Skip to main content

Jooji siigaysiga oo ilaasho raganimadaada




 Ilaali Ragannimadaada iyo Hormoonkaaga Testosteron-ka kuna digtoonow waxyaabahan soo socda oo hoos u dhiga:


1. Filimada xun-xun iyo caadada xun ee galmada gacanta: 

Waxay dhibaato weyn ku hayaan dhallinyarada maanta. 


Haddii aad ku dhaqanto, ka tag si dhaqso ah , waxaadna arki doontaa isbeddel weyn kaddib hal bil oo ah codkaaga, dhaqankaaga, iyo faa’iidooyin kale. Intaas waxaa  ka muhimsan, waa inaad u toobad keentaa Allaah (SWT) 



2. La sheekaysiga dumarka oo badan: (Qofka dumarka in badan la joogaa wuxuu la mid noqonayaa iyaga). Kuwa dumarka badan la jooga waxay badanaa yeeshaan dhaqamo jilicsan oo haweenaysan, taas oo ku cajiib galin karta mararka qaar. Sidaas darteed, isku day inaad hoos u dhigto xiriirka aan lagama maarmaanka ahayn ee dumarka, marka laga reebo duruufo kugu khasbaya.


Haddii shaqadaada ay kugu qasbeyso inaad la macaamisho dumarka, dhis xuduudo cad oo aysan adiga iyo iyaguba dhaafin. Xitaa haddii ay kuu arkaan qof adag ama xun, ha u dhago dhiggin, waxa ugu muhiimsan waa inaad ilaaliso ragannimadaada 🏴‍☠️.



3. Maqalka heesaha murugada iyo jacaylka: Tani waxay kaa dhigtaa qof dareen badan oo fudud in lagu khiyaaneeyo. Waa habboon inaad tartiib tartiib uga tagto oo iska daysid ⏳.



4. Cuntada degdegga ah iyo macmacaanka badan: Waxay keenaan cayil iyo koror hormoonka haweenka (Estrogen). Bedel cuntooyinkaas waxyaabo caafimaad leh oo kor u qaada hormoonka Testosteron-kaaga, kuna dar cayaaraha jir-dhiska 



5. Waqtiga badan ee firaaqada : 

Mar walba isku day inaad naftaada ku mashquuliso waxyaabo faa’iido u leh noloshaada. Ha  tagin meel firaaqo ah, maxaa yeelay waxay kuu horseedaysaa caajis iyo hoos u dhac hormoonka Testosteron-ka 



Osman

Popular posts from this blog

FAAIIDADA DHEGAYARAHA

 FAAIIDDOOYINKA LAGA HELO DHAGAYARAHA/Syzygium Aromaticum Dhagayaraha waxa laga isticmalaa guri kasta oo soomaali leedahay iyagoo ku darsada shaaha,caanaha,xalwada,cunada iyo maraqa iwm. Dhagayaraha waxaa ka buuxa madooyin faaiido u leh jirka waxaana ka mid ah calcium,vitamins A,C,iron, potassium, sodium iyo protein. Maxaa lagu daweeyn karaa dhagayaha ✓Waa xanuun baabiye. ✓Waxaa lagu daweyaa dadka qaba romatisamka. ✓Dhaga yaraha waxaa lagu daweyaa cirid xanuunka ama qofka ilkaha dhiiga oo keena caabuqa gingivitis. ✓Dhaga yaraha wuxuu dawo u yahay sanboorka iyo neefta (Asthma). ✓Waxaa jirta saliid laga sameeyey dhagayaha oo maqaarka la marsado waxaa la ogaaday saliidaas      in ay disho caabuqa fuguska keena ee ku dhaca jirka. ✓Dhaga yaraha wuxuu kor u qadaa dheefshiidka caloosha iyo in durba la bur buriyo cunooyinka. Dhagayaraha ma ahan geed saqiran waxaa la soo isticmaalayey kumaan sano kuwaaas oo lagu daweynayey xanuuno kala gaddisan oo ay ka mid yihin kancerka iyo...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?