Skip to main content

Suuriya oo ay ka qarxeen dagaalo waa wayn iyo mucaradka oo qabsaday magaalada xalab




Mucaaradka Suuriya ayaa qabsaday xarumaha dowladda ee magaalada Xalab, oo ay ku jiraan xarunta maamulka Xalab iyo xarunta booliiska. Horraantii maanta, waxay la wareegeen bakhaarro kayd ah oo ay ku jiraan nidaamyada difaaca, hubka lidka taangiyada, iyo madaafiic uu Ruushku ku qalabeeyay ciidanka Suuriya. Wararka  la helaayo ayaa sheegaya in inta badan ciidanka dowladda Suuriya ay horay uga baxeen Xalab, halka inta ku hadhay ay haatan wadahadallo kula jiraan mucaaradka,

Ujeeddada wadahadalladan ayaa ah in loo oggolaado inay sii dagaallamaan, inay isku dhiibaan mucaaradka, ama ay helaan marin nabdoon oo ay uga baxaan Xalab.


Madaxweynaha Suuriya, Bashaar Al-Assad, oo safar degdeg ah ku tagay Moscow si uu ula kulmo Putin, isla  caawa ayuu  dib ugu soo laabtay Dimishi. 


Waxaa la arkay in Ruushku uusan qaadin tallaabooyin ku filan oo lagu joojin karo horumarka mucaaradka ee magaalada Xalab, taasoo ah guushii ugu weynayd ee mucaaradku ka gaaraan dagaalka muddo  badan siddeed sano.


Sida laga soo xigtay wargeyska Middle East Eye, sawirrada dayax-gacmeedyada  ayaa muujinaya in saldhigyada Ruushka ee gudaha Suuriya ay inta badan maran yihiin, iyadoo hub iyo diyaarado duug ah keliya ay ku hareen

Ruushka ayaa lagu warramay inuu awooddiisa ku jeediyay dagaalka Ukraine. Haddii Ruushka uu dib u damco inuu difaaco Assad, waxay u baahan doontaa waqti iyo in calooshood u shaqeystayaasha Wagner ee Waqooyiga Afrika dib loogu raro Suuriya.


Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, oo wax laga weydiiyay dagaalka dib uga qarxay Suuriya, ayaa ku tilmaamay arrinta xadgudub, wuxuuna rajo ka muujiyay in maamulka Assad ay dib ugu soo celin karaan gacanta Xalab. Si kastaba ha ahaatee, ma uusan faahfaahin doorka Ruushka ee caawinta ciidanka Assad. Guuldarrada Assad ee Xalab waxay dhaawici kartaa sumcadda Ruushka, taasoo ku khasbi karta inuu ilaaliyo booskiisa istaraatijiga ah ee Suuriya.


Popular posts from this blog

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...

Sirta cimri dherarku waa haweenka

Miyaad Haysaa Dawo Cimriga Dheeraysa? Waxaa la sheegay in uu jiray Amiir ka talin jiray dhul wayn oo ay hoos yimaadaan magaalooyin iyo tuulooyin badan. Amiirkaasi waxa uu ku riyoon jiray in uu da'yar ahaado weligiis oo uusan gaboobin  weligiis   Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu ku amray nin xikmad badan oo ku jiray wasiiradiisa  in uu u keeno daawo cimriga dheeraysa. Waxa uu ballan qaaday in haddii uu arrintaas u hirgeliyo, uu siin doono abaalgud kasta oo uu codsado. Haddaba, ninka xikmadda leh ayaa u baxay in uu raadsho dawo noocaas ah. Waxa uu tagay magaalooyin iyo tuulooyin badan, isaga oo waydiinaya haddii ay jiraan dawo ama cunto cimriga dheeraysa. Ugu dambayn, waxa uu maray tuulo, halkaas oo ay dadka tuulada kula taliyeen in uu tago buuro sare oo ay ku noolaayeen labo walaalo ah. Markii uu gaadhay meeshaas, waxa uu arkay laba guri oo isku dhow. Guriga hore waxa deggenaa nin da'weyn, gurigiisuna waa uu burbursanaa, agagaarkiisana waxa ka muuqday fawdo iyo wax ...