Skip to main content

Kooxaha mucaradka suuriya oo dhul badan gacanta ku dhigay


 Kooxaha fallaagada ee ka soo horjeeda Dowladda Suuriya ayaa la wareegay gacan ku haynta Magaalada Aleppo, ka dib weerar ballaaran oo Jimcihii ay ku soo qaadeen magaaladaasi.

Xoogagan ayaa gacanta ku dhigay magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi, ka dib markii Ciidamada Dowladda ay ku khasbeen in ay isaga baxaan magaaladaasi.

Militariga Suuriya waxay xaqiijiyeen in ciidamada laga saaray magaalada, si ay ugu diyaargaroobaan weerar ay dib ugu qabsanayaan.

Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya (SOHR) ee fadhigeedu yahay dalkaasi Ingiriiska ayaa sheegtay in Ciidamada Dowladda iyo maamulkii halkaasi ka jirayba ay banneeyeen magaalada.

Kooxaha fallaagada iyo taageereyaashooda ayaa ku dabaaldegay magaalada, waxaana la arkayay kooxahaasi iyagoo socod iyo gawaari ku maraya waddooyinka qaar ee magaalada.

Dagaalkan oo Arbacadii ka bilowday dalkaasi, si degdeg ahna ugu fiday goobo kala duwan oo dalkaasi ka mid ah ayaa lagu dilay In ka badan 300 oo qof, oo dad rayid ah ay ku jiraan.

Kooxaha dagaalka kula jira Dowladda Madaxweyne Bashar Al Assad ayaa sanadkii 2016 lumiyay gacanta ku haynta Aleppo oo sidoo kale loo yaqaano Xalab, ka gadaal markii Ciidamada Dowladda ay dib u qabsadeen.

Weerarkan ayaa noqonayo kiisii ugu horreyay ee ay mucaaradku dib ugu soo hujuumaan magaaladaasi, tan iyo bishii December ee sanadkaasi oo laga saaray.

Xoogaga Hayat Tahrir Al-Sham (HTS) oo gacan ka helaya kooxaha kale ee ay gacan saarka leeyihin ayaa sidoo kale sheegtay in ay gacanta ku hayaan dhammaanba Gobolka Waqooyi Galbeed Suuriya ee Idlib.

Xoogaga mucaaradka ayaa waxaa la socdo dagaal-yahanada uu Turkigu taageero, kuwaa oo ka barbar dagaalamaya xoogaga u muuqdo in sida weyn loo soo abaabulay.

Xoogagan oo in muddo ahba ku uruursanaa aagga Idlib ayaa si la yaab leh u gilgilaya goobaha ay weerarada ka wadaan.

Horumarka ay fallaagadu ka sameysay dagaalkan ayaa ku tusineysa in gacmo aan muuqan ay ku lug leeyihiin dagaalka.

Ma cadda, cidda hubka soo siisay dagaal-yahanadan, waxaase la sheegaya in dib u hubeyntooda ay iska kaashadeen Mareykanka, Israel iyo Turkiga.

Saddexda dal midna kama hadlin, haddii ay wax door ahi ku leeyihiin dhaqdhaqaaqyada ka socda dalkaasi iyo haddii kaleba.

Dagaalkan ayaa saddex iyo toban sano ka dib indhaha caalamka dib ugu soo jeediyay dalkaasi, waxaana uu ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkanba ay xaaladda Bariga Dhexe ahayd mid kacsan.

Popular posts from this blog

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...

Sirta cimri dherarku waa haweenka

Miyaad Haysaa Dawo Cimriga Dheeraysa? Waxaa la sheegay in uu jiray Amiir ka talin jiray dhul wayn oo ay hoos yimaadaan magaalooyin iyo tuulooyin badan. Amiirkaasi waxa uu ku riyoon jiray in uu da'yar ahaado weligiis oo uusan gaboobin  weligiis   Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu ku amray nin xikmad badan oo ku jiray wasiiradiisa  in uu u keeno daawo cimriga dheeraysa. Waxa uu ballan qaaday in haddii uu arrintaas u hirgeliyo, uu siin doono abaalgud kasta oo uu codsado. Haddaba, ninka xikmadda leh ayaa u baxay in uu raadsho dawo noocaas ah. Waxa uu tagay magaalooyin iyo tuulooyin badan, isaga oo waydiinaya haddii ay jiraan dawo ama cunto cimriga dheeraysa. Ugu dambayn, waxa uu maray tuulo, halkaas oo ay dadka tuulada kula taliyeen in uu tago buuro sare oo ay ku noolaayeen labo walaalo ah. Markii uu gaadhay meeshaas, waxa uu arkay laba guri oo isku dhow. Guriga hore waxa deggenaa nin da'weyn, gurigiisuna waa uu burbursanaa, agagaarkiisana waxa ka muuqday fawdo iyo wax ...