Skip to main content

Doorashada jubaland iyo xaldaha dagaal ee kasoo wejehan

 Doorashada Jubbaland, ciidan daldalka XSM iyo halka xaal sal dhigan karo?



Shalay waxaa mar kale lagu doortay Kismaayo MW Axmed Madobe , iyadoo ay haraysay doorashadiisa diidmo qayaxan oo ka timi dhanka dowladda federaalka. Doorashada ayaa dhacday shalay xilli ciidamo dhawr boqol ah ay dowladda federaalku ku daad guraysay aaga Raaskambooni ee jubbada hoose , iyadoo loo arko isku day ay dowladda federaalku ku doonayso inay xoog ku muquuniso Maamulka Jubbaland ee uu Madobe madaxda ka yahay. Tan oo dad badan xusuusinaysa dagaalkii XSM uu horay isagoo dagaal kula jira Madobe uu ka riday Kismaayo 2013 isagoo xilligaas taageerayay jeneraal Hiiraale, balse markii dame looga adkaaday magaalada  markii damena heshiis arrinta lagu dhameeyay. 


Ciidanka ay dowladda federaalku gaysay Aaga raas kambooni ee Baddhaadhe  , ka dib markii uu socon waayay Iskuday hore oo dowladda federaalku ay siyaasiyiin isku beel yihiin ugu dirtay Kismaayo si ay u horistaagaan doorashada shalay dhacday . Isku daygaas ayaan shaqayn ka dib  markii RW Xamse uu dalbaday in dhamaan siyaasiyiinta reer JBL u tanaasulaan mid ka mida musharixiinta oo ay jifi hoose wada yihiin Xamse iyo Madobe . Sidoo kale, Siyaasiga ay federaalku taageerayeen oo ah senator ka tirsan aqalka sare ayaa haatan ku go’doonsan guri ku yaala magaalada Kismaayo , waxaana jirta cabsi ah in gacan ay ula tagaan ciidanka Jubbaland doorashada maanta ka dib. 


Dowlada Federaalka ayaa u muuqata inay u aragto doorashada Madobe qabsaday mid uga dhigan soo afjaridda mashruuca XSM ee doorashooyin isku mar dhaca , waxaana muuqata inuu XSM ku garab istaagay RW hiisa qorshaha ah in dagaal sokeeye laga rido Jubbaland oo aan marna wadahadal lagu dayin khilaafka.

War saacado ka hor kasoo baxay Juballand ayaa ku eedeeyay Dowladda federaalka inay ciidamo beeleedyo usoo daabulayaan Jubbaland , haatana ciidamadooda ay is horfadhuyaan ciidanka laga soo diray Xamar . Waraaqda ayaa laga fahmi karaa inuu A. Madobe go’aansaday inuu ka hortago ciidanka isku urursanaya aaga Raas-kamboni oo uu soo abaabulay taliyihiisii hore ee sirdoonka haatana ah taliyaha ciidanka lugta ninka lagu magacaabo Khaalid , waana nin kasoo jeeda beesha Cabdalle ee Ugaden , aadna u yaqaan dhulka uu ciidanka geeyay , ayna ka dhawyihiin reerkiisa Cabdalle goobta. 


Taliye Khaalid ayaa sida muuqata doonaya inuu markaan saaxiibkiisii hore kula dagaalamo dhul ay xilliya hore Madoobe kasoo wada jabhadeeyeen. Lama oga in qorshaha ay Kenya kula socoto XSM , balse waxaa hubanti ah in haddaan Kenya taageero u fidin ciidanka federaalka ee lageeyay Raaskambooni ay khatar u geli karaan weerar uu ku ekeeyo Madobe iyo go’doomin ay la kulmaan. Sidoo kale , waxaa khatar ah in ciidankaas laba aabur weeraro ah galaan oo Al-shabaab iyo Jubbaland ah.

Waxaa jira sarkaal la dhaho Xasan Ciraaqi Ogaadeen makaaiil horay Madobe uga cayriyay Juballand qaybta kumaandoosta Danab ,hadda shalay ayuu watay Ciidanka ka dagay Raaskambooni waa sarkaalka hadlaya Waa nin deeganka u dhashay Badhaadhe waxa uuna haystaa gorgor Guutada 18aad shalay la daabulay Waana Raga Khalid u ah Gacmaha Kowaad.


Xogaha laga helayo Damul Jadiid ayaa sheegaya in Farx Shiikh Cabdulqaadir uu aad u riixayo dagaalka oo uu RW Xamse ku taageerayo duullaan lagu qaado Jubbaland , waxaana shir ay wada yesheen Faarax, Xamse , Abshir Bukhaari iyo XSM habeen hore uu XSM iyo Bukhaari diideen qorshe Faarax iyo Xamse wateen oo ahaa in musharax Ilyaas loo aqoonsado sidii MW Jubbaland oo toos loogu dhawaaqo.


Xamse iyo Faarax ayaa doorashadii shalay ka dib , isteerinka la waregay xukuumadda , waxayna ku qanciyeen XSM inuu u daayo hawsha , isla xalay ayaa golaha wasiirada soo saareen mawqif lagu qaadacayo doorashada Jubbaland , waxaana garyaqaanka guud oo aan sharci ahaan ahayn isagu dacwad soo ooge lagu amray inuu dacwad kusoo oogo Madobe, dadka sharciga yaqaan ayaa aad ula yaaban waxa garyaqaanka guud ka galay dacwad soo oogid , iyadoo hawshaas uu leeyahay xeer ilaaliyaha guud.

Go’aanka ah dacwad kusoo oogidda Madobe ayaa muujinaya in dowladda federaalku gaarsiisay khilaafka meel aan kasoo noqod lahayn, waxaana muuqata in dagaalkii uu XSM oran jiray waxaan kula jiraa Al-shabaab uu haatan isu rogay mid lagula jiro Jubbaland. 


Ugu damayn , mar kale ayay Madobe iyo XSM ku dagaalamayaan Kismaayo , iyadoo sidaan oo kale 2013 ay ugu wada dagaalameen. Marakan waxaa RW ah nin ay ilma adeer yihiin Madobe , sidoo kale Madoobe waa ka ciidan iyo awood badanyahay siduu ahaa 2013 , waxaase aan la ogayn waxa uu noqon karo mawqifka Kenya oo 2013 si toosa ula safatay Madobe ciidan iyo siyaasad ahaan. 

Dadka aadka ula socda siyaasadda Kenya ayaa aaminsan inay Kenya gadaal ka riixayso Madobe oo u ah saaxiib istiraatiiji ah, walaw dadka qaar sheegayaan in Nuuradiin oo ah madaxa sirdoonka Kenya uu jahwareerin ku samaynayo XSM oo isaga dhigayo nin wax la wada , walaw uu Madobe la socdo.

By amiin

Popular posts from this blog

FAAIIDADA DHEGAYARAHA

 FAAIIDDOOYINKA LAGA HELO DHAGAYARAHA/Syzygium Aromaticum Dhagayaraha waxa laga isticmalaa guri kasta oo soomaali leedahay iyagoo ku darsada shaaha,caanaha,xalwada,cunada iyo maraqa iwm. Dhagayaraha waxaa ka buuxa madooyin faaiido u leh jirka waxaana ka mid ah calcium,vitamins A,C,iron, potassium, sodium iyo protein. Maxaa lagu daweeyn karaa dhagayaha ✓Waa xanuun baabiye. ✓Waxaa lagu daweyaa dadka qaba romatisamka. ✓Dhaga yaraha waxaa lagu daweyaa cirid xanuunka ama qofka ilkaha dhiiga oo keena caabuqa gingivitis. ✓Dhaga yaraha wuxuu dawo u yahay sanboorka iyo neefta (Asthma). ✓Waxaa jirta saliid laga sameeyey dhagayaha oo maqaarka la marsado waxaa la ogaaday saliidaas      in ay disho caabuqa fuguska keena ee ku dhaca jirka. ✓Dhaga yaraha wuxuu kor u qadaa dheefshiidka caloosha iyo in durba la bur buriyo cunooyinka. Dhagayaraha ma ahan geed saqiran waxaa la soo isticmaalayey kumaan sano kuwaaas oo lagu daweynayey xanuuno kala gaddisan oo ay ka mid yihin kancerka iyo...

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...