Skip to main content

Dagaal ayaa mooda inay xal kadhigteen madaxda soomaalidu



Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta khudbad dheer ka jeediyey masaajidka Madaxtooyada, isaga oo si gaar ah diiradda u saaray xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland. Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta uu ka hadlayo arrinta Jubbaland oo keliya, isaga oo faahfaahin ka bixiyey muranka siyaasadeed ee halkaas ka jira.


Madaxweynaha ayaa tilmaamay in waxa uu ugu yeeray qandhada siyaasadeed ay ka bilaabatay isku daygii looga hishiin lahaa doorashoyinka. Wuxuu si cad ugu eedeeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu dastuurka Jubbaland u furay si uu markale ugu soo laabto xukunka markii saddexaad, taasoo uu ku tilmaamay mid aan la ogalaan doonin.


Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu ku dooday in muddo-xileedkiisii uu dhammaaday, loona baahan yahay in mandate cusub uu helo, balse Madaxweynaha ayaa sheegay in sannadka dheeriga ah ee uu xafiiska kusii joogay uu ku yimid heshiis siyaasadeed oo Madashu gaartay. Madaxweynaha ayaa ku eedeeyey Axmed Madoobe in shirkii ugu dambeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaran uu keenay soo jeedin ah in la dhiso guddiyada FIAT iyo SEAT, balse markii dambe uu si lama filaan ah shirkii uga baxay.


Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Ra’iisul Wasaaraha uu ka joojiyey safar uu ku tagi lahaa Kismaayo, isaga oo sheegay in arrintaas looga gol lahaa in laga baaqsado xasilooni darro ka dhacda Jubbaland.


Madaxweyne soomaliya  Xasan Sheekh “Axmed Waa Axmed, qabiil ma ahan, Shaqsi waaye, talo uu qabiilkiisa geed u fariistayna kuma uu socdo, ee waa talo asaga ku kooban”



Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in aysan dib ugu noqon doonin nidaamka doorasho ee dadban, balse ay ka go’an tahay in la qabto doorasho qof iyo cod ah taasoo ka dhici doonta meel kasta oo suurtagal ah. Isagoo ka hadlayey arrimaha daabulidda ciidanka ayaa Madaxweynahu sheegay in labadii xilli doorasho ee lasoo dhaafay uu ka fogaaday in xoog militeri loo adeegsado xalinta khilaafaadka siyaasadeed.


Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa hadalkiisa kusoo gunaanaday in waxa la isku heysto aysan ahayn maamulka Jubbaland, balse uu yahay hogaamiyaha muddo dheer soo maamulayey Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Wuxuu sheegay in aysan aqbali doonin in Axmed Madoobe uu 18 sano sii heysto maamulka Jubbaland.

 

Xaalada ayaad mooda inay sii xumaanayso iyadoo laga baqsanyahay in dagaal kadhaco raaskaanbooni oo labada dhinacba ay xiidamo xoogleh kusii wadaan waxa badana aan kala fogayn

Popular posts from this blog

FAAIIDADA DHEGAYARAHA

 FAAIIDDOOYINKA LAGA HELO DHAGAYARAHA/Syzygium Aromaticum Dhagayaraha waxa laga isticmalaa guri kasta oo soomaali leedahay iyagoo ku darsada shaaha,caanaha,xalwada,cunada iyo maraqa iwm. Dhagayaraha waxaa ka buuxa madooyin faaiido u leh jirka waxaana ka mid ah calcium,vitamins A,C,iron, potassium, sodium iyo protein. Maxaa lagu daweeyn karaa dhagayaha ✓Waa xanuun baabiye. ✓Waxaa lagu daweyaa dadka qaba romatisamka. ✓Dhaga yaraha waxaa lagu daweyaa cirid xanuunka ama qofka ilkaha dhiiga oo keena caabuqa gingivitis. ✓Dhaga yaraha wuxuu dawo u yahay sanboorka iyo neefta (Asthma). ✓Waxaa jirta saliid laga sameeyey dhagayaha oo maqaarka la marsado waxaa la ogaaday saliidaas      in ay disho caabuqa fuguska keena ee ku dhaca jirka. ✓Dhaga yaraha wuxuu kor u qadaa dheefshiidka caloosha iyo in durba la bur buriyo cunooyinka. Dhagayaraha ma ahan geed saqiran waxaa la soo isticmaalayey kumaan sano kuwaaas oo lagu daweynayey xanuuno kala gaddisan oo ay ka mid yihin kancerka iyo...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...

MARYAMA BINTU CIMRAAN

  QISADII MARYAMA BINTU CIMRAAN EEBE HA KA RAALI NOQDEE. Waxaa sharaf ugu filan in sheekadeeda oo dhan lagu qaadaa dhigay Quraanka kariimka ee  qiimaha badan. !!!. Waxaa Ammaan ugu filan in Rabbi ku daray oo uu hormuud uga dhigay Haweenka Dunida ugu mudan!!!. Darteedna uu Alle Malaa’ik ugu soo diray inay usheegaan inuu iyada ka doortay Haweenka Dunida.  ‎وَإِذْ قَالَتِ الْمَلائِكَةُ يَا مَرْيَمُ إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَاكِ وَطَهَّرَكِ وَاصْطَفَاكِ عَلَى نِسَاءِ الْعَالَمِينَ (42) "Bal xus waqti Malaa'iktu tiri Maryamooy Ilaahay wuu ku doortay oo ku dahiriyay wuxuuna kaa doortay Haweenka Dunida oo idil". Rasuulka scw wuxuu yiri: ‎"قال الرسول صلى الله عليه وسلم: "خير النساء: مريم بنت عمران، ثم فاطمة بنت محمد،ثم خديجة بنت خويلد، ثم آسية بنت مزاحم"، هؤلاء هن خير نساء العالمين" "Haweenka waxaa u Khayr badan Mayama Bintu Cimraan,ka dibna Faadumo Binti Muxamad scw,ka dibna Khadiijo Bintu Khuweylid,ka dibna Aasiyo Binti Muzaaxim. Kuwaasi waa kuwa ug...