Skip to main content

iraan oo xalay weerar culus lagu qaaday

 


 




Israa’iil ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay bilowday weerarkeeda aargoosiga ah oo ay ku qaaday Iran, xilli daqiiqad walba hadda qaraxyo laga maqlayo magaalada Tehran ee caasimadda Iran:


100 ka mid ah diyaaradaha Israa’iil ee weerarray Iran ayaa ku socday si ay u gaaraan hawada Tehran 2,000 km , sida laga soo xigtay wargeyska Maariv — waxaa ka mid ah diyaaradaha ay weerarkan illaa hadda u adeegsatay Israa’iil diyaaradda  F-35 Lightning II oo Mareykanka uu geeyay Israa’iil bishii June ee sannadkan , waana diyaarad awoodda inay ka dhuumato nidaamyada raadarrada oo si qarsoodi u geli karta hawada, markaa oo ay awoodaan inay burburiyaan nidaamyada difaaca ee goobaha bartilmaameedka , taa u furaysa dariiqa diyaaradaha dagaal si ay u fuliyaan weerarrada iyagoo aan la kulmin wax iska caabin ah, waana nooca weerar ee aan aragnay mowjadii koowaad ee weerarka ay Israa’iil ku qaaday Iran.


Israel waxay sheegtay inay soo gabagabeysay duqeymo ay ku qaaday bartilmaameedyo ciidan oo Iraani ah, iyadoo dhammaan diyaaradaha ay si nabad ah ugu soo laabteen gurigooda


Horey waxaa Israel u sheegtay inay fulisay "duqeymo sax ah oo lagu bartilmaameedsaday bartilmaameedyo ciidan" oo ku yaalla Iran, iyadoo qaraxyo laga maqlay Tehran.


Ciidamada Difaaca Israel waxay sheegeen in duqeymaha ay jawaab u yihiin "bilo weeraro joogto ah oo ka imaanaya nidaamka Iran" iyo kadib markii gantaallo badan oo Iran ay ku dhufteen Israel 1-dii Oktoobar.


Xarumaha milatari ee galbeedka iyo koonfur-galbeedka caasimadda Iran ayaa la beegsaday, sida ay sheegtay wakaalad warar oo Iraani ah oo ku dhow Ilaalada Kacaanka dalkaas.


Warbaahinta dowladda Iran ilaa hadda waxay beenineysaa in weeraradan ay waxyeello dhab ah geysteen, 


Maraykanka waxaa la siiyay xogta ku saabsan duqeymaha ka hor intaan la fulin, laakiin wax lug ah kuma lahayn howlgalka, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka.


Popular posts from this blog

FAAIIDADA DHEGAYARAHA

 FAAIIDDOOYINKA LAGA HELO DHAGAYARAHA/Syzygium Aromaticum Dhagayaraha waxa laga isticmalaa guri kasta oo soomaali leedahay iyagoo ku darsada shaaha,caanaha,xalwada,cunada iyo maraqa iwm. Dhagayaraha waxaa ka buuxa madooyin faaiido u leh jirka waxaana ka mid ah calcium,vitamins A,C,iron, potassium, sodium iyo protein. Maxaa lagu daweeyn karaa dhagayaha ✓Waa xanuun baabiye. ✓Waxaa lagu daweyaa dadka qaba romatisamka. ✓Dhaga yaraha waxaa lagu daweyaa cirid xanuunka ama qofka ilkaha dhiiga oo keena caabuqa gingivitis. ✓Dhaga yaraha wuxuu dawo u yahay sanboorka iyo neefta (Asthma). ✓Waxaa jirta saliid laga sameeyey dhagayaha oo maqaarka la marsado waxaa la ogaaday saliidaas      in ay disho caabuqa fuguska keena ee ku dhaca jirka. ✓Dhaga yaraha wuxuu kor u qadaa dheefshiidka caloosha iyo in durba la bur buriyo cunooyinka. Dhagayaraha ma ahan geed saqiran waxaa la soo isticmaalayey kumaan sano kuwaaas oo lagu daweynayey xanuuno kala gaddisan oo ay ka mid yihin kancerka iyo...

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...