Skip to main content

Kooxaha mucaradka suuriya oo dhul badan gacanta ku dhigay


 Kooxaha fallaagada ee ka soo horjeeda Dowladda Suuriya ayaa la wareegay gacan ku haynta Magaalada Aleppo, ka dib weerar ballaaran oo Jimcihii ay ku soo qaadeen magaaladaasi.

Xoogagan ayaa gacanta ku dhigay magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi, ka dib markii Ciidamada Dowladda ay ku khasbeen in ay isaga baxaan magaaladaasi.

Militariga Suuriya waxay xaqiijiyeen in ciidamada laga saaray magaalada, si ay ugu diyaargaroobaan weerar ay dib ugu qabsanayaan.

Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya (SOHR) ee fadhigeedu yahay dalkaasi Ingiriiska ayaa sheegtay in Ciidamada Dowladda iyo maamulkii halkaasi ka jirayba ay banneeyeen magaalada.

Kooxaha fallaagada iyo taageereyaashooda ayaa ku dabaaldegay magaalada, waxaana la arkayay kooxahaasi iyagoo socod iyo gawaari ku maraya waddooyinka qaar ee magaalada.

Dagaalkan oo Arbacadii ka bilowday dalkaasi, si degdeg ahna ugu fiday goobo kala duwan oo dalkaasi ka mid ah ayaa lagu dilay In ka badan 300 oo qof, oo dad rayid ah ay ku jiraan.

Kooxaha dagaalka kula jira Dowladda Madaxweyne Bashar Al Assad ayaa sanadkii 2016 lumiyay gacanta ku haynta Aleppo oo sidoo kale loo yaqaano Xalab, ka gadaal markii Ciidamada Dowladda ay dib u qabsadeen.

Weerarkan ayaa noqonayo kiisii ugu horreyay ee ay mucaaradku dib ugu soo hujuumaan magaaladaasi, tan iyo bishii December ee sanadkaasi oo laga saaray.

Xoogaga Hayat Tahrir Al-Sham (HTS) oo gacan ka helaya kooxaha kale ee ay gacan saarka leeyihin ayaa sidoo kale sheegtay in ay gacanta ku hayaan dhammaanba Gobolka Waqooyi Galbeed Suuriya ee Idlib.

Xoogaga mucaaradka ayaa waxaa la socdo dagaal-yahanada uu Turkigu taageero, kuwaa oo ka barbar dagaalamaya xoogaga u muuqdo in sida weyn loo soo abaabulay.

Xoogagan oo in muddo ahba ku uruursanaa aagga Idlib ayaa si la yaab leh u gilgilaya goobaha ay weerarada ka wadaan.

Horumarka ay fallaagadu ka sameysay dagaalkan ayaa ku tusineysa in gacmo aan muuqan ay ku lug leeyihiin dagaalka.

Ma cadda, cidda hubka soo siisay dagaal-yahanadan, waxaase la sheegaya in dib u hubeyntooda ay iska kaashadeen Mareykanka, Israel iyo Turkiga.

Saddexda dal midna kama hadlin, haddii ay wax door ahi ku leeyihiin dhaqdhaqaaqyada ka socda dalkaasi iyo haddii kaleba.

Dagaalkan ayaa saddex iyo toban sano ka dib indhaha caalamka dib ugu soo jeediyay dalkaasi, waxaana uu ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkanba ay xaaladda Bariga Dhexe ahayd mid kacsan.

Popular posts from this blog

FAAIIDADA DHEGAYARAHA

 FAAIIDDOOYINKA LAGA HELO DHAGAYARAHA/Syzygium Aromaticum Dhagayaraha waxa laga isticmalaa guri kasta oo soomaali leedahay iyagoo ku darsada shaaha,caanaha,xalwada,cunada iyo maraqa iwm. Dhagayaraha waxaa ka buuxa madooyin faaiido u leh jirka waxaana ka mid ah calcium,vitamins A,C,iron, potassium, sodium iyo protein. Maxaa lagu daweeyn karaa dhagayaha ✓Waa xanuun baabiye. ✓Waxaa lagu daweyaa dadka qaba romatisamka. ✓Dhaga yaraha waxaa lagu daweyaa cirid xanuunka ama qofka ilkaha dhiiga oo keena caabuqa gingivitis. ✓Dhaga yaraha wuxuu dawo u yahay sanboorka iyo neefta (Asthma). ✓Waxaa jirta saliid laga sameeyey dhagayaha oo maqaarka la marsado waxaa la ogaaday saliidaas      in ay disho caabuqa fuguska keena ee ku dhaca jirka. ✓Dhaga yaraha wuxuu kor u qadaa dheefshiidka caloosha iyo in durba la bur buriyo cunooyinka. Dhagayaraha ma ahan geed saqiran waxaa la soo isticmaalayey kumaan sano kuwaaas oo lagu daweynayey xanuuno kala gaddisan oo ay ka mid yihin kancerka iyo...

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...