Talaal Al-Daqqaaq, oo loo yaqaanay “Abu Sakhr” waxa uu bilaabay dhaqdhaqaaqiisa isaga oo hogaaminaya koox shacbi ah oo ku xiran sirdoonka ciidamada cirka ee Suuriya, waxaanu xiriir adag la lahaa hogaamiyayaasha amniga ee caanka ah sida Suhail Al-Hassan, hogaamiyihii maleeshiyaadka Shabeelada.
Al-Daqqaaq waxa uu caan ku ahaa in uu ku lug lahaa dambiyo arxan darro ah oo uu u geystay dad ka soo horjeeday BashaarAl-Assad, maadaama uu dadka kacdoonka wada layn jiray, meydadkoodana uu ku quudin jiray xawayaanno uu dhaqdo sida shabeel iyo libaax, taas oo argagax ku abuurtay dadka deegaanka iyo mucaaradkaba.
Sidee loo qabtay
Waxaa qabatay Gabar uu kufsafay oo garatay indhihiisa asagoo wata jilbaab iyo Ragistiino naasaha fake samaystay, waxaa jira muuqaal uu Gacantiisa ku dilayo 39 Qof ka dibna Taayir ku shidayo waxa uu ahaa arxan laawe sids Amjad Yousuf oo 90 qof Gacantiisa asna ku dilay.
Waxaa baxsaday dhamaan kuwii asad u shaqayn jiray kuwaaso gaystay danbiyo waa wayn
Waxaa lawada yaqaan marka xukunka arxanlaawuhu dhaco in kuwa arxanka darani ay isku dayaan inay ka baxsadaan cadaalada ways adkaata oo daalimku meelna kuma bad baado