Mareykanka, wuxuu wali la tacaalayaa dabka qabsaday magaalada Los Angeles ee gobolka California, iyadoo sare loo qaaday kooxaha dab-damiska iyo gurmadka deg deg ah, sabab la xiriirta cabsi laga qabo dabaylo horleh oo ku dhufan kara Los Angeles. Illaa hadda Mexico, ayaa ah dalka ugu badan ee gurmadaka u fidanaya Mareykanka , halka Canada ay ka qeybqaadanayso dadaallada lagu daminayo dabka wali holcaya. Illaa hadda khasaaraha la soo gudbiyay; • 16 qof dhimashadooda ayaa la xaqiijiyay. • In ka badan 12,300 oo dhisme ayuu dabku si dhammmaystiran u burburiyay. • In ka badan 166 kun oo qof ayaa ku barakacay. • Ku dhawaad 38 kun oo hektar dhul gaaraya ayaa gubtay •Ilaa hadda, khasaaraha maaliyadeed wuxuu gaaray $150 bilyan Xaqiiqada ay tahay inad oggaatid; •Maraykanka, ma jiro wax la yiraahdo dawlad magdhow siinaysa muwaadiniinta dhismaha ay ka gubteen. Haddii aad leedahay caymis gaar ah, waxaad ka heli doontaa magdhow shirkadda caymiska inta ...
Arimaha diinta dhaqanka taariikhda cimilada siyaasada