Wargeyska ka soo baxa Jarmalka ee Der Spiegel oo xiganaya xogta wasaaradda difaaca Jarmalka , ayaa ku warramay inuu Ruushka kala baxay ciidankiisa dekedda Tartus ee dalka Suuriya:
Wargeyska Washington Post, oo xiganaya sawirrada dayax-gacmeedka ee shabakadda Maxar, ayaa ku warramay in maanta la arkay Ruushka oo saldhigyadiisa Suuriya ka raranaya qalabka militari oo ay ku jiraan nidaamyada difaaca ee S-400.
Tan markii lariday basharal asad waxaa suuriya kasocdo isbedelo waa wayn
Warka wuxuu yimid, xilli uu Ruushka billaabay inuu wada-xaajood la galo dawladda kumeel-gaarka ah ee Suuriya , isagoo ka raadinaya heshiis u oggolaanaya inuu sharciyad u helo labo saldhig oo uu ku yeelanayo Suuriya , sababtoo ah Ruushka ma awooddo inuu ka tago Suuriya , maaddama adeegsiga dekedaha Suuriya ay u suragelinayso inuu helo marin uu saadka ku gaarsiinayo saldhigyadiisa militari ee caalamka.