Skip to main content

Mareykanka, wuxuu wali la tacaalayaa dabka qabsaday magaalada Los Angeles

 


Mareykanka, wuxuu wali la tacaalayaa dabka qabsaday magaalada Los Angeles ee gobolka California, iyadoo sare loo qaaday kooxaha dab-damiska iyo gurmadka deg deg ah, sabab la xiriirta cabsi laga qabo dabaylo horleh oo ku dhufan kara Los Angeles. Illaa hadda Mexico, ayaa ah dalka ugu badan ee gurmadaka u fidanaya Mareykanka , halka Canada ay ka qeybqaadanayso dadaallada lagu daminayo dabka wali holcaya. 


Illaa hadda khasaaraha la soo gudbiyay; 


• 16 qof dhimashadooda ayaa la xaqiijiyay. 


• In ka badan 12,300 oo dhisme ayuu dabku si dhammmaystiran u burburiyay. 


• In ka badan 166 kun oo qof ayaa ku barakacay.


• Ku dhawaad ​​38 kun oo hektar dhul gaaraya ayaa gubtay 


•Ilaa hadda, khasaaraha maaliyadeed wuxuu gaaray $150 bilyan


Xaqiiqada ay tahay inad oggaatid; 


•Maraykanka, ma jiro wax la yiraahdo dawlad magdhow siinaysa muwaadiniinta dhismaha ay ka gubteen.  Haddii aad leedahay caymis gaar ah, waxaad ka heli doontaa magdhow shirkadda caymiska inta shirkadu qaadi karto


Bankiga maalgelinta ee  JP Morgan, wuxuu xaqiijiyay shirkadaha caymisku inay kaliya awoodaan  inay daboolaan ugu badnaan $20 bilyan oo magdhow ah , ha iloobin khasaaraha wuxuu ku dhawaan karaa labo boqol oo bilyan! Xaaladdu waa in dadka ay guryaha ka burbureen ay dhab ahaantii tahay inay iyagu is bixiyaan oo guryahooda dib u dhistaan ama ku jiraan xaaladda barakaca ah..!

Popular posts from this blog

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...

Sirta cimri dherarku waa haweenka

Miyaad Haysaa Dawo Cimriga Dheeraysa? Waxaa la sheegay in uu jiray Amiir ka talin jiray dhul wayn oo ay hoos yimaadaan magaalooyin iyo tuulooyin badan. Amiirkaasi waxa uu ku riyoon jiray in uu da'yar ahaado weligiis oo uusan gaboobin  weligiis   Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu ku amray nin xikmad badan oo ku jiray wasiiradiisa  in uu u keeno daawo cimriga dheeraysa. Waxa uu ballan qaaday in haddii uu arrintaas u hirgeliyo, uu siin doono abaalgud kasta oo uu codsado. Haddaba, ninka xikmadda leh ayaa u baxay in uu raadsho dawo noocaas ah. Waxa uu tagay magaalooyin iyo tuulooyin badan, isaga oo waydiinaya haddii ay jiraan dawo ama cunto cimriga dheeraysa. Ugu dambayn, waxa uu maray tuulo, halkaas oo ay dadka tuulada kula taliyeen in uu tago buuro sare oo ay ku noolaayeen labo walaalo ah. Markii uu gaadhay meeshaas, waxa uu arkay laba guri oo isku dhow. Guriga hore waxa deggenaa nin da'weyn, gurigiisuna waa uu burbursanaa, agagaarkiisana waxa ka muuqday fawdo iyo wax ...