Skip to main content

Ninku xaaskiisa inuu dilo ma ubanaantahay



Asalkeedaba Diinta Islaamku waxay u timi wanaag,waxayna ka digtay Xumaan oo dhan sideedaba Samaanta iyo Xumaanta waa la kala yaqaan. 


Marka intaa laga soo tago Lamaanaha isu dhaxay waxay ka mid yihiin dadka la faray in ay is wanaajiyaan,isna ixtiraamaan. 


Ilaahay wuxuu Ragga ka dalbaday in ay Dumarka DHaqan wanaagsan kula dhaqmaan wuxuuna yiri:-


"وَعَاشِرُوهُنَّ بِالْمَعْرُوفِ ۚ"

“Dumarka idiin dhaxa si wanaagsan ula dhaqma”.


Mar kalena  Eebe waxa' uu Ragga u sheegay in ay Dumarkoodu ku leeyihiin Xuquuq u dhiganta midda ay iyagu ku leeyihiin,kolka laga soo tago Masuuliyadda Qoyska ee Ragga sida gaarka ah loo saaray. 


Alle wuxuu yiri:-


"وَلَهُنَّ مِثْلُ الَّذِي عَلَيْهِنَّ بِالْمَعْرُوفِ ۚ وَلِلرِّجَالِ عَلَيْهِنَّ دَرَجَةٌ ۗ وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ".

“Haweenku waxay Ragga ku leeyihiin inta Samafal iyo Wanaag ee ay iyagu Ragga ku leeyihiin,Ragga ayaase Darajo dheer,Allana waa mid ay tiisa uun socoto oo fal suuban”.


Darajada Raggu haweenku dheer yihiin waa Qawaamada iyo Masuuliyada Qoyska oo iyaga si gaar ah u saaran. 


Rasuulka scw wuxuu si ku celcelin ah u faray in Haweenka khayr laysaga dardaarmo oo kol kastana la wanaajiyo,in la garaacana maaha khayr iyo wanaag laysu dardaarmay. 


Rasuulka scw wuxuu yiri:-


عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ :

( اسْتَوْصُوا بِالنِّسَاءِ خَيْرًا ) رواه البخاري (3331) ومسلم (1468)

“Haweenka Khayr u dardaarma”.


Rasuulka scw waligii Haweenkiisa ma garaacin,wuuna diiday in haweenka loo gacan qaado. 


"ما ضربَ رسولُ اللَّهِ صلَّى اللَّهُ عليهِ وسلَّمَ خادمًا لَه ولا امرأةً ولا ضربَ بيدِهِ شيئًا."أخرجه ابن ماجه (1984) واللفظ له، وأخرجه مسلم (2328) مطولاً. “

“Rasuulka scw waligii ma garaacin Khaadim iyo Haween u dhaxday toona,sidoo kalana cidna uma gacan qaadin”.


Mar kalana Rasuulka scw wuxuu yiri:-


"وعن إِياس بنِ عبدِاللَّه بنِ أَبي ذُباب  قَالَ: قَالَ رسولُ اللَّه ﷺ: لا تَضْربُوا إِمَاءَ اللَّهِ، فَجاءَ عُمَرُ  إِلى رسولِ اللَّه ﷺ فَقَالَ: ذَئِرْنَ النِّساءُ عَلَى أَزْواجهنَّ، فَرَخَّصَ في ضَرْبهِنَّ، فَأَطاف بِآلِ رسولِ اللَّه ﷺ نِساءٌ كَثِيرٌ يَشْكونَ أَزْواجهُنَّ، فَقَالَ رَسُول اللَّه ﷺ: لَقَدْ أَطَافَ بآلِ بَيْت مُحمَّدٍ نِساءٌ كَثير يَشْكُونَ أَزْوَاجَهُنَّ، لَيْسَ أُولئك بخيارِكُمْ رواه أَبُو داود بإسنادٍ صحيحٍ.


“Ha garaacina Haweenka Addoomada Eebe ah. 

Muddo ka dib-aya Cumar u yimid Rasuuka scw wuxuuna ku yiri Rasuulkii Allow Haweenkii waa nagu dhiiradeen-oo nagu kaceen,Kolkaas ayuu Nabiga scw rukhseeyay in layska yara caabiyo haweenka kacdoonka wada,ka dib waxaa Gurigii Nabiga scw ku soo batay Haween fara badan oo Ragooda ka dacwoonaya,


markaasu Nabiga scw yiri:-waxaa Gurigaygii soo buux dhaafiyay Haween badan oo Ragooda ka dacwoonaya,kuwaasi laga dacwoonayo Akhyaartiina ka mid maaha ee ogaada””.


Sida Nusuus badan ku cad Rasuulka scw kolna ma jeclaysan in Dumarka loo gacan qaado oo la dilo,waxayse dadka qaarkii marmarsiinyo ka dhigtaan iska caabinta kololka qaar xalka ugu dambeeya laga dhigay ee ku saabsan sidii laysaga edbin lahaa Haweenka Naashizada noqda ee iyaga Raggooda isku taaga ee ay adyaddu xagooda ka socoto. 


"وَاللَّاتِي تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ فَعِظُوهُنَّ وَاهْجُرُوهُنَّ فِي الْمَضَاجِعِ وَاضْرِبُوهُنَّ ۖ فَإِنْ أَطَعْنَكُمْ فَلَا تَبْغُوا عَلَيْهِنَّ سَبِيلًا ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيًّا كَبِيرًا (34)


“Haweenka aad ka cabsanaysaan Kacdoonkooda iyo Caradooda waaniya,-oo haday waano anfici weydo gogosha uga taga,oo haday anfaci weydo oo ay sii wadaan dhibaatada iska guula oo u gacan qaada,haday idin Adeecaan oo ay adyadda joojiyaan ha ku gardaroonina oo ha ku xadgudbina,Eebe waa mid sarreeya oo weyn”.


Ragga laftooda haday Naashiz noqdaan oo ay Haweenkooda ku gardaroodaan Diintu way ka hadashay oo Eebe wuxuu yiri:-


"وَإِنِ امْرَأَةٌ خَافَتْ مِن بَعْلِهَا نُشُوزًا أَوْ إِعْرَاضًا فَلَا جُنَاحَ عَلَيْهِمَا أَن يُصْلِحَا بَيْنَهُمَا صُلْحًا ۚ وَالصُّلْحُ خَيْرٌ ۗ ".

“Haday Haweeni Ninkeeda oga cabsato Kacdoon gardaro iyo Caro iyo jeensasho,wax dhib ah dushooda ma ahaanin in ay dhexdooda ka heshiiyaan,waayo heshiisku waa khayr”.


Sababta haddii ninku naashiz ku noqdo Haweenta loo fari waayay intii Ninka la faray ama ay iska caabiso malaha waa uun in aysan Haweenku inta badan Ragga la awood iyo Itaal ahayn,meeshana lagama dooneynin in ay arimuhu ka sii daraan,waana sababta iyaga loo faray in ay xaaladda dajiyaan oo ay wax uun si nabada ugu heshiiyaan iyaga iyo Ragooda. 


Ugu dambeyntii waxaa in la fahmo u baahan in uusan Islaamku kolna tirtirsiinin Dhibaateynta Haweenka iyo in loo gacan qaado,halka uu taa badalkeeda ku baaqo in kol walba si wanaagsan Haweenka loola dhaqmo. 


Xaalado yar oo kololka qaar xalka ugu dambeeya looga dhigay Haween Kacdoonsan oo Naashizooyin ahna,maaha in loo daliishado in Dumar oo dhan lagu dhibaateyn karo.


Guulidda iyo Garaaca Xaaladahaa la ogolaaday laftiisa waa Garaac aan inaba Firito iyo Barar gaysan karin. sida Culimadu sheegaan waa wax la mid ah Cimaamad,Caday,taqaantaqeyn iwm. 


Haddii Feer iyo Laad iyo Dhaawac ninku gaysto waa Dambi weyn waana laga gudayaa,Haweentuna waxay xaq u yeelanaysaa in ay ka tagto ama ku dacweyso ninka. 


Sideedana waqtigan maaha waqti garaacis wax ka tarayso dhisnaanta Qoyska,kol haddii Maslaxo xili hore shaqayn jirtay la ogaado in aysan iminka shaqayn karina waa laga gudbi oo laguma khasbana. 


Qaaciddo Usuusha Fahamka Diinta ku jirta ayaa oranaysa:-

الحكم يدور مع علته عدما ووجوداً. 

“Xukunka Nas laga qaato waa mid ku xiran Cillaadii keentay,haddii la helana waa la fulin,haddii la waayana waa laga gudbi”.


Wallaahu Aclam.

  

Sii gudbi 


Osman

Popular posts from this blog

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...

Sirta cimri dherarku waa haweenka

Miyaad Haysaa Dawo Cimriga Dheeraysa? Waxaa la sheegay in uu jiray Amiir ka talin jiray dhul wayn oo ay hoos yimaadaan magaalooyin iyo tuulooyin badan. Amiirkaasi waxa uu ku riyoon jiray in uu da'yar ahaado weligiis oo uusan gaboobin  weligiis   Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu ku amray nin xikmad badan oo ku jiray wasiiradiisa  in uu u keeno daawo cimriga dheeraysa. Waxa uu ballan qaaday in haddii uu arrintaas u hirgeliyo, uu siin doono abaalgud kasta oo uu codsado. Haddaba, ninka xikmadda leh ayaa u baxay in uu raadsho dawo noocaas ah. Waxa uu tagay magaalooyin iyo tuulooyin badan, isaga oo waydiinaya haddii ay jiraan dawo ama cunto cimriga dheeraysa. Ugu dambayn, waxa uu maray tuulo, halkaas oo ay dadka tuulada kula taliyeen in uu tago buuro sare oo ay ku noolaayeen labo walaalo ah. Markii uu gaadhay meeshaas, waxa uu arkay laba guri oo isku dhow. Guriga hore waxa deggenaa nin da'weyn, gurigiisuna waa uu burbursanaa, agagaarkiisana waxa ka muuqday fawdo iyo wax ...