Skip to main content

Mareykanka, wuxuu wali la tacaalayaa dabka qabsaday magaalada Los Angeles

 


Mareykanka, wuxuu wali la tacaalayaa dabka qabsaday magaalada Los Angeles ee gobolka California, iyadoo sare loo qaaday kooxaha dab-damiska iyo gurmadka deg deg ah, sabab la xiriirta cabsi laga qabo dabaylo horleh oo ku dhufan kara Los Angeles. Illaa hadda Mexico, ayaa ah dalka ugu badan ee gurmadaka u fidanaya Mareykanka , halka Canada ay ka qeybqaadanayso dadaallada lagu daminayo dabka wali holcaya. 


Illaa hadda khasaaraha la soo gudbiyay; 


• 16 qof dhimashadooda ayaa la xaqiijiyay. 


• In ka badan 12,300 oo dhisme ayuu dabku si dhammmaystiran u burburiyay. 


• In ka badan 166 kun oo qof ayaa ku barakacay.


• Ku dhawaad ​​38 kun oo hektar dhul gaaraya ayaa gubtay 


•Ilaa hadda, khasaaraha maaliyadeed wuxuu gaaray $150 bilyan


Xaqiiqada ay tahay inad oggaatid; 


•Maraykanka, ma jiro wax la yiraahdo dawlad magdhow siinaysa muwaadiniinta dhismaha ay ka gubteen.  Haddii aad leedahay caymis gaar ah, waxaad ka heli doontaa magdhow shirkadda caymiska inta shirkadu qaadi karto


Bankiga maalgelinta ee  JP Morgan, wuxuu xaqiijiyay shirkadaha caymisku inay kaliya awoodaan  inay daboolaan ugu badnaan $20 bilyan oo magdhow ah , ha iloobin khasaaraha wuxuu ku dhawaan karaa labo boqol oo bilyan! Xaaladdu waa in dadka ay guryaha ka burbureen ay dhab ahaantii tahay inay iyagu is bixiyaan oo guryahooda dib u dhistaan ama ku jiraan xaaladda barakaca ah..!

Popular posts from this blog

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Siyaasi arxanlaawe ah ganacsato bilaa damiira iyo qaaqlayaal diibed jooga waa sadexda soomalidu ka degi wayday

  Siyaasi dhimashada neceb, ganacsade arxanlaawe ah ,qaaqle ka macaysha qayla dhaanta waa sadexda soomalida kadegi wayday welina sirtooda lama gaarin 1.siyaasiga dhimashada neceb Siyaasiyiinta soomalida horbooda waxay huriyaan dagaalada kadhaca gudaha soomaaliya iyagu matagaan goobaha dagaalka iyo meelaha dhimashada ama dagaaladu toos uga socdaan waxay isku dilaan dhalinyaro aan aqoon lahayn oo ay uga faa'idaystaan duruufo kala duwan oo  markaa jira sida qabyaalada iyo balwada oo ah tan ugu wayn oo dagaalada lagu huriyo Siyaasiga arxanka daran waxaa howsha laqabta oo kala macaysha ahna  gacanta   aan qarsoonayn ganacsato  iagauna dhiig miirato  kale'ah iyo qaaqlayaal lacagta halkaa kasameeya oo akoona kabuuxsada Majiro siyaasi caruurtiisa geeya goobaha dagaalka oo ay askar yihiin taa badalkeeda dalkaba majoogaan oo waxayba ka fogeeyan colaadaha waxayna  gaystaan wadamada nabadaa waxayna kunoolyihiin nolol raaxo badan iyo waxbarsho Siyaasiga...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...