Skip to main content

Sirta cimri dherarku waa haweenka




Miyaad Haysaa Dawo Cimriga Dheeraysa?

Waxaa la sheegay in uu jiray Amiir ka talin jiray dhul wayn oo ay hoos yimaadaan magaalooyin iyo tuulooyin badan. Amiirkaasi waxa uu ku riyoon jiray in uu da'yar ahaado weligiis oo uusan gaboobin  weligiis 

 Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu ku amray nin xikmad badan oo ku jiray wasiiradiisa  in uu u keeno daawo cimriga dheeraysa. Waxa uu ballan qaaday in haddii uu arrintaas u hirgeliyo, uu siin doono abaalgud kasta oo uu codsado.


Haddaba, ninka xikmadda leh ayaa u baxay in uu raadsho dawo noocaas ah. Waxa uu tagay magaalooyin iyo tuulooyin badan, isaga oo waydiinaya haddii ay jiraan dawo ama cunto cimriga dheeraysa. Ugu dambayn, waxa uu maray tuulo, halkaas oo ay dadka tuulada kula taliyeen in uu tago buuro sare oo ay ku noolaayeen labo walaalo ah.


Markii uu gaadhay meeshaas, waxa uu arkay laba guri oo isku dhow. Guriga hore waxa deggenaa nin da'weyn, gurigiisuna waa uu burbursanaa, agagaarkiisana waxa ka muuqday fawdo iyo wax isdaba yaal. Waxa uu ku fadhiistay albaabka hore ee guriga isaga oo xiran dhar duugoobay. Ninkii xikmadda lahaa ayaa salaamay ninkii da’da weynaa, laakiin markuu codsaday in uu u hoydo, waxay ka soo hadashay cod haweeney gudaha ka leh:

"Ma haysano meel marti loo dhigo! Meel kale ka raadso hoygaaga."


Haddaba, ninkii xikmadda lahaa waxa uu u dhaqaaqay guriga labaad. Gurigaas waxa uu ahaa mid qurux badan oo hagaagsan, bannaankiisana waxa ku beermay ubaxyo iyo dhir qurux badan oo ay ka dhex shanqarayeen shinbiraha. Ninkii guriga deggenaa waxa uu ahaa nin da’yar oo farxadi ka muuqato. Waxa uu u soo dhaweeyay si diirran, isaga oo xitaa xaaskiisa ku yiri:

"Maanta waxaan leenahay marti!"


Subaxdii dambe, ninkii xikmadda lahaa waxa uu waydiiyay ninkii da'da yaraa sababta uu weli u yahay da'yar halka walaalkiis uu si xawli ah u gaboway. Ninkii ayaa qoslay oo yiri:

"Adigu khalad ayaad qaldan tahay! Anigu waxaan ahay walaalkiis weyn; isaga waxaan ka weynahay 20 sano."


Ninkii xikmadda lahaa ayaa aad ula yaabay. Waxa uu codsaday in uu ogaado sirta cimriga dheer ee ninkaas, isaga oo ballan qaaday in uu siiyo abaalgud kasta oo uu dalbado. Ninkii da’da yaraa ayaa yiri:

"Wax kasta waan kuu sheegi doonaa, laakiin marka hore aan qadada cuno."


Markii qadadii la diyaariyay, ninkii da’da yaraa ayaa xaaskiisa ku yiri:

"Waxaan rabnaa qare.

 Fadlan u tag beeraha hoose oo nooga keen hal xabbo."


Haweeneydii ayaa tagtay beerta hoosaysa oo soo qaaday hal xabbo oo qare  ah. Laakiin, markii ay keentay, ninkii ayaa dib u celiyay isagoo  ku leh: "Maya, mid kale keen." Si deggan ayay hoos ugu dhaadhacday oo haddana hal xabbo oo kale keentay. Ninkii haddana dib ayuu u diray. Mar saddexaad ayay si kalgacal leh ugu noqotay oo soo siisay isla qarihii

 hore. 

Markaas kaddib ayuu furay oo qadadii lagu dhammeeyay.


Markii qadadii dhammaatay, ninkii xikmadda lahaa ayaa ku celiyay su’aashiisii. Markaas ayuu ninkii yiri:

"Sirta cimri dheeriddu waa xaaskayga. Tan iyo markii aan guursaday, waligay kama aan arkin wax xanaaq, muran, ama ixtiraam darro ka timaadda iyada. Mar kasta waxay ii muujisaa kalgacal, xushmad, iyo dulqaad. Ma ogtahay in aysan beertaydu lahayn qare kale oo keliya Saddexdii jeer ee ay hoos u dhaadhacday, isla xabbaddii ayay noo soo qaadaysay, laakiin weli ma muujin wax xanaaq ah."


Ninkii xikmadda lahaa ayaa ka yaabay xikmadda iyo dulqaadka xaaska ninkan. Waxa uu ogaaday in caafimaadka, cimriga dheer, iyo raaxada noloshu ay ku jiraan kalgacalka iyo naxariista lammaanaha wanaagsan.


Qor: Osman 


Popular posts from this blog

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...