Israa’iil ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay bilowday weerarkeeda aargoosiga ah oo ay ku qaaday Iran, xilli daqiiqad walba hadda qaraxyo laga maqlayo magaalada Tehran ee caasimadda Iran:
100 ka mid ah diyaaradaha Israa’iil ee weerarray Iran ayaa ku socday si ay u gaaraan hawada Tehran 2,000 km , sida laga soo xigtay wargeyska Maariv — waxaa ka mid ah diyaaradaha ay weerarkan illaa hadda u adeegsatay Israa’iil diyaaradda F-35 Lightning II oo Mareykanka uu geeyay Israa’iil bishii June ee sannadkan , waana diyaarad awoodda inay ka dhuumato nidaamyada raadarrada oo si qarsoodi u geli karta hawada, markaa oo ay awoodaan inay burburiyaan nidaamyada difaaca ee goobaha bartilmaameedka , taa u furaysa dariiqa diyaaradaha dagaal si ay u fuliyaan weerarrada iyagoo aan la kulmin wax iska caabin ah, waana nooca weerar ee aan aragnay mowjadii koowaad ee weerarka ay Israa’iil ku qaaday Iran.
Israel waxay sheegtay inay soo gabagabeysay duqeymo ay ku qaaday bartilmaameedyo ciidan oo Iraani ah, iyadoo dhammaan diyaaradaha ay si nabad ah ugu soo laabteen gurigooda
Horey waxaa Israel u sheegtay inay fulisay "duqeymo sax ah oo lagu bartilmaameedsaday bartilmaameedyo ciidan" oo ku yaalla Iran, iyadoo qaraxyo laga maqlay Tehran.
Ciidamada Difaaca Israel waxay sheegeen in duqeymaha ay jawaab u yihiin "bilo weeraro joogto ah oo ka imaanaya nidaamka Iran" iyo kadib markii gantaallo badan oo Iran ay ku dhufteen Israel 1-dii Oktoobar.
Xarumaha milatari ee galbeedka iyo koonfur-galbeedka caasimadda Iran ayaa la beegsaday, sida ay sheegtay wakaalad warar oo Iraani ah oo ku dhow Ilaalada Kacaanka dalkaas.
Warbaahinta dowladda Iran ilaa hadda waxay beenineysaa in weeraradan ay waxyeello dhab ah geysteen,
Maraykanka waxaa la siiyay xogta ku saabsan duqeymaha ka hor intaan la fulin, laakiin wax lug ah kuma lahayn howlgalka, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka.