Skip to main content

ISLAAMKA IYO ISUGU DULQAADASHADA

 


Waxaa haboon in kala duwanaanta laysku dul qaato si mushkiladda khilaafka ka dhalan karta loo xadido oo ay Muslimiintu mid u noqdaan waayo Ilaahay waxa uu na leeyahay:-


“إِنَّ هَٰذِهِ أُمَّتُكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً وَأَنَا رَبُّكُمْ فَاعْبُدُونِ “


"Umadiina tan ah waa Ummad kaliya anigana Rabigiin baan ahay ee i caabuda".


waxaa kale oo in la ogaado mudan in uusan marnaba Ilaahay dooneyn in kala aragti duwanaanta lagu kala tago oo uu Ilaahay mar kasta doonayo midnimada,oo  mar uu arintaa ka hadlayayna waxa uu yiri:


وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعًا وَلَا تَفَرَّقُوا" ۚ


“Xariga Alle wada qabsada oo ha kala tagina”


wuxuu kale oo Alle yiri:-


إِنَّ الَّذِينَ فَرَّقُوا دِينَهُمْ وَكَانُوا شِيَعًا لَسْتَ مِنْهُمْ فِي شَيْءٍ إِنَّمَا أَمْرُهُمْ إِلَى اللَّهِ ثُمَّ يُنَبِّئُهُمْ بِمَا كَانُوا يَفْعَلُونَ"


”kuwa Diintooda ku kala tagay ee noqday kooxo iska soo horjeeda adiga waxba kuuma galin,arintooda Ilaahay bay utaal oo isagaa oga warami doona wixii ay soo sameyn jireen”


waxaa shaki la'aan ah in khilaafka iyo kala duwanaantu tahay Sunnno Rabaaniya oo aan la hurayn,kaliya waxaa muhiim ah in si wanaagsan loola macaamilo.


Ilaahay wuxuu yiri:-


 {وَلَوْ شَاء رَبُّكَ لَجَعَلَ النَّاسَ أُمَّةً وَاحِدَةً وَلاَ يَزَالُونَ مُخْتَلِفِينَ إِلاَّ مَن رَّحِمَ رَبُّكَ وَلِذَلِكَ خَلَقَهُمْ وَتَمَّتْ كَلِمَةُ رَبِّكَ لأَمْلأنَّ جَهَنَّمَ مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ أَجْمَعِينَ} [هود: 118-119]


"Haddii Ilaahay doonayo dadkoo dhan mid ayuu ka dhigi lahaay,kamana suulayaan inay yihiin kuwo is khilaafsan ilaa in uu rabigaa u naxariistay mooyee,sidaas baana loo abuuray,kalmada rabigaa ayaa waxay ku dhamaystirantay,Jahanama ayaan ka buuxin doonaa jini iyo insi dhamaantood-ciddii dariiqa hagaagsan ka beyrta-.


Sida Rabi doonayo in khilaafka loola macaamilo isaga ayaa inoo sheegay oo waa in Qof kasta sida ay la tahay toosnaantu u camal falo wixii natiijo ahna Rabi loo daayo waayo isaga uun baa og cidda dariiqa toosan haysa.


"قُلْ كُلٌّ يَعْمَلُ عَلَىٰ شَاكِلَتِهِ فَرَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَنْ هُوَ أَهْدَىٰ سَبِيلً"


"Waxaad ku tiraahdaa Qof kasta ha u camal falo sida ay toosnaanta la tahay Rabigiin uun baa og midka dariiqa toosan haya".


Ilaahay sarreeye ee marna nama farin in fahamyada kala duwan lagu xaliyo xoog iyo gacan ka hadal,kolka laga soo tago Nasteexo iyo wax is dhacsiin si nabad ah ku timaadda. Bal ee Ilaahay waxa uu inoo diiday inaan isku nacno kala duwanaanshaha oo rasuulkii uu noo soo diray scw ayuuba ku canaantay inuu aqbalo oo ka raali noqdo kala duwanaanta oo ilaahay mar uu arintaa ka hadlayay wuxuu yiri:-


"وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ لَآمَنَ مَن فِي الْأَرْضِ كُلُّهُمْ جَمِيعًا ۚ أَفَأَنتَ تُكْرِهُ النَّاسَ حَتَّىٰ يَكُونُوا مُؤْمِنِينَ "


"Haddii uu Rabigaa doono dadka dhulka dulsaan oo dhan wey rumeyn lahaayeen dhamaantood ee adiga dadku miyaad khasbaysaa ama nacaysaa si ay Mu’miniin u wada noqdaan".


Wuxuu mar kale Alle yiri:-


"وَإِنْ كَانَ كَبُرَ عَلَيْكَ إِعْرَاضُهُمْ فَإِنِ اسْتَطَعْتَ أَنْ تَبْتَغِيَ نَفَقًا فِي الْأَرْضِ أَوْ سُلَّمًا فِي السَّمَاءِ فَتَأْتِيَهُمْ بِآيَةٍ ۚ وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لَجَمَعَهُمْ عَلَى الْهُدَىٰ ۚ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ الْجَاهِلِينَ"


"Hadii ay kula weynaatay ood liqi la'dahay ka jeensiga ay xaqa ka jeesteen bal waa kaasee hadaad awooddo dhulka daloosho ama samada sallaan ku fuul si aad iyaga aayad ugu keento,war hadduu Alle doonayo dadka oo dhan hanuunka ayuu ku kulmin lahaa ee adiga jaahiliinta ha ka mid noqonin.


⚫️Walaalayaal sida aan arkayno kala duwanaan heer iimaan iyo rumeyn la'aan gaarsiisan bay aayadaha Alle ka hadlayaan,marka maxaad mooddaa haddii anaga muslimiinta ah aan isugu dulqaadan weyno kala duwanaan heer faham iyo kala aragti duwanaan ku kooban.


Mar kasta waxaa muhiim ah in dadka magaca islaamka wadaaga ay isu dulqaataan oo ay ilaaliyaan magacaas ay ku midaysan yihiin,wixii khilaaf ahna ay ku xaliyaan wada hadal iyo isu nasteexeyn iyo iyaga oo mar kasta isula noqonaya kitaabka Alle iyo sunada Nabiga scw,haday isqanciyaan waa mahad eebe haddii uu qof kasta sida la quman sawaab moodana hade waa inay ku wada noolaadaan kala duwanaanshaha iyaga oo natiijadana Rabi u daynaya.


Qore: soomaali kaab

Popular posts from this blog

FAAIIDADA DHEGAYARAHA

 FAAIIDDOOYINKA LAGA HELO DHAGAYARAHA/Syzygium Aromaticum Dhagayaraha waxa laga isticmalaa guri kasta oo soomaali leedahay iyagoo ku darsada shaaha,caanaha,xalwada,cunada iyo maraqa iwm. Dhagayaraha waxaa ka buuxa madooyin faaiido u leh jirka waxaana ka mid ah calcium,vitamins A,C,iron, potassium, sodium iyo protein. Maxaa lagu daweeyn karaa dhagayaha ✓Waa xanuun baabiye. ✓Waxaa lagu daweyaa dadka qaba romatisamka. ✓Dhaga yaraha waxaa lagu daweyaa cirid xanuunka ama qofka ilkaha dhiiga oo keena caabuqa gingivitis. ✓Dhaga yaraha wuxuu dawo u yahay sanboorka iyo neefta (Asthma). ✓Waxaa jirta saliid laga sameeyey dhagayaha oo maqaarka la marsado waxaa la ogaaday saliidaas      in ay disho caabuqa fuguska keena ee ku dhaca jirka. ✓Dhaga yaraha wuxuu kor u qadaa dheefshiidka caloosha iyo in durba la bur buriyo cunooyinka. Dhagayaraha ma ahan geed saqiran waxaa la soo isticmaalayey kumaan sano kuwaaas oo lagu daweynayey xanuuno kala gaddisan oo ay ka mid yihin kancerka iyo...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?