Skip to main content

Jooji siigaysiga oo ilaasho raganimadaada




 Ilaali Ragannimadaada iyo Hormoonkaaga Testosteron-ka kuna digtoonow waxyaabahan soo socda oo hoos u dhiga:


1. Filimada xun-xun iyo caadada xun ee galmada gacanta: 

Waxay dhibaato weyn ku hayaan dhallinyarada maanta. 


Haddii aad ku dhaqanto, ka tag si dhaqso ah , waxaadna arki doontaa isbeddel weyn kaddib hal bil oo ah codkaaga, dhaqankaaga, iyo faa’iidooyin kale. Intaas waxaa  ka muhimsan, waa inaad u toobad keentaa Allaah (SWT) 



2. La sheekaysiga dumarka oo badan: (Qofka dumarka in badan la joogaa wuxuu la mid noqonayaa iyaga). Kuwa dumarka badan la jooga waxay badanaa yeeshaan dhaqamo jilicsan oo haweenaysan, taas oo ku cajiib galin karta mararka qaar. Sidaas darteed, isku day inaad hoos u dhigto xiriirka aan lagama maarmaanka ahayn ee dumarka, marka laga reebo duruufo kugu khasbaya.


Haddii shaqadaada ay kugu qasbeyso inaad la macaamisho dumarka, dhis xuduudo cad oo aysan adiga iyo iyaguba dhaafin. Xitaa haddii ay kuu arkaan qof adag ama xun, ha u dhago dhiggin, waxa ugu muhiimsan waa inaad ilaaliso ragannimadaada 🏴‍☠️.



3. Maqalka heesaha murugada iyo jacaylka: Tani waxay kaa dhigtaa qof dareen badan oo fudud in lagu khiyaaneeyo. Waa habboon inaad tartiib tartiib uga tagto oo iska daysid ⏳.



4. Cuntada degdegga ah iyo macmacaanka badan: Waxay keenaan cayil iyo koror hormoonka haweenka (Estrogen). Bedel cuntooyinkaas waxyaabo caafimaad leh oo kor u qaada hormoonka Testosteron-kaaga, kuna dar cayaaraha jir-dhiska 



5. Waqtiga badan ee firaaqada : 

Mar walba isku day inaad naftaada ku mashquuliso waxyaabo faa’iido u leh noloshaada. Ha  tagin meel firaaqo ah, maxaa yeelay waxay kuu horseedaysaa caajis iyo hoos u dhac hormoonka Testosteron-ka 



Osman

Popular posts from this blog

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...

Sirta cimri dherarku waa haweenka

Miyaad Haysaa Dawo Cimriga Dheeraysa? Waxaa la sheegay in uu jiray Amiir ka talin jiray dhul wayn oo ay hoos yimaadaan magaalooyin iyo tuulooyin badan. Amiirkaasi waxa uu ku riyoon jiray in uu da'yar ahaado weligiis oo uusan gaboobin  weligiis   Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu ku amray nin xikmad badan oo ku jiray wasiiradiisa  in uu u keeno daawo cimriga dheeraysa. Waxa uu ballan qaaday in haddii uu arrintaas u hirgeliyo, uu siin doono abaalgud kasta oo uu codsado. Haddaba, ninka xikmadda leh ayaa u baxay in uu raadsho dawo noocaas ah. Waxa uu tagay magaalooyin iyo tuulooyin badan, isaga oo waydiinaya haddii ay jiraan dawo ama cunto cimriga dheeraysa. Ugu dambayn, waxa uu maray tuulo, halkaas oo ay dadka tuulada kula taliyeen in uu tago buuro sare oo ay ku noolaayeen labo walaalo ah. Markii uu gaadhay meeshaas, waxa uu arkay laba guri oo isku dhow. Guriga hore waxa deggenaa nin da'weyn, gurigiisuna waa uu burbursanaa, agagaarkiisana waxa ka muuqday fawdo iyo wax ...