Gobolka Shaam la yidhaahdaa guud ahaan waa meel barakaysan oo siro badani ku duugan yihiin, si gaara magaalada Dimishiq waa mid leh astaamo u gaar ah oo taariikheed kuwaas oo wax laga hilaadiyo.
1. Dimishiq waa caasimada aduunyada oo dhan ugu Dada wayn magaalo intay caasimad soo ahayd caasimad ahayd ma jirto.
2. Dimishiq waa magaalo taariikhda gacmo badan gashey oo hadba quwadi qabsatay sida Roomankii, Dawladii Islaamka, crusaders reer yurub, Tataarkii iyo xulifadii ingiriiska iyo France.
3.dimishiq waa caasimadii dowladii umawiyiinta oo ay caan kutahay
Waa magaalo balaaran oo qurux badan waxaa taala xadaarado kalo duwan oo dowlado iska dhaxleen
Mudo dheer hada waxaa katalinayay qoyska reer asad oo kasoo jeeda calawiyiinta oo ah dad tira yar oo dalkaa kunool
asadka hada dhacayaa waxa uu xukunka kadhaxlay aabihiis waxaanu ahaa kaligii taliye dhiig badan daadiyay
Waxa laayay kumanaan iyo kumanan muslimka suniga ah inta in lamidana waa barakiciyay
Ugu danbayn dimishiq waxay gashay gacanta mucaradka is bahaystay ee dalka suuriya kuwaaso si adag ula dagaalamay nidaamka basharal asad
Mar kasta oo Dimishiq cidi qabsataana waa xili Aduunyadu weji ay lahayd iska badalaysay weji cusubna ay isu bedalaysay, sidaas darteed Dimishiq waa magaalo Astaan taariikheed u ah isbadalada Aduunka ka dhacaya markasta oo Dimishiq is badashaana waa markasta oo Aduunyadu is badalayso ilaa soo degitaanka Nebi ciise oo arladaa kusoo degi doona aakhuru sabanka ufadiisi ina hayso.
Osman