Skip to main content

𝗦𝗼𝗰𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗔𝗱𝗱𝗶𝘀 𝗔𝗯𝗮𝗯𝗮: 𝗛𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗔𝗯𝗶𝘆 𝘂𝘂 𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮𝘆𝗼, 𝗺𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗫𝗮𝘀𝗮𝗻?



Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu maanta booqashadii u horreysay ku tagay muddo sannad ka badan Addis Ababa, tan iyo khilaafkii labada dal ee arrimaha badda oo mar u muuqday , inuu dhalin karo khalalaase aan dhammad lahayn; laakin dhabtii khilaafku waa mid aan dhammad lahayn oo marxalada ‘qaboob-ga’ ee maanta la arkay, waa wax u muuqda ciyaar diblomaasiyadeed oo labada hoggaamiye ay ka dhex raadinayaan inay ka leexiyaan khilaafka danahooda siyaasadeed, marxaladda xigtana waxay uga tagayaan waqtiga! Abiy ayaa maanta ; Soomaalida,Itoobiyaanka iyo caalamka tusay soo dhaweyn aan sannadihii u dambeeyay lagu qaabilin hoggaamiye gobolka ah, kaddib markii 12 bishii December,2024 -  wada-hadal socday toddobo saacadood oo labada hoggaamiye ku dhex maray Ankara ay ku gaareen is afgarad laga soo saaray baaq lagu ambaqaadayo sidii lagu qaboojin lahaa xiisadda iyo markaa oo waddo loo jeexay habka ay Itoobiya ku gaarayso badda Soomaaliya, waana midda lagu gaaray booqashada uu maanta Addis ku tagay madaxweynaha Soomaaliya.


Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa 2-dii bishan Jannaayo,2025 ,isagoo sharraxaya habka lagu xalliyay khilaafka labada dal;Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuu ku sheegay ‘ in dulqaadka Soomaaliya lagu xalliyay arrintii kala dhaxeysay Itoobiya’. Wasiirka ayaa isla hadalkiisa ku soo bandhigay in hab diblomaasiyadeed ay ku guuleysteen ,isagoo tixraacaya hannaanka ay Soomaaliya uga hortagay khilaafka labada dal inuu faraha ka baxo.


Muddo sannad ka badan ee ka soo billaabanaysa kowdii bishii Jannaayo ee sannadkii 2024, markii si kadis ah Addis Ababa laga arkay ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo heshiis la xiriira badda la galaya Muuse Biixi, madaxweynihii hore ee Somaliland, kaa oo ay qaadacday si dhaqso ah dawladda Federaalka Soomaaliya, bar-bilowna u ahaa khilaafka sare maray ee labada dal, inta uu taagnaa khilaafka wuxuu dhaliyay xiisad gudaha ah,markii ay dawladda Federaalka ay qaaday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ay ku dhimayso joogitaanka Itoobiya ee Soomaaliya oo ay ku jirto xiritaanka qunsuliyadaha Itoobiya ee ay ku leedahay dawlad-gobolleedyada iyo soo bandhigista inay dawladda federaalka  ka saari doonto dalka ciidanka Itoobiya, taa oo kala qeybsanaan dhalisay markii qaar ka mid ah dawlad-gobolleedyada ay taageerreen joogitaanka ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya, illaa  kala qeybsanaanta ay dhex tagtay xarunta Baarlamaamka oo ay soo baxeen xildhibaanno taageersan joogitaanka ciidanka Itoobiya ee dawlad-gobolleedka Koonfurgalbeed. Toddobaad kasta oo ka soo billaabanaya 1 bishii Jannaayo ee sannadkii 2024, waxay dawladda Soomaaliya soo saaraysay hadallo adag oo ka dhan ah Itoobiya, illaa dawladda federaalka ay ugu soo bandhigtay dadka Soomaaliyeed inay ‘Itoobiya tahay cadow iyo dal khatar ku ah jiritaanka Soomaaliya’, balse wixii ka dambeeyay bartamihii bishii December,2024 markii uu soo baxay baaqii Ankara , wax walba ayaa isbeddelay illaa maanta lagu gaaray in madaxweyne Xasan uu tago Addis Ababa oo wada-hadal uu la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya laga soo saaray in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal,iyadoo awood la siinayo safaaradaha labada dal ee ku yaalla Muqdisho iyo Addis Ababa. 1 Jannaayo,2024 illaa Sabtida, 11 Jannaayo,2025 oo madaxweyne Xasan uu tagay Addis Ababa, ma helin dadweynaha Soomaaliyeed sharraxaad ku saabsan isbeddellada ku dhacaya xiisadda ka taagnayd arrinta badda ee Itoobiya, mana jirin hab ay ku fahmi karaan shacabka Soomaaliya waxa ku dhex jira diblomaasiyadda uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan iyo ‘isbeddellada dhacaya’ si looga fogeeyo dadweynaha ‘ficillada ay u arkayaan layaabka’ iyo inuu xoogeysto codka dadweynaha ee diiddan kullamada iyo duullimaadka diblomaasiyadeed ee madaxweyne Xasan uga baxayo dal.


Hagaag, haddaba madaxweyne Xasan, waa maxay waxa uu ka raadinayo ‘qaboojinta’ khilaafka Itoobiya iyo socdaalka diblomaasiyadda?


Haddii ay caddahay natiijada ay Itoobiya ka raadinayo kullamada la xiriira arrimaha Soomaaliya oo ah inay hesho hab ay ku gaarayso badda Soomaaliya iyo midda aan laga tagi karin ee ah inuu Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed dhankiisa guul diblomaasiyadeed, hab uu ku soo ceshado saameyntiisa gobolka iyo gudaha Itoobiya oo uu ka raadinayo inuu ku gaaro inay Itoobiya hesho bad ay tahay, waa inan markaa  fikrad ka soo bandhignaa  waxa uu raadinayo madaxweyne Xasan..!


Dalka, wuxuu diiwaangelinaya tan iyo 1, Jannaayo ,2024 in Soomaaliya ay gashay kullamadii ugu badnaa ee la xiriira diblomaasiyadda , taa oo xataa dhalisay inay dawladda Federaalka ee uu hoggaamiye Madaxweyne Xasan,  gashay heshiisyo dhowr ah oo la xiriira arrimaha difaaca oo u ugu horreyay heshiiskii Turkiga oo ay xigtay heshiiska Masar oo dib usoo celiyay doorkii Qaahira ee siyaasadda Soomaaliya, waqtigaa oo ay Masar iskudayday inay hoggaamiso hannaanka ay Soomaaliya isaga difaacayso Itoobiya; wali waa wax uga baahan dawladda madaxweyne Xasan , inay si taxadar leh u maareyso joogitaanka Masar iyo Itoobiya oo labadabu markii u horreysay taariikhda ka mid noqon kara ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. 


Si kastaba, khilaafka Itoobiya wuxuu ula muuqday dawladda madaxweyne Xasan , mid waqti dheer jiitamaya oo u baahan in la qaboojiyo , maaddama uu jirtay cadaadis caalami ah iyo midda ugu muhiimsan oo  la xiriirta in khilaafka uu saameyn ku yeeshay siyaasadda arrimaha gudaha, sababtoo ah wuxuu  ku aadday waqti dawladda Federaalka iyo dawlad-gobolleedyada uu khilaaf darran dhex yeelay oo la xiriira qorshaha siyaasadeed ee madaxweyne Xasan oo ku saabsan isbeddelka dastuurka iyo nooca doorasho ee uu doonayo inay Soomaaliya ka dhacdo, taa oo ay diiddeen Puntland iyo Jubbaland oo markaa adkeeyay xiriirka ay la lahaayeen Itoobiya, tanina waxay usoo muujisay xaalad aan wanaagsanayn oo ka hor imaanaya qorshaha dawladda madaxweyne Xasan ee arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka. Waqtiga soconaya iyo inay maalmuhu si deg deg leh ugu dhawaanayaan dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Xasan, waa tan soo dedejisay marxaladaha sida dhaqsada ah isku beddelaya ee lagu arkay khilaafkii Muqdisho iyo Addis Ababa.


Inta uu ku jiray , hadal uu jeediyay wasiir Fiqi, isagoo ku sugan albaabka laga galo xafiisyada wasaaradda arrimaha dibadda – 2-dii bishan Jannaayo,2025, oo sharraxaya habka lagu qaboojiyay khilaafka Itoobiya , wuxuu yiri ; “ Xikmad-baa lagu xalliyay arrintaas, inan iska fujino maanta wax weyn-bay ahayd … Soomaaliyana way ka nafistay – sannadkan cusubna horumar , howlihii amniga oo socday iyo dimuqraadiyad baa la aadaya, fayl-kaanna in la soo xiro wayba ahayd, waxaana lagu soo xiray in Soomaaliya waxa ay rabtay oo dhan miiska la saaray oo la oggolaaday.” Dabcan hadalka waxa uu nasiiyay sida uusan madaxweyne Xasan u doonayn inuu la kulmo caqabado dib u dhigaya , xilli uu waqtigu ku dhawaanayo maalinta uu ku egyahay muddo xileedkiisa oo ka hor looga baahanyahay inuu doorasho u diyaariyo dalka. Sidoo kale, qaboojinta khilaafka Itoobiya iyo heshiis siyaasadeed oo uu la geli karo Abiy Axmed, waxay surtagal ka dhigaysa mid uu ku raadinayo inuu jaro xiriirka dawlad-gobolleedyada ka soo horjeeda iyo Addis Ababa.


Hadda, waxa la eeganayo waa sida arrimaha cakiran ee gudaha uu u wajihi karo madaxweyne Xasan, laakin ma aha inan u qaadano wax walba oo ku saabsan khilaafka Itoobiya inuu soo dhammaaday, sababtoo ah labada dal hadda waxay ku jiraan marxaladda ugu fudud ee khilaafka oo xilli walbana sidoo kale burburi karta, maaddama uusan jirin heshiis rasmi ah, wax walbana ay joogaan baaqii Ankara, waana sababta aad wax badan u aragtay inan adeegsaday ‘qaboojinta khilaafka’, balse qofna hadda kama hordhici karo marxaladda xigta sida ay noqon karto, waxase cad ayaa ah in khilaafka uu yahay mid waqti dheer jiitamaya, marka la tixraaco ujeeddooyinka aan is qaadaneyn labada dal, in la qaboojiyo xiisadda ayaa sidoo kale dan u ah xataa ra’iisul wasaare Abiy oo tagitaanka Addis Ababa ee madaxweyne Xasan, waxay u noqonaysa hab uu ugu sawirrayo Itoobiyaanka guul diblomaasiyadeed oo ay ka gaareen damaca waqtiga dheer ee doonista badda Soomaaliya iyo midda aan laga tagi karin ee ah inuu doonayo ra’iisul wasaare Abiy inuu dib u helo xiriirka iyo socdaalka diblomaasiyadeed ee gobolka oo meesha ka baxday go’doona gelisay Addis Ababa, tan iyo markii ay soo baxday habka ay Itoobiya u doonaysay badda Soomaaliya, halka docda kale, madaxweyne Xasan uu guul gaar ah ka raadinayo tagi-taankiisa Addis Ababa, waana inuu noqday ‘ nabadoon’ oo ka hortagay khilaaf dhalin karay xasillooni-darrida gobolka, waana sababta aad uga maqashay taageerrayaasha madaxweynaha oo soo bandhigaya inuu u qalmo billada nabadda ee Nobel Peace Prize oo sannadkii 2019-kii uu ku guuleystay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.


Marka la tixraaca khilaafka dalalka ee badda oo aan ka soo qaadan karno khilaafka  Giriiga iyo dalka uu hoggaamiye madaxweyne Erdogan oo sawirka dhoola-caddeynta ee hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ee Addis Ababa uu dhankiisa uga dhiganyahay guul-gaar ah oo diblomaasiyadeed oo dhankiisa Giriiga ay isku heystaan xad badeedka labada dal, wuxuu ina siinaya tilmaamta ah sida aysan suragal u heyn sannado kooban in xal loogu helo khilaaf xadeedka iyo badda, sababtoo ah Turkiga iyo Giriiga oo ka wada tirsan NATO ayaa marar badan ku dhawaaday inuu dagaal ka dhex qarxo, xataa haddii quwadaha awoodda militari iyo diblomaasiyadeed ugu sarreeyay caalamka ay isku dayeen inay xal u helaan khilaafka oo ay soo afjaraan way ku guul darreysteen, laga soo billaabo dadaalladii heshiisyada dhuleed, oo ay ku jiraan heshiiskii Lausanne (1923) iyo heshiiskii Paris (1947), tana waa sababta aan kugu sheegay inuu xisaabinayo waqtiga  madaxweyne Xasan, oo uu doonayo inuu qaboojiyo xiisadda, si uu waqti ugu helo arrimaha siyaasadda gudaha gaar ahaanna, qorshihiisa doorashada xigta..! Waxaa jirta taariikh kale oo uu leeyahay madaxweyne Xasan, waa inuu garanayo sida hab diblomaasiyadeed lagu xalliyo khilaafyada dalalka dariska; waxaa jirtay muddo xileedkiisii hore hab diblomaasiyadeed inuu ku wajahay sheegashadii Kenya ee badda Soomaaliya , tallaabooyinkii diblomaasiyadeed ee waqtigaa uu qaaday, waxay ugu dambeyn fududeysay in dacwadii la gudbiyay ay Soomaaliya ku gaartay guul diblomaasiyadeed oo ay ku difaacatay baddii ay Kenya sheegatay, si la mid ah ficillada hadda waa kuwa u baahan in la sugo waqtiga iyo marxaladaha 

Xigasho:iman

Popular posts from this blog

FAAIIDADA DHEGAYARAHA

 FAAIIDDOOYINKA LAGA HELO DHAGAYARAHA/Syzygium Aromaticum Dhagayaraha waxa laga isticmalaa guri kasta oo soomaali leedahay iyagoo ku darsada shaaha,caanaha,xalwada,cunada iyo maraqa iwm. Dhagayaraha waxaa ka buuxa madooyin faaiido u leh jirka waxaana ka mid ah calcium,vitamins A,C,iron, potassium, sodium iyo protein. Maxaa lagu daweeyn karaa dhagayaha ✓Waa xanuun baabiye. ✓Waxaa lagu daweyaa dadka qaba romatisamka. ✓Dhaga yaraha waxaa lagu daweyaa cirid xanuunka ama qofka ilkaha dhiiga oo keena caabuqa gingivitis. ✓Dhaga yaraha wuxuu dawo u yahay sanboorka iyo neefta (Asthma). ✓Waxaa jirta saliid laga sameeyey dhagayaha oo maqaarka la marsado waxaa la ogaaday saliidaas      in ay disho caabuqa fuguska keena ee ku dhaca jirka. ✓Dhaga yaraha wuxuu kor u qadaa dheefshiidka caloosha iyo in durba la bur buriyo cunooyinka. Dhagayaraha ma ahan geed saqiran waxaa la soo isticmaalayey kumaan sano kuwaaas oo lagu daweynayey xanuuno kala gaddisan oo ay ka mid yihin kancerka iyo...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?