Skip to main content

Abuu Muhammad al-Julaani



Waa kuma hogaamiyaha cusub ee mucaaradka suuriya 


Abuu Muhammad al-Julaani

 waa Axmed Xuseen al-Sharac, waxa' uu dhashay sanadkii 1982, sida uu ku  sheegay wareysiyo uu siiyey warbaahinta reer galbeedka. Daraasado iyo warbixino badan waxay qorayaan inuu ku  dhashay magaalada Riyad ee Sacuudiga, wuxuuna kusoo koray deegaan iyo qoys  wax bartay oo diinta iyo dhaqanka Islaamka aad ugu adag.

 

Aabihiis wuxuu ahaa taageere fikradda qaranimada Carabta wuxuuna 1970-meeyadii ka shaqeyn jiray la-talin dhaqaale oo la xiriira shidaalka, halka hooyadiis ay ahayd macallimad juqraafiga dhigta.


Sanadkii 1989, wuxuu qoyskiisu u soo guuray magaalada Dimishiq ee Suuriya, halkaas oo uu wax ka bartay heerarka hoose iyo sare ee dugsiyada. Sidoo kale, wuxuu is qoray waxbarasho jaamacadeed oo furan, gaar ahaan kuliyadda saxaafadda, balse wuu ka tagay isagoo ku biiray ururrada jihaadiga ah ee Ciraaq sanadkii 2003. Wuxuu ku biiray urur la oran jiray “Saraya al-Mujaahidiin” oo ka howlgalayey Mosul, wuxuuna bayco la galay Abuu Muscab al-Zarqaawi.


Sanadihii 2004 ilaa 2010, wuxuu ku xirnaa xabsi ay american maamulaan




Maxaa laga baran karaa  hogaamiyaha Jabhadda Xireynta Shaam; Abu Mohammed Al-Julani.

 

Al-Julani oo ah hogaamiyaha Jabhadda maanta daafta ka gashay Caasimadda Syria ee Dimishiq, wuxuu muddo koobaan ka diga rogtay, Al-qaacida, Islamic State ama ( Daacish).


Al-Julani 2017 ayaa Mareykanku lacag dhan $10M dulsaareen xogtiisa.


Al-Julani, ayaa hadda isku duba riday Jabhadda Xoreynta Shaam, mowaaqiftiisii horana dabciyey, halgankiisana ku ekeeyay Syria.


Wuxuu soo saarayaa warsaxaadeedyo uu ku sheegayo in loo turo dadka laga tirada badanyahay, lana amaan geliyo shisheeyaha, ciidanka isdhiibayana dhib aan loo geysan.




Maanta Al-Julani, waxaa taageera dowlado reer galbeed ah, kuwa Islaam ah, kuwa carab ah, ayadoo lagu kufinayo reer Bariga iyo Jabhadaha ay taageerto Iran. 


Hadaba, yaa barbaariyey Al-Julani? Yaa sameeyay Jabhadahaas uu ka tirsanaa?  Yaa muwaaqiftiisa rogrogayay? Yaa maanta inuu mowqifkaan dabacsan (liberal) ka inuu qaato kashaqeeyay si caadi looga dhigo?


Maxaan ka baran karnaa?


Popular posts from this blog

FAAIIDADA DHEGAYARAHA

 FAAIIDDOOYINKA LAGA HELO DHAGAYARAHA/Syzygium Aromaticum Dhagayaraha waxa laga isticmalaa guri kasta oo soomaali leedahay iyagoo ku darsada shaaha,caanaha,xalwada,cunada iyo maraqa iwm. Dhagayaraha waxaa ka buuxa madooyin faaiido u leh jirka waxaana ka mid ah calcium,vitamins A,C,iron, potassium, sodium iyo protein. Maxaa lagu daweeyn karaa dhagayaha ✓Waa xanuun baabiye. ✓Waxaa lagu daweyaa dadka qaba romatisamka. ✓Dhaga yaraha waxaa lagu daweyaa cirid xanuunka ama qofka ilkaha dhiiga oo keena caabuqa gingivitis. ✓Dhaga yaraha wuxuu dawo u yahay sanboorka iyo neefta (Asthma). ✓Waxaa jirta saliid laga sameeyey dhagayaha oo maqaarka la marsado waxaa la ogaaday saliidaas      in ay disho caabuqa fuguska keena ee ku dhaca jirka. ✓Dhaga yaraha wuxuu kor u qadaa dheefshiidka caloosha iyo in durba la bur buriyo cunooyinka. Dhagayaraha ma ahan geed saqiran waxaa la soo isticmaalayey kumaan sano kuwaaas oo lagu daweynayey xanuuno kala gaddisan oo ay ka mid yihin kancerka iyo...

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...