Skip to main content

Suuriya oo ay ka qarxeen dagaalo waa wayn iyo mucaradka oo qabsaday magaalada xalab




Mucaaradka Suuriya ayaa qabsaday xarumaha dowladda ee magaalada Xalab, oo ay ku jiraan xarunta maamulka Xalab iyo xarunta booliiska. Horraantii maanta, waxay la wareegeen bakhaarro kayd ah oo ay ku jiraan nidaamyada difaaca, hubka lidka taangiyada, iyo madaafiic uu Ruushku ku qalabeeyay ciidanka Suuriya. Wararka  la helaayo ayaa sheegaya in inta badan ciidanka dowladda Suuriya ay horay uga baxeen Xalab, halka inta ku hadhay ay haatan wadahadallo kula jiraan mucaaradka,

Ujeeddada wadahadalladan ayaa ah in loo oggolaado inay sii dagaallamaan, inay isku dhiibaan mucaaradka, ama ay helaan marin nabdoon oo ay uga baxaan Xalab.


Madaxweynaha Suuriya, Bashaar Al-Assad, oo safar degdeg ah ku tagay Moscow si uu ula kulmo Putin, isla  caawa ayuu  dib ugu soo laabtay Dimishi. 


Waxaa la arkay in Ruushku uusan qaadin tallaabooyin ku filan oo lagu joojin karo horumarka mucaaradka ee magaalada Xalab, taasoo ah guushii ugu weynayd ee mucaaradku ka gaaraan dagaalka muddo  badan siddeed sano.


Sida laga soo xigtay wargeyska Middle East Eye, sawirrada dayax-gacmeedyada  ayaa muujinaya in saldhigyada Ruushka ee gudaha Suuriya ay inta badan maran yihiin, iyadoo hub iyo diyaarado duug ah keliya ay ku hareen

Ruushka ayaa lagu warramay inuu awooddiisa ku jeediyay dagaalka Ukraine. Haddii Ruushka uu dib u damco inuu difaaco Assad, waxay u baahan doontaa waqti iyo in calooshood u shaqeystayaasha Wagner ee Waqooyiga Afrika dib loogu raro Suuriya.


Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, oo wax laga weydiiyay dagaalka dib uga qarxay Suuriya, ayaa ku tilmaamay arrinta xadgudub, wuxuuna rajo ka muujiyay in maamulka Assad ay dib ugu soo celin karaan gacanta Xalab. Si kastaba ha ahaatee, ma uusan faahfaahin doorka Ruushka ee caawinta ciidanka Assad. Guuldarrada Assad ee Xalab waxay dhaawici kartaa sumcadda Ruushka, taasoo ku khasbi karta inuu ilaaliyo booskiisa istaraatijiga ah ee Suuriya.


Popular posts from this blog

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Siyaasi arxanlaawe ah ganacsato bilaa damiira iyo qaaqlayaal diibed jooga waa sadexda soomalidu ka degi wayday

  Siyaasi dhimashada neceb, ganacsade arxanlaawe ah ,qaaqle ka macaysha qayla dhaanta waa sadexda soomalida kadegi wayday welina sirtooda lama gaarin 1.siyaasiga dhimashada neceb Siyaasiyiinta soomalida horbooda waxay huriyaan dagaalada kadhaca gudaha soomaaliya iyagu matagaan goobaha dagaalka iyo meelaha dhimashada ama dagaaladu toos uga socdaan waxay isku dilaan dhalinyaro aan aqoon lahayn oo ay uga faa'idaystaan duruufo kala duwan oo  markaa jira sida qabyaalada iyo balwada oo ah tan ugu wayn oo dagaalada lagu huriyo Siyaasiga arxanka daran waxaa howsha laqabta oo kala macaysha ahna  gacanta   aan qarsoonayn ganacsato  iagauna dhiig miirato  kale'ah iyo qaaqlayaal lacagta halkaa kasameeya oo akoona kabuuxsada Majiro siyaasi caruurtiisa geeya goobaha dagaalka oo ay askar yihiin taa badalkeeda dalkaba majoogaan oo waxayba ka fogeeyan colaadaha waxayna  gaystaan wadamada nabadaa waxayna kunoolyihiin nolol raaxo badan iyo waxbarsho Siyaasiga...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...