Skip to main content

Dimishiq maxad ka taqaanaa



Gobolka Shaam la yidhaahdaa guud ahaan waa meel barakaysan oo siro badani ku duugan yihiin, si gaara magaalada Dimishiq waa mid leh astaamo u gaar ah oo taariikheed kuwaas oo wax laga hilaadiyo. 


1. Dimishiq waa caasimada aduunyada oo dhan ugu Dada wayn magaalo intay caasimad soo ahayd caasimad ahayd ma jirto. 


2. Dimishiq waa magaalo taariikhda gacmo badan gashey oo hadba quwadi qabsatay sida Roomankii, Dawladii Islaamka, crusaders reer yurub, Tataarkii iyo xulifadii ingiriiska iyo France. 

3.dimishiq waa caasimadii dowladii umawiyiinta oo ay caan kutahay 

Waa magaalo balaaran oo qurux badan waxaa taala xadaarado kalo duwan oo dowlado iska dhaxleen 


Mudo dheer hada waxaa katalinayay qoyska reer asad oo kasoo jeeda calawiyiinta oo ah dad tira yar oo dalkaa kunool 


asadka hada dhacayaa waxa uu xukunka kadhaxlay aabihiis waxaanu ahaa kaligii taliye dhiig badan daadiyay 

Waxa laayay kumanaan iyo kumanan muslimka suniga ah inta in lamidana waa barakiciyay


Ugu danbayn dimishiq waxay gashay gacanta mucaradka is bahaystay ee dalka suuriya kuwaaso si adag ula dagaalamay nidaamka basharal asad


Mar kasta oo Dimishiq cidi qabsataana waa xili  Aduunyadu weji ay lahayd iska badalaysay weji cusubna ay isu bedalaysay, sidaas darteed Dimishiq waa magaalo Astaan taariikheed u ah isbadalada Aduunka ka dhacaya markasta oo Dimishiq is badashaana waa markasta oo Aduunyadu is badalayso ilaa  soo degitaanka Nebi ciise oo arladaa kusoo degi doona aakhuru sabanka ufadiisi ina hayso.

Osman

Popular posts from this blog

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...

FAAIIDADA DHEGAYARAHA

 FAAIIDDOOYINKA LAGA HELO DHAGAYARAHA/Syzygium Aromaticum Dhagayaraha waxa laga isticmalaa guri kasta oo soomaali leedahay iyagoo ku darsada shaaha,caanaha,xalwada,cunada iyo maraqa iwm. Dhagayaraha waxaa ka buuxa madooyin faaiido u leh jirka waxaana ka mid ah calcium,vitamins A,C,iron, potassium, sodium iyo protein. Maxaa lagu daweeyn karaa dhagayaha ✓Waa xanuun baabiye. ✓Waxaa lagu daweyaa dadka qaba romatisamka. ✓Dhaga yaraha waxaa lagu daweyaa cirid xanuunka ama qofka ilkaha dhiiga oo keena caabuqa gingivitis. ✓Dhaga yaraha wuxuu dawo u yahay sanboorka iyo neefta (Asthma). ✓Waxaa jirta saliid laga sameeyey dhagayaha oo maqaarka la marsado waxaa la ogaaday saliidaas      in ay disho caabuqa fuguska keena ee ku dhaca jirka. ✓Dhaga yaraha wuxuu kor u qadaa dheefshiidka caloosha iyo in durba la bur buriyo cunooyinka. Dhagayaraha ma ahan geed saqiran waxaa la soo isticmaalayey kumaan sano kuwaaas oo lagu daweynayey xanuuno kala gaddisan oo ay ka mid yihin kancerka iyo...