Skip to main content

Axmed Madoobe oo markii saddexaad loo doortay hoggaamiyaha Jubbalan

November 25, 2024

Kismaayo : Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii saddexaad loo doortay hoggaamiyaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada  Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.



Axmed Madoobe ayaa kusoo baxay wareegga koowaad ee doorashada, wuxuuna helay 55 cod, sida uu shaaciyay guddoomiyaha golaha wakiilada Jubbaland.

Natiijada soo baxday ee doorashada ayaa lasii ogaaa, waxaana Axmed Madoobe la tartamay laba musharrax oo kaliya, kuwaas oo kala ahaa Cabdi Xajiin oo helay 16 cod iyo Abuubakar Cabdi Xasan oo helay 4 cod, kuwaas oo malxiis uun u ahaa Axmed Madoobe.

Madaxweynaha dib loo doortay Axmed Madoobe oo hadal kooban ka jeediyay hoolka doorashada ayaa u mahadceliyay xildhibaannada doortay, wuxuuna ballan qaaday in shaqada halkeeda uu kasii wadi doono.

Sidoo kale mar wax laga waydiiyay aqoonsiga dowladda federaalka ayaa waxa uu tilmaamay in aanay waxba uga baahneyn dowladda dhexe, sida uu hadalka u dhigay.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale dibadda ka joogtay doorashada Jubbaland, taas oo iyana saameyn ku leh doorashadaas, waxayna horay u sheegtay in aanay aqoonsan doonin maamulka ka yimaada halkaas, iyada oo boob ku eedeysay madaxweyne Axmed Madoobe.


Popular posts from this blog

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...

Sirta cimri dherarku waa haweenka

Miyaad Haysaa Dawo Cimriga Dheeraysa? Waxaa la sheegay in uu jiray Amiir ka talin jiray dhul wayn oo ay hoos yimaadaan magaalooyin iyo tuulooyin badan. Amiirkaasi waxa uu ku riyoon jiray in uu da'yar ahaado weligiis oo uusan gaboobin  weligiis   Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu ku amray nin xikmad badan oo ku jiray wasiiradiisa  in uu u keeno daawo cimriga dheeraysa. Waxa uu ballan qaaday in haddii uu arrintaas u hirgeliyo, uu siin doono abaalgud kasta oo uu codsado. Haddaba, ninka xikmadda leh ayaa u baxay in uu raadsho dawo noocaas ah. Waxa uu tagay magaalooyin iyo tuulooyin badan, isaga oo waydiinaya haddii ay jiraan dawo ama cunto cimriga dheeraysa. Ugu dambayn, waxa uu maray tuulo, halkaas oo ay dadka tuulada kula taliyeen in uu tago buuro sare oo ay ku noolaayeen labo walaalo ah. Markii uu gaadhay meeshaas, waxa uu arkay laba guri oo isku dhow. Guriga hore waxa deggenaa nin da'weyn, gurigiisuna waa uu burbursanaa, agagaarkiisana waxa ka muuqday fawdo iyo wax ...