Skip to main content

Dagaal ayaa mooda inay xal kadhigteen madaxda soomaalidu



Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta khudbad dheer ka jeediyey masaajidka Madaxtooyada, isaga oo si gaar ah diiradda u saaray xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland. Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta uu ka hadlayo arrinta Jubbaland oo keliya, isaga oo faahfaahin ka bixiyey muranka siyaasadeed ee halkaas ka jira.


Madaxweynaha ayaa tilmaamay in waxa uu ugu yeeray qandhada siyaasadeed ay ka bilaabatay isku daygii looga hishiin lahaa doorashoyinka. Wuxuu si cad ugu eedeeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu dastuurka Jubbaland u furay si uu markale ugu soo laabto xukunka markii saddexaad, taasoo uu ku tilmaamay mid aan la ogalaan doonin.


Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu ku dooday in muddo-xileedkiisii uu dhammaaday, loona baahan yahay in mandate cusub uu helo, balse Madaxweynaha ayaa sheegay in sannadka dheeriga ah ee uu xafiiska kusii joogay uu ku yimid heshiis siyaasadeed oo Madashu gaartay. Madaxweynaha ayaa ku eedeeyey Axmed Madoobe in shirkii ugu dambeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaran uu keenay soo jeedin ah in la dhiso guddiyada FIAT iyo SEAT, balse markii dambe uu si lama filaan ah shirkii uga baxay.


Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Ra’iisul Wasaaraha uu ka joojiyey safar uu ku tagi lahaa Kismaayo, isaga oo sheegay in arrintaas looga gol lahaa in laga baaqsado xasilooni darro ka dhacda Jubbaland.


Madaxweyne soomaliya  Xasan Sheekh “Axmed Waa Axmed, qabiil ma ahan, Shaqsi waaye, talo uu qabiilkiisa geed u fariistayna kuma uu socdo, ee waa talo asaga ku kooban”



Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in aysan dib ugu noqon doonin nidaamka doorasho ee dadban, balse ay ka go’an tahay in la qabto doorasho qof iyo cod ah taasoo ka dhici doonta meel kasta oo suurtagal ah. Isagoo ka hadlayey arrimaha daabulidda ciidanka ayaa Madaxweynahu sheegay in labadii xilli doorasho ee lasoo dhaafay uu ka fogaaday in xoog militeri loo adeegsado xalinta khilaafaadka siyaasadeed.


Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa hadalkiisa kusoo gunaanaday in waxa la isku heysto aysan ahayn maamulka Jubbaland, balse uu yahay hogaamiyaha muddo dheer soo maamulayey Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Wuxuu sheegay in aysan aqbali doonin in Axmed Madoobe uu 18 sano sii heysto maamulka Jubbaland.

 

Xaalada ayaad mooda inay sii xumaanayso iyadoo laga baqsanyahay in dagaal kadhaco raaskaanbooni oo labada dhinacba ay xiidamo xoogleh kusii wadaan waxa badana aan kala fogayn

Popular posts from this blog

Hooyadii dilaaga ahaydee ee qoyska reer asad

 Taariikhda Bilowga Xukunka iyo Kali-talisnimada Qoyska Al-Asad ee Suuriya Si aad u barato cidda ay tahay hooyada Bashar Al-Asad, waa inaad marka hore ogaataa qodobkaan muhiimka ah: Anisa Makhlouf waxay waxbarashadeeda ku qaadatay dugsiga Rabbiyada Qalbiga Barakaysan (Sacré-Cœur) oo ku yaallay magaalada Banyas ee xeebaha Suuriya. Waxay guursatay Hafiz Al-Asad sanadkii 1957, waxayna geeriyootay sanadkii 2016. Qoyska iyo Xiriirka Ay La Laheyd Hafiz Anisa waxay guursatay Hafiz Al-Asad iyadoon qoyskeedu raalli ka ahayn. Waxaa lagu tilmaamaa maskaxda ka dambaysay qorshaha lagu dhaxalsiin lahaa Bashar Al-Asad xukunka Suuriya, inkastoo ay aaminsanayd inuusan lahayn caqli ku filan inuu wax  hoggaamiyo. Doorkeedii Xukunka Hafiz Markii uu Hafiz Al-Asad xukunka qabsaday, Anisa waxay door muhiim ah ku lahayd sugidda awoodaynta xukunkiisa. Waxay xiriir dhow la lahayd haweenka saraakiisha, wasiirrada, iyo dadka saameynta leh, waxayna wararka ka soo aruurin jirtay si ay ula wadaagto Hafiz. W...

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?