Skip to main content

Doorashada jubaland iyo xaldaha dagaal ee kasoo wejehan

 Doorashada Jubbaland, ciidan daldalka XSM iyo halka xaal sal dhigan karo?



Shalay waxaa mar kale lagu doortay Kismaayo MW Axmed Madobe , iyadoo ay haraysay doorashadiisa diidmo qayaxan oo ka timi dhanka dowladda federaalka. Doorashada ayaa dhacday shalay xilli ciidamo dhawr boqol ah ay dowladda federaalku ku daad guraysay aaga Raaskambooni ee jubbada hoose , iyadoo loo arko isku day ay dowladda federaalku ku doonayso inay xoog ku muquuniso Maamulka Jubbaland ee uu Madobe madaxda ka yahay. Tan oo dad badan xusuusinaysa dagaalkii XSM uu horay isagoo dagaal kula jira Madobe uu ka riday Kismaayo 2013 isagoo xilligaas taageerayay jeneraal Hiiraale, balse markii dame looga adkaaday magaalada  markii damena heshiis arrinta lagu dhameeyay. 


Ciidanka ay dowladda federaalku gaysay Aaga raas kambooni ee Baddhaadhe  , ka dib markii uu socon waayay Iskuday hore oo dowladda federaalku ay siyaasiyiin isku beel yihiin ugu dirtay Kismaayo si ay u horistaagaan doorashada shalay dhacday . Isku daygaas ayaan shaqayn ka dib  markii RW Xamse uu dalbaday in dhamaan siyaasiyiinta reer JBL u tanaasulaan mid ka mida musharixiinta oo ay jifi hoose wada yihiin Xamse iyo Madobe . Sidoo kale, Siyaasiga ay federaalku taageerayeen oo ah senator ka tirsan aqalka sare ayaa haatan ku go’doonsan guri ku yaala magaalada Kismaayo , waxaana jirta cabsi ah in gacan ay ula tagaan ciidanka Jubbaland doorashada maanta ka dib. 


Dowlada Federaalka ayaa u muuqata inay u aragto doorashada Madobe qabsaday mid uga dhigan soo afjaridda mashruuca XSM ee doorashooyin isku mar dhaca , waxaana muuqata inuu XSM ku garab istaagay RW hiisa qorshaha ah in dagaal sokeeye laga rido Jubbaland oo aan marna wadahadal lagu dayin khilaafka.

War saacado ka hor kasoo baxay Juballand ayaa ku eedeeyay Dowladda federaalka inay ciidamo beeleedyo usoo daabulayaan Jubbaland , haatana ciidamadooda ay is horfadhuyaan ciidanka laga soo diray Xamar . Waraaqda ayaa laga fahmi karaa inuu A. Madobe go’aansaday inuu ka hortago ciidanka isku urursanaya aaga Raas-kamboni oo uu soo abaabulay taliyihiisii hore ee sirdoonka haatana ah taliyaha ciidanka lugta ninka lagu magacaabo Khaalid , waana nin kasoo jeeda beesha Cabdalle ee Ugaden , aadna u yaqaan dhulka uu ciidanka geeyay , ayna ka dhawyihiin reerkiisa Cabdalle goobta. 


Taliye Khaalid ayaa sida muuqata doonaya inuu markaan saaxiibkiisii hore kula dagaalamo dhul ay xilliya hore Madoobe kasoo wada jabhadeeyeen. Lama oga in qorshaha ay Kenya kula socoto XSM , balse waxaa hubanti ah in haddaan Kenya taageero u fidin ciidanka federaalka ee lageeyay Raaskambooni ay khatar u geli karaan weerar uu ku ekeeyo Madobe iyo go’doomin ay la kulmaan. Sidoo kale , waxaa khatar ah in ciidankaas laba aabur weeraro ah galaan oo Al-shabaab iyo Jubbaland ah.

Waxaa jira sarkaal la dhaho Xasan Ciraaqi Ogaadeen makaaiil horay Madobe uga cayriyay Juballand qaybta kumaandoosta Danab ,hadda shalay ayuu watay Ciidanka ka dagay Raaskambooni waa sarkaalka hadlaya Waa nin deeganka u dhashay Badhaadhe waxa uuna haystaa gorgor Guutada 18aad shalay la daabulay Waana Raga Khalid u ah Gacmaha Kowaad.


Xogaha laga helayo Damul Jadiid ayaa sheegaya in Farx Shiikh Cabdulqaadir uu aad u riixayo dagaalka oo uu RW Xamse ku taageerayo duullaan lagu qaado Jubbaland , waxaana shir ay wada yesheen Faarax, Xamse , Abshir Bukhaari iyo XSM habeen hore uu XSM iyo Bukhaari diideen qorshe Faarax iyo Xamse wateen oo ahaa in musharax Ilyaas loo aqoonsado sidii MW Jubbaland oo toos loogu dhawaaqo.


Xamse iyo Faarax ayaa doorashadii shalay ka dib , isteerinka la waregay xukuumadda , waxayna ku qanciyeen XSM inuu u daayo hawsha , isla xalay ayaa golaha wasiirada soo saareen mawqif lagu qaadacayo doorashada Jubbaland , waxaana garyaqaanka guud oo aan sharci ahaan ahayn isagu dacwad soo ooge lagu amray inuu dacwad kusoo oogo Madobe, dadka sharciga yaqaan ayaa aad ula yaaban waxa garyaqaanka guud ka galay dacwad soo oogid , iyadoo hawshaas uu leeyahay xeer ilaaliyaha guud.

Go’aanka ah dacwad kusoo oogidda Madobe ayaa muujinaya in dowladda federaalku gaarsiisay khilaafka meel aan kasoo noqod lahayn, waxaana muuqata in dagaalkii uu XSM oran jiray waxaan kula jiraa Al-shabaab uu haatan isu rogay mid lagula jiro Jubbaland. 


Ugu damayn , mar kale ayay Madobe iyo XSM ku dagaalamayaan Kismaayo , iyadoo sidaan oo kale 2013 ay ugu wada dagaalameen. Marakan waxaa RW ah nin ay ilma adeer yihiin Madobe , sidoo kale Madoobe waa ka ciidan iyo awood badanyahay siduu ahaa 2013 , waxaase aan la ogayn waxa uu noqon karo mawqifka Kenya oo 2013 si toosa ula safatay Madobe ciidan iyo siyaasad ahaan. 

Dadka aadka ula socda siyaasadda Kenya ayaa aaminsan inay Kenya gadaal ka riixayso Madobe oo u ah saaxiib istiraatiiji ah, walaw dadka qaar sheegayaan in Nuuradiin oo ah madaxa sirdoonka Kenya uu jahwareerin ku samaynayo XSM oo isaga dhigayo nin wax la wada , walaw uu Madobe la socdo.

By amiin

Popular posts from this blog

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...

Sirta cimri dherarku waa haweenka

Miyaad Haysaa Dawo Cimriga Dheeraysa? Waxaa la sheegay in uu jiray Amiir ka talin jiray dhul wayn oo ay hoos yimaadaan magaalooyin iyo tuulooyin badan. Amiirkaasi waxa uu ku riyoon jiray in uu da'yar ahaado weligiis oo uusan gaboobin  weligiis   Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu ku amray nin xikmad badan oo ku jiray wasiiradiisa  in uu u keeno daawo cimriga dheeraysa. Waxa uu ballan qaaday in haddii uu arrintaas u hirgeliyo, uu siin doono abaalgud kasta oo uu codsado. Haddaba, ninka xikmadda leh ayaa u baxay in uu raadsho dawo noocaas ah. Waxa uu tagay magaalooyin iyo tuulooyin badan, isaga oo waydiinaya haddii ay jiraan dawo ama cunto cimriga dheeraysa. Ugu dambayn, waxa uu maray tuulo, halkaas oo ay dadka tuulada kula taliyeen in uu tago buuro sare oo ay ku noolaayeen labo walaalo ah. Markii uu gaadhay meeshaas, waxa uu arkay laba guri oo isku dhow. Guriga hore waxa deggenaa nin da'weyn, gurigiisuna waa uu burbursanaa, agagaarkiisana waxa ka muuqday fawdo iyo wax ...