Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa lagu weerarray saacad ka hor guriga Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ee ku yaalla magaalada Tel Aviv gaar ahaan aagga xeebta Mediterranean-ka ee Caesarea, iyadoo diyaaradan ay awoodan inay ku qaraxdo dhisme ku dhagan guriga Ra’iisul wasaaraha, balse waqtigaa waxaa la sheegay Netanyahu iyo xaaskiisaba inay ka maqnaayeen guriga. Diyaaradda ku dhacday dhismaha Netanyahu ayaa la sheegay inay Xisbullah ka soo direen meel 70 km u jirta xadka Lubnaan iyo gobolka waqooyi ee ay Israa’iil heysato, mana jirin wax digniin ah oo ay bixiyeen nidaamka difaaca iyo raadarrada, taasoo mar kale muujinaysa sida ay Xisbullah u awooddo inay jabiso nidaamyada difaaca. Wuxuu sheegay afhayeenka ciidanka Israa’iil in labo diyaaradood oo kale laga hortagay, balse ay baarayaan sida ay u awooday diyaaradda ku dhacday dhismaha ku dhagen guriga Ra’iisul wasaaraha inay halkaa gaarto. Isla waqtigaa ay garaacday diyaaradan dhismaha guriga Ra’iisul wasaaraha , wuxuu seerig...
Arimaha diinta dhaqanka taariikhda cimilada siyaasada