Skip to main content

Dilaagii reer suuriya ee laqabtay

 


Maxamed Kanjuu Xasan oo loo garan og yahay Dhiig-yacabkii Sednaaya, wuxuu ka midaa ahaa gacmihii dulmiga ee Taliskii dabada taagay ee Bishaar Al-Asad. Haddiiba aanu ahayn aabbihii dulmiga Suuriya.

Ninkan oo shalay lagu soo qabtay Miyiga Darduus, wuxuu ahaa garsoorihii xukunka dilka ku fulin jirey dadkii ku xidhnaa Xabsigii cadaabata ahaa ee Sednaaya.

Xukunkiisi

Sannadkii 2011-kii markiii uu Kacdoonku ka curtay Suuriya, Maxamed Kanjuu wuxuu ahaa Sarreeye Guuto oo ku magcaaban Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Mileteriga ee caasimadda Dimishiq. Wuxuuna eedo u sameeyey askar badan oo dusha u saaray in ay ahaayeen Kacaandiid doonaya in ay dawladda madaxa u rogaan. Askari walba oo la arko in uu ka debcinayo dadkii bannaan baxa waday isaga loo keeni jirey ka dibna shaqo la yaqaan ayuu ka qaban jirey. Macnaha qoortu u dheerayn jirey.

Ninkan waxay saaxiib dhow ahaayeen wiilkii ay Bishaar Al-Asad wada dhasheen ee Maahir Al-Asad, waxayna taasi siisay kalsooni xad dhaafa oo gaadhsiisay in uu siduu doono ugu kibro Maxabiistii Xabsiga Sednaaya.

Qaar ka mida dadkii dulmiga jeelkaas ugu jirey oo ka sheekaynayey waxay ka warrameen qisooyin argagax leh oo ninkaasi sameeyey waayihii ay Xabsiga ku xidhnaayeen.

Waxayna sheegeen in uu ahaa nin aan ogolayn in aad kelmed ku soo celiso ama aad dood ka keento kiis laguu haysto. Wax kale iska daayo xukun dila oo qof lagu ridayaa waxay hawshiisu qaadan jirtay 1 ilaa 3 Mints oo keliya. Calashaan inta uu akhriyayo eedaha qofkan loo sameeyey oo keliya. Intaa wixii ka dambeeya qofka tiirkaa la geyn jirey oo waa la del deli jirey haddiiba aan nafta silic lagaga saarin.

Arxanlaawenimadiisi

Wuxuu ahaa nin kibir badan oo si wacan ugu raaxaysta garaacista dadkii Sednaaya dulmiga ugu xidhnaa iyo in uu biireeyo hadba kii uu u arko in lagu taamilo qaadan karo.
Ninkii sidaa dadka u cadaabi jirey waxa isaga oo baxsada oo dullinimada ka muuqata aad ka yaabayso laga soo qabtay Miyiga Darduus. Waxana loo badinayaa in la soo taago maxkamad oo laga jaro wixii uu dadka ku samayn jirey!

Marna inaan dulmi lagu waarin waa isla garanay ninkasta oo mujirima oo kibrana badanaa waxaa laqabta hisagoo dulaysan aana filanayn

Qore: soomaalikaab

Popular posts from this blog

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Siyaasi arxanlaawe ah ganacsato bilaa damiira iyo qaaqlayaal diibed jooga waa sadexda soomalidu ka degi wayday

  Siyaasi dhimashada neceb, ganacsade arxanlaawe ah ,qaaqle ka macaysha qayla dhaanta waa sadexda soomalida kadegi wayday welina sirtooda lama gaarin 1.siyaasiga dhimashada neceb Siyaasiyiinta soomalida horbooda waxay huriyaan dagaalada kadhaca gudaha soomaaliya iyagu matagaan goobaha dagaalka iyo meelaha dhimashada ama dagaaladu toos uga socdaan waxay isku dilaan dhalinyaro aan aqoon lahayn oo ay uga faa'idaystaan duruufo kala duwan oo  markaa jira sida qabyaalada iyo balwada oo ah tan ugu wayn oo dagaalada lagu huriyo Siyaasiga arxanka daran waxaa howsha laqabta oo kala macaysha ahna  gacanta   aan qarsoonayn ganacsato  iagauna dhiig miirato  kale'ah iyo qaaqlayaal lacagta halkaa kasameeya oo akoona kabuuxsada Majiro siyaasi caruurtiisa geeya goobaha dagaalka oo ay askar yihiin taa badalkeeda dalkaba majoogaan oo waxayba ka fogeeyan colaadaha waxayna  gaystaan wadamada nabadaa waxayna kunoolyihiin nolol raaxo badan iyo waxbarsho Siyaasiga...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...