Dawladda Shiinaha ayaa si dadban oo lama filaana usoo bandhigtay diyaaraddeeda dagaal ee jiil ka lixaad ka tirsan.
Shiinaha ayaa noqonaya waddan ka labaad ee dunida kaas oo haysta diyaaradaha dagaal ka ee jiil ka lixaad. Shirkadda The Northrop Grumman oo ah shirkad samaysa diyaaradaha dagaal ka, Maraykan kana laga leeyahay ayaa markii ugu horraysay Maraykan ka u samaysay diyaaradaha dagaal ka ee jiil ka lixaad, diyaaradaas waxaa lagu magacaabaa 'B-21 Raider'. Balse wili dood ayaa ka taagan in B-21 Raider ay si dhammaystiran u tahay jiil ka lixaad iyo in kale.
Diyaaraddaan dagaal ee jiil ka lixaad ka tirsan ee Shiinees ku samaysteen ayaa la arkay muuqaallo laga soo duubay iyadoo ay hareero socdaan diyaaradaha dagaal ka ee 'Chengdu J-20'. Dhul ka ay kor duulayso iyo cidda muuqaal ka ka duubtay cidna garanmayso oo Shiinaha xogihiisa difaaca in la helo aad ayay u adagtahay.
Maraykan ka, Ingriis ka iyo Ruush ku si dadban ayay u sheegaan inay ku guda jiraan samaynta iyo horumarin diyaaradaha dagaal ka ee jiil ka lixaad, laakiin Shiinees ku arrinta samaynta diyaraddaan aad ayay u qariyeen oo wax xog in laga heli waa diideen.
Diyaaraddaan dagaal ee jiil ka lixaad ah ayaa lagu magacaabaa 'White Emperor/AVIC Baidi Type-B' waxaa la sheegayaa inay ilaa space ka ay gaari karto oo hawadaan sare ee soke ay dhaafi karto.
Shiinaha ayaa qorshaynaya in sannad ka 2035 ay diyaraddaan hawlgasho oo ay kusoo biirto diyaaradaheeda dagaal ka, waana isla sannad ka ay Maraykan ka iyo Ingriis kuba qorshaynayaan inay hawlgaliyaan diyaaradahooda dagaal ka ee jiil ka lixaad.
Sida uu qoray website ka 'The War Zone' Diyaaradaha dagaal ka ee jiil ka lixaad ayay dawladuhu u samaysanayaan maadaama aysan qabin karin raadaarradu sidoo kale na duulimaad aad u dheer ay samayn karto oo ay muddo badan hawada ku jiri karto.
Qore:soomali kab