۖ فَإِمَّا تَرَيِنَّ مِنَ الْبَشَرِ أَحَدًا فَقُولِي إِنِّي نَذَرْتُ لِلرَّحْمَٰنِ صَوْمًا فَلَنْ أُكَلِّمَ الْيَوْمَ إِنسِيًّا (26) فَأَتَتْ بِهِ قَوْمَهَا تَحْمِلُهُ ۖ قَالُوا يَا مَرْيَمُ لَقَدْ جِئْتِ شَيْئًا فَرِيًّا (27) يَا أُخْتَ هَارُونَ مَا كَانَ أَبُوكِ امْرَأَ سَوْءٍ وَمَا كَانَتْ أُمُّكِ بَغِيًّا (28) فَأَشَارَتْ إِلَيْهِ ۖ قَالُوا كَيْفَ نُكَلِّمُ مَن كَانَ فِي الْمَهْدِ صَبِيًّا (29) قَالَ إِنِّي عَبْدُ اللَّهِ آتَانِيَ الْكِتَابَ وَجَعَلَنِي نَبِيًّا (30) وَجَعَلَنِي مُبَارَكًا أَيْنَ مَا كُنتُ وَأَوْصَانِي بِالصَّلَاةِ وَالزَّكَاةِ مَا دُمْتُ حَيًّا (31) وَبَرًّا بِوَالِدَتِي وَلَمْ يَجْعَلْنِي جَبَّارًا شَقِيًّا (32) وَالسَّلَامُ عَلَيَّ يَوْمَ وُلِدتُّ وَيَوْمَ أَمُوتُ وَيَوْمَ أُبْعَثُ حَيًّا (33).

Hadde ma war baa yaala loo dhamee mucjiso qoyskii arke in arinku yahay mid ka weyn sida ay malaynayeen ogaade in ay Maryama wali tahay qof karaamaysan oo  laga ayidayo xagga Rabigeed.

Nabi ciise cs wuxuu ku barbaaray gacmaha hooyadiisa karaameysan ee cibaadada Rabigeed u go'day,wuxuu ku barbaaray nolol dhamays tiran oo xagga Rabi laga hagayo,wuxuu noqday wiil firfircoon oo Rabi u waxyoonayo wax badana ogaysiinayo.

Arintii waxay keentay in warkii baaho oo uu gaaro Madaxdii reer Banuu Israa'iil oo ahaa kuwo magri badan oo dulmigoodu uu xadkii dhaafay,
Waxayna ka baqeen in wiilkan mucjisada ah uu dadkii ka kaxaysto oo uu mulkigooda gacanta ku dhigo,

Waxayna go'aan ku gaareen inay khaarijiyaan inta uusan ku ballaaran.

Maryama oo maqashay hadal haynta wiilkeeda lana socotay dulmiga Boqorrada iyo madaxda tolkeed ayaa inta u baqday wiilkeeda waxay ula guurtay tuulo Aqsa ka fog oo dhanka Masar ku taalla halkaas bay kula noolayd wiilkeeda ilaa uu ka soo gaarayay Sanadkii Soddonaad.

Ka dib ayay dib ugu soo laabteen Qudus halkaas oo uu Nabi Ciise cs ka bilaabay dacwadiisii diin fidinta ahayd iyo inay dadku ka fogaadaan dulmiga Ilaahay kaliyana caabudaan.

Rabbi wuxuu la soo diray mucjisooyin laga ashqaraaray oo ah inuu dadka oga waramo qof kasta waxa guriga uyaal iyo cuntada u karsan,

Wuxuu bilaabay inuu idinka Rabigii ku daaweeyo xanuuno loo caal waayay sida baraska iyo dadka indho la'aanta ku dhasho,wuxuu kaloo dadka tusi jiray intuu Shimbiro dhoobo ka sameeyo ka dibna Eebe weydiisto inuu nooleeyo oo ay shimbir caadi ah noqoto,wuxuu kale oo dul tagi jiray Qubuuraha dadka dhintay oo uu Rabi ka baryi jiray inuu dib usoo nooleeyo qadar kooban si ay dadka wax ugu qaataan markaasaa Alle ajiibi jiray oo ay dadka sidaas ku soo noolaan jireen,mudo yar,ka dibna Geeridoodii lagu celin jiray.

‎وَرَسُولًا إِلَىٰ بَنِي إِسْرَائِيلَ أَنِّي قَدْ جِئْتُكُم بِآيَةٍ مِّن رَّبِّكُمْ ۖ أَنِّي أَخْلُقُ لَكُم مِّنَ الطِّينِ كَهَيْئَةِ الطَّيْرِ فَأَنفُخُ فِيهِ فَيَكُونُ طَيْرًا بِإِذْنِ اللَّهِ ۖ وَأُبْرِئُ الْأَكْمَهَ وَالْأَبْرَصَ وَأُحْيِي الْمَوْتَىٰ بِإِذْنِ اللَّهِ ۖ وَأُنَبِّئُكُم بِمَا تَأْكُلُونَ وَمَا تَدَّخِرُونَ فِي بُيُوتِكُمْ ۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً لَّكُمْ إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ (49)

Laakiin mar kale ayay khatartii Reer Banuu Israa'iil soo karaar qaadatay oo markan waxay qaateen go,aan lagu soo afjarayo Nabi Ciise waxayna madaxdii lacag fara badan ku tookheen mid ka mid ah khaadimiintiisii si uu oga soo warbixiyo  halka uu joogo Nabiga iyo goorta ugu dagan ee la dili karo.

Isku daygiina wuu fashilmay oo Nabi Ciise cs cirka ayaa loo dheelmiyay qoladii dilka fulin lahaydna waxay dileen jaajuuskii khayaanada la yimid oo Ilaahay inta isaga u ekaysiiyay Nabi Ciise uu makrigiisii isaga galaaftay sidaana ay ku daldaleen isagii.

‎وَقَوْلِهِمْ إِنَّا قَتَلْنَا الْمَسِيحَ عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ رَسُولَ اللَّهِ وَمَا قَتَلُوهُ وَمَا صَلَبُوهُ وَلَٰكِن شُبِّهَ لَهُمْ ۚ وَإِنَّ الَّذِينَ اخْتَلَفُوا فِيهِ لَفِي شَكٍّ مِّنْهُ ۚ مَا لَهُم بِهِ مِنْ عِلْمٍ إِلَّا اتِّبَاعَ الظَّنِّ ۚ وَمَا قَتَلُوهُ يَقِينًا (157) بَل رَّفَعَهُ اللَّهُ إِلَيْهِ ۚ وَكَانَ اللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًاً(158).

Nabi Ciise cs markaa ka dib wuxuu u soo daahiri jiray Xawaariyiintiisa oo kaliya oo uu meelo gaar ah kula kulmi jiray iyaga ayuuna siin jiray tacaaliimta diinta si ay u sii fidiyaan,wuxuu kaloo markasta salaan ugu imaan jiray Hooyadiis Maryama ilaa ay ka geeriyootay Rabi ha ka raali noqdee.

Maryama bintu Cimraan Alle ha u naxariistee  waxay geeriyootay shan sano ka dib kolkii sare loo qaaday wiilkeeda Nabi Ciise cs,waxana la sheegaa inay ku aasan tahay meel Dimishiq u dhow oo ay kol dambe u carartay markii ay dulmiilayaashii wiilkeeda dili rabay ay iyadii cagta ka qaadi waayeen.

Qisada Maryama iyo karaamadeeda waxaan ka baran karnaa sida uusan Rabbi u dayicin dowrka Haweenka oo haddii Raggii laga helayay dad Eebe doortay sidoo kalana dumarkii laga helayay kuwo Eebe doortay.
Waxaana Culimada Qaybtood Sheegaan in ay Maryama Bintu Cimraan cs ahayd Nabiyad.

“ وقال القرطبى، "الصحيح أن مريم نبية؛ لأن الله تعالى أوحى إليها بواسطة الملك،
“Imaamu Qurdubi wuxuu yiri:-waa sax in ay Maryama Nabiyad ahayd maadaama uu Ilaahay u waxyooday Malagna u soo diray”.

Qore: soomaali kaab

Popular posts from this blog

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...

Sirta cimri dherarku waa haweenka

Miyaad Haysaa Dawo Cimriga Dheeraysa? Waxaa la sheegay in uu jiray Amiir ka talin jiray dhul wayn oo ay hoos yimaadaan magaalooyin iyo tuulooyin badan. Amiirkaasi waxa uu ku riyoon jiray in uu da'yar ahaado weligiis oo uusan gaboobin  weligiis   Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu ku amray nin xikmad badan oo ku jiray wasiiradiisa  in uu u keeno daawo cimriga dheeraysa. Waxa uu ballan qaaday in haddii uu arrintaas u hirgeliyo, uu siin doono abaalgud kasta oo uu codsado. Haddaba, ninka xikmadda leh ayaa u baxay in uu raadsho dawo noocaas ah. Waxa uu tagay magaalooyin iyo tuulooyin badan, isaga oo waydiinaya haddii ay jiraan dawo ama cunto cimriga dheeraysa. Ugu dambayn, waxa uu maray tuulo, halkaas oo ay dadka tuulada kula taliyeen in uu tago buuro sare oo ay ku noolaayeen labo walaalo ah. Markii uu gaadhay meeshaas, waxa uu arkay laba guri oo isku dhow. Guriga hore waxa deggenaa nin da'weyn, gurigiisuna waa uu burbursanaa, agagaarkiisana waxa ka muuqday fawdo iyo wax ...