Skip to main content

Dowlada soomaliya oo itoobiya bad siinaysa

 

ANKARA: Shirka jaraa’id ee Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Turkiga oo uu garwadeen ka ahaa wada hadalada dhex dhexaadinta ahaa oo caawa war Murtiyeed laga soo saaray


War-murtiyeedka laga soo saaray Wada hadalada Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkiga garwadeen ka ahaa ayaa la waxaa la isku raacay in labada dal ay ka gudbaan waxyaabihii dhaliyay khilaafaadka (Taas oo macnaheedu yahay MOU)


1- In la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka labada dal sida ay qabaan xeerarka caalamiga ee Axdiga QM iyo Midowga Afrika (Taas oo meesha ka saareysa aqoonsiga Somaliland)


2- In Itoobiya loo oggolaado marin badda ah oo sharciyeysan, iyadoo la tixgelinayo wadajirka dhuleed ee dowladda Federaalka Soomaaliya


3- In si dhow looga shaqeeyo heshiisyada ganacsi ee dan u ah labada dal, iyadoo loo marayo heshiisyo labo geesood ah.


4- Wada hadalo farsamo ah oo bilaabanaya February 2025 oo mar kale Turkiga fududeynayo, laguna soo gabagabeynayo afar bil gudahood

 

Waxaan arki doona siduu hashiiskan u hirgalo iyadoo labada dhinac aanay isku qanacsanayn 

Popular posts from this blog

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...

Sirta cimri dherarku waa haweenka

Miyaad Haysaa Dawo Cimriga Dheeraysa? Waxaa la sheegay in uu jiray Amiir ka talin jiray dhul wayn oo ay hoos yimaadaan magaalooyin iyo tuulooyin badan. Amiirkaasi waxa uu ku riyoon jiray in uu da'yar ahaado weligiis oo uusan gaboobin  weligiis   Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu ku amray nin xikmad badan oo ku jiray wasiiradiisa  in uu u keeno daawo cimriga dheeraysa. Waxa uu ballan qaaday in haddii uu arrintaas u hirgeliyo, uu siin doono abaalgud kasta oo uu codsado. Haddaba, ninka xikmadda leh ayaa u baxay in uu raadsho dawo noocaas ah. Waxa uu tagay magaalooyin iyo tuulooyin badan, isaga oo waydiinaya haddii ay jiraan dawo ama cunto cimriga dheeraysa. Ugu dambayn, waxa uu maray tuulo, halkaas oo ay dadka tuulada kula taliyeen in uu tago buuro sare oo ay ku noolaayeen labo walaalo ah. Markii uu gaadhay meeshaas, waxa uu arkay laba guri oo isku dhow. Guriga hore waxa deggenaa nin da'weyn, gurigiisuna waa uu burbursanaa, agagaarkiisana waxa ka muuqday fawdo iyo wax ...