Skip to main content

MATAQAAAN DIYAARADA DAGAAL EE JIILKA LIXAAD LOO YAQAAN EE SHIINUHU SAMAYSTAY

 


Dawladda Shiinaha ayaa si dadban oo lama filaana usoo bandhigtay diyaaraddeeda dagaal ee jiil ka lixaad ka tirsan. 


Shiinaha ayaa noqonaya waddan ka labaad ee dunida kaas oo haysta diyaaradaha dagaal ka ee jiil ka lixaad. Shirkadda The Northrop Grumman oo ah shirkad samaysa diyaaradaha dagaal ka, Maraykan kana laga leeyahay ayaa markii ugu horraysay Maraykan ka u samaysay diyaaradaha dagaal ka ee jiil ka lixaad, diyaaradaas waxaa lagu magacaabaa 'B-21 Raider'.  Balse wili dood ayaa ka taagan in B-21 Raider ay si dhammaystiran u tahay jiil ka lixaad iyo in kale. 


Diyaaraddaan dagaal ee jiil ka lixaad ka tirsan ee Shiinees ku samaysteen ayaa la arkay muuqaallo laga soo duubay iyadoo ay hareero socdaan diyaaradaha dagaal ka ee 'Chengdu J-20'. Dhul ka ay kor duulayso iyo cidda muuqaal ka ka duubtay cidna garanmayso oo Shiinaha xogihiisa difaaca in la helo aad ayay u adagtahay. 


Maraykan ka, Ingriis ka iyo Ruush ku si dadban ayay u sheegaan inay ku guda jiraan samaynta iyo horumarin diyaaradaha dagaal ka ee jiil ka lixaad, laakiin Shiinees ku arrinta samaynta diyaraddaan aad ayay u qariyeen oo wax xog in laga heli waa diideen. 


Diyaaraddaan dagaal ee jiil ka lixaad ah ayaa lagu magacaabaa 'White Emperor/AVIC Baidi Type-B' waxaa la sheegayaa inay ilaa space ka ay gaari karto oo hawadaan sare ee soke ay dhaafi karto. 


Shiinaha ayaa qorshaynaya in sannad ka 2035 ay diyaraddaan hawlgasho oo ay kusoo biirto diyaaradaheeda dagaal ka, waana isla sannad ka ay Maraykan ka iyo Ingriis kuba qorshaynayaan inay hawlgaliyaan diyaaradahooda dagaal ka ee jiil ka lixaad. 


Sida uu qoray website ka 'The War Zone' Diyaaradaha dagaal ka ee jiil ka lixaad ayay dawladuhu u samaysanayaan maadaama aysan qabin karin raadaarradu sidoo kale na duulimaad aad u dheer ay samayn karto oo ay muddo badan hawada ku jiri karto.



Qore:soomali kab

Popular posts from this blog

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Siyaasi arxanlaawe ah ganacsato bilaa damiira iyo qaaqlayaal diibed jooga waa sadexda soomalidu ka degi wayday

  Siyaasi dhimashada neceb, ganacsade arxanlaawe ah ,qaaqle ka macaysha qayla dhaanta waa sadexda soomalida kadegi wayday welina sirtooda lama gaarin 1.siyaasiga dhimashada neceb Siyaasiyiinta soomalida horbooda waxay huriyaan dagaalada kadhaca gudaha soomaaliya iyagu matagaan goobaha dagaalka iyo meelaha dhimashada ama dagaaladu toos uga socdaan waxay isku dilaan dhalinyaro aan aqoon lahayn oo ay uga faa'idaystaan duruufo kala duwan oo  markaa jira sida qabyaalada iyo balwada oo ah tan ugu wayn oo dagaalada lagu huriyo Siyaasiga arxanka daran waxaa howsha laqabta oo kala macaysha ahna  gacanta   aan qarsoonayn ganacsato  iagauna dhiig miirato  kale'ah iyo qaaqlayaal lacagta halkaa kasameeya oo akoona kabuuxsada Majiro siyaasi caruurtiisa geeya goobaha dagaalka oo ay askar yihiin taa badalkeeda dalkaba majoogaan oo waxayba ka fogeeyan colaadaha waxayna  gaystaan wadamada nabadaa waxayna kunoolyihiin nolol raaxo badan iyo waxbarsho Siyaasiga...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...