Skip to main content

Ninku xaaskiisa inuu dilo ma ubanaantahay



Asalkeedaba Diinta Islaamku waxay u timi wanaag,waxayna ka digtay Xumaan oo dhan sideedaba Samaanta iyo Xumaanta waa la kala yaqaan. 


Marka intaa laga soo tago Lamaanaha isu dhaxay waxay ka mid yihiin dadka la faray in ay is wanaajiyaan,isna ixtiraamaan. 


Ilaahay wuxuu Ragga ka dalbaday in ay Dumarka DHaqan wanaagsan kula dhaqmaan wuxuuna yiri:-


"وَعَاشِرُوهُنَّ بِالْمَعْرُوفِ ۚ"

“Dumarka idiin dhaxa si wanaagsan ula dhaqma”.


Mar kalena  Eebe waxa' uu Ragga u sheegay in ay Dumarkoodu ku leeyihiin Xuquuq u dhiganta midda ay iyagu ku leeyihiin,kolka laga soo tago Masuuliyadda Qoyska ee Ragga sida gaarka ah loo saaray. 


Alle wuxuu yiri:-


"وَلَهُنَّ مِثْلُ الَّذِي عَلَيْهِنَّ بِالْمَعْرُوفِ ۚ وَلِلرِّجَالِ عَلَيْهِنَّ دَرَجَةٌ ۗ وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ".

“Haweenku waxay Ragga ku leeyihiin inta Samafal iyo Wanaag ee ay iyagu Ragga ku leeyihiin,Ragga ayaase Darajo dheer,Allana waa mid ay tiisa uun socoto oo fal suuban”.


Darajada Raggu haweenku dheer yihiin waa Qawaamada iyo Masuuliyada Qoyska oo iyaga si gaar ah u saaran. 


Rasuulka scw wuxuu si ku celcelin ah u faray in Haweenka khayr laysaga dardaarmo oo kol kastana la wanaajiyo,in la garaacana maaha khayr iyo wanaag laysu dardaarmay. 


Rasuulka scw wuxuu yiri:-


عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ :

( اسْتَوْصُوا بِالنِّسَاءِ خَيْرًا ) رواه البخاري (3331) ومسلم (1468)

“Haweenka Khayr u dardaarma”.


Rasuulka scw waligii Haweenkiisa ma garaacin,wuuna diiday in haweenka loo gacan qaado. 


"ما ضربَ رسولُ اللَّهِ صلَّى اللَّهُ عليهِ وسلَّمَ خادمًا لَه ولا امرأةً ولا ضربَ بيدِهِ شيئًا."أخرجه ابن ماجه (1984) واللفظ له، وأخرجه مسلم (2328) مطولاً. “

“Rasuulka scw waligii ma garaacin Khaadim iyo Haween u dhaxday toona,sidoo kalana cidna uma gacan qaadin”.


Mar kalana Rasuulka scw wuxuu yiri:-


"وعن إِياس بنِ عبدِاللَّه بنِ أَبي ذُباب  قَالَ: قَالَ رسولُ اللَّه ﷺ: لا تَضْربُوا إِمَاءَ اللَّهِ، فَجاءَ عُمَرُ  إِلى رسولِ اللَّه ﷺ فَقَالَ: ذَئِرْنَ النِّساءُ عَلَى أَزْواجهنَّ، فَرَخَّصَ في ضَرْبهِنَّ، فَأَطاف بِآلِ رسولِ اللَّه ﷺ نِساءٌ كَثِيرٌ يَشْكونَ أَزْواجهُنَّ، فَقَالَ رَسُول اللَّه ﷺ: لَقَدْ أَطَافَ بآلِ بَيْت مُحمَّدٍ نِساءٌ كَثير يَشْكُونَ أَزْوَاجَهُنَّ، لَيْسَ أُولئك بخيارِكُمْ رواه أَبُو داود بإسنادٍ صحيحٍ.


“Ha garaacina Haweenka Addoomada Eebe ah. 

Muddo ka dib-aya Cumar u yimid Rasuuka scw wuxuuna ku yiri Rasuulkii Allow Haweenkii waa nagu dhiiradeen-oo nagu kaceen,Kolkaas ayuu Nabiga scw rukhseeyay in layska yara caabiyo haweenka kacdoonka wada,ka dib waxaa Gurigii Nabiga scw ku soo batay Haween fara badan oo Ragooda ka dacwoonaya,


markaasu Nabiga scw yiri:-waxaa Gurigaygii soo buux dhaafiyay Haween badan oo Ragooda ka dacwoonaya,kuwaasi laga dacwoonayo Akhyaartiina ka mid maaha ee ogaada””.


Sida Nusuus badan ku cad Rasuulka scw kolna ma jeclaysan in Dumarka loo gacan qaado oo la dilo,waxayse dadka qaarkii marmarsiinyo ka dhigtaan iska caabinta kololka qaar xalka ugu dambeeya laga dhigay ee ku saabsan sidii laysaga edbin lahaa Haweenka Naashizada noqda ee iyaga Raggooda isku taaga ee ay adyaddu xagooda ka socoto. 


"وَاللَّاتِي تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ فَعِظُوهُنَّ وَاهْجُرُوهُنَّ فِي الْمَضَاجِعِ وَاضْرِبُوهُنَّ ۖ فَإِنْ أَطَعْنَكُمْ فَلَا تَبْغُوا عَلَيْهِنَّ سَبِيلًا ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيًّا كَبِيرًا (34)


“Haweenka aad ka cabsanaysaan Kacdoonkooda iyo Caradooda waaniya,-oo haday waano anfici weydo gogosha uga taga,oo haday anfaci weydo oo ay sii wadaan dhibaatada iska guula oo u gacan qaada,haday idin Adeecaan oo ay adyadda joojiyaan ha ku gardaroonina oo ha ku xadgudbina,Eebe waa mid sarreeya oo weyn”.


Ragga laftooda haday Naashiz noqdaan oo ay Haweenkooda ku gardaroodaan Diintu way ka hadashay oo Eebe wuxuu yiri:-


"وَإِنِ امْرَأَةٌ خَافَتْ مِن بَعْلِهَا نُشُوزًا أَوْ إِعْرَاضًا فَلَا جُنَاحَ عَلَيْهِمَا أَن يُصْلِحَا بَيْنَهُمَا صُلْحًا ۚ وَالصُّلْحُ خَيْرٌ ۗ ".

“Haday Haweeni Ninkeeda oga cabsato Kacdoon gardaro iyo Caro iyo jeensasho,wax dhib ah dushooda ma ahaanin in ay dhexdooda ka heshiiyaan,waayo heshiisku waa khayr”.


Sababta haddii ninku naashiz ku noqdo Haweenta loo fari waayay intii Ninka la faray ama ay iska caabiso malaha waa uun in aysan Haweenku inta badan Ragga la awood iyo Itaal ahayn,meeshana lagama dooneynin in ay arimuhu ka sii daraan,waana sababta iyaga loo faray in ay xaaladda dajiyaan oo ay wax uun si nabada ugu heshiiyaan iyaga iyo Ragooda. 


Ugu dambeyntii waxaa in la fahmo u baahan in uusan Islaamku kolna tirtirsiinin Dhibaateynta Haweenka iyo in loo gacan qaado,halka uu taa badalkeeda ku baaqo in kol walba si wanaagsan Haweenka loola dhaqmo. 


Xaalado yar oo kololka qaar xalka ugu dambeeya looga dhigay Haween Kacdoonsan oo Naashizooyin ahna,maaha in loo daliishado in Dumar oo dhan lagu dhibaateyn karo.


Guulidda iyo Garaaca Xaaladahaa la ogolaaday laftiisa waa Garaac aan inaba Firito iyo Barar gaysan karin. sida Culimadu sheegaan waa wax la mid ah Cimaamad,Caday,taqaantaqeyn iwm. 


Haddii Feer iyo Laad iyo Dhaawac ninku gaysto waa Dambi weyn waana laga gudayaa,Haweentuna waxay xaq u yeelanaysaa in ay ka tagto ama ku dacweyso ninka. 


Sideedana waqtigan maaha waqti garaacis wax ka tarayso dhisnaanta Qoyska,kol haddii Maslaxo xili hore shaqayn jirtay la ogaado in aysan iminka shaqayn karina waa laga gudbi oo laguma khasbana. 


Qaaciddo Usuusha Fahamka Diinta ku jirta ayaa oranaysa:-

الحكم يدور مع علته عدما ووجوداً. 

“Xukunka Nas laga qaato waa mid ku xiran Cillaadii keentay,haddii la helana waa la fulin,haddii la waayana waa laga gudbi”.


Wallaahu Aclam.

  

Sii gudbi 


Osman

Popular posts from this blog

FAAIIDADA DHEGAYARAHA

 FAAIIDDOOYINKA LAGA HELO DHAGAYARAHA/Syzygium Aromaticum Dhagayaraha waxa laga isticmalaa guri kasta oo soomaali leedahay iyagoo ku darsada shaaha,caanaha,xalwada,cunada iyo maraqa iwm. Dhagayaraha waxaa ka buuxa madooyin faaiido u leh jirka waxaana ka mid ah calcium,vitamins A,C,iron, potassium, sodium iyo protein. Maxaa lagu daweeyn karaa dhagayaha ✓Waa xanuun baabiye. ✓Waxaa lagu daweyaa dadka qaba romatisamka. ✓Dhaga yaraha waxaa lagu daweyaa cirid xanuunka ama qofka ilkaha dhiiga oo keena caabuqa gingivitis. ✓Dhaga yaraha wuxuu dawo u yahay sanboorka iyo neefta (Asthma). ✓Waxaa jirta saliid laga sameeyey dhagayaha oo maqaarka la marsado waxaa la ogaaday saliidaas      in ay disho caabuqa fuguska keena ee ku dhaca jirka. ✓Dhaga yaraha wuxuu kor u qadaa dheefshiidka caloosha iyo in durba la bur buriyo cunooyinka. Dhagayaraha ma ahan geed saqiran waxaa la soo isticmaalayey kumaan sano kuwaaas oo lagu daweynayey xanuuno kala gaddisan oo ay ka mid yihin kancerka iyo...

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...