Skip to main content

Caqligu marna diinta kama maarmo



Waxyaabaha mudan in lagu baraarugo waxaa ka mid ah in Ilaahay Aadanaha u sameeyay garaad iyo Fidro Dabiici ah oo ay ku kala gartaan Samaanta iyo Xumaanta iyo Dhibta iyo Dheefta, Fidradaasi isma badasho haddii aysan dibadda oga imaan waxyaalo ka qaalib noqda oo Afgambiya,Fidradaasi waa dabeecad sameys ah oo mar kasta ku amban gudaha Aadanaha ismana badasho xitaa haddii uu Ruuxu ku doorsoomo waxyaabo dibadda oga yimid oo  Jirro Shaki ama Shubho ah ku rida Caqligiisa.

Garaadka Aadanuhu  wuu jiranaan karaa inta la doono kol haddii uu ku sumoobo Afkaaraha dulanka wata ee dibadda ka soo weerara,waxayse Aakhirka u badan tahay inuu Qofka ka baskoodo kol kasta oo uu helo Dawo la jaanqaadi karta dib u hanashada Caqliga iyo Fidrada asaasiga ah taas oo ah toosnaantii uu Rabbi kolkii horeba ku beeray Aadanaha. 


Rasuulku scw wuxuu yiri isaga oo xagga Rabbi ka soo warinaya:


((إِنِّي خَلَقْتُ عِبَادِي حُنَفَاءَ كُلَّهُمْ ، وَإِنَّهُمْ أَتَتْهُمُ الشَّيَاطِينُ فَاجْتَالَتْهُمْ عَنْ دِينِهِمْ ، وَحَرَّمَتْ عَلَيْهِمْ مَا أَحْلَلْتُ لَهُمْ ، وَأَمَرَتْهُمْ أَنْ يُشْرِكُوا بِي مَا لَمْ أُنْزِلْ بِهِ سُلْطَانًا))

“Aniga Addoomadayda waxaan abuuray iyaga oo kulligood ah kuwo toosan oo Samaanta iyo Xumaanta kala yaqaana,Shayaadiin ayaa u timid oo ka qafaalatay Diintii toosneyd ee aan ku abuuray,kolkaasay waxay ka xarimeen wixii aan u xalaaleeyay,oo waxay fareen inay Aniga cid kale igu lamaaniyaan oo ay iigu shariik yeelaan wax aysan xujo iyo cadeyn u heli karin”.


Aadanuhu oo ay ahmiyada iyo Masuuliyadda Dunida gaar ugu dhacayso waxaa la siiyay Fidro iyo Abuur wanaaga iyo Xaqa u janjeerta inta badan,oo Ilaahay waxa uu u sameeyay Fidro iyo Abuur inta badan sax ah haddii aysan luminin waxyaabo dibada kaga yimaada. 


‎روى البخاري في صحيحه عن رسول الله صلى الله عليه وسلم أنه قال: (مَا مِنْ مَوْلُودٍ إِلاَّ يُولَدُ عَلَى الْفِطْرَةِ، فَأَبَوَاهُ يُهَوِّدَانِهِ أَوْ يُنَصِّرَانِهِ أَوْ يُمَجِّسَانِهِ). 


"Qof kasta oo la dhalo waxaa lagu dhalaa toosnaan ee Waalidkii uun baa ama Yahuud ka dhiga ama Nasaaro ka dhiga ama Majuusi ka dhiga".


Toosnaantaas waa midda loo irkado waqyiyada wax isku qasmaan ee uu Insaanku ku wareero Afkaaraha iska soo horjeeda ee haddii la doono qaarkood la diimaynayo. 


Waayo Rasuulka scw waxaa lagu yiri:-


‎"فَأَقِمْ وَجْهَكَ لِلدِّينِ حَنِيفًا ۚ فِطْرَتَ اللَّهِ الَّتِي فَطَرَ النَّاسَ عَلَيْهَا ۚ لَا تَبْدِيلَ لِخَلْقِ اللَّهِ ۚ ذَٰلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ" .


"Ku toosi wajigaada Diinta baraxa tiran,taasoo ah toosnaanta uu Alle Dadka ku abuuray,kuma dhaco Alle Abuurkiisa wax isbadal ah,waana midaas Diinta haboon laakiin Dadka badankood ma garanayaan".


Bani Aadamku haddii uu Caqliga iyo Fidrada si toos ah u adeegsado ma lumo,waana waxa kaliya ee ay ku xambaareen Masuuliyadda cuslus oo uu Ilaahayna ugu aaminay diimihiisa iyo fariimahiisa,


Nabi kasta oo Ilaahay soo diro wuxuu la hadli jiray dadka Caqligooda iyo Fidradooda,wuxuuna soo gaarsiin jiray fariin wadata xujooyin Caqli gal ah iyo Mucjisooyin lagu kabay. 


Quraanka Rasuulkeena Muxamad scw lala soo diray waxaa ka buuxa fariimo Caqliga baraarujinaya iyo xujooyin Maan gal ah oo uu Ilaahay kula hadlayo Aadanaha Caqligiisa. 


‎افلا تعقلون....افلا تتفكرون....لقوم يعقلون....لقوم يتفكرون.... لاولي الباب...لاولي النهي...لاولي ابصار....


Iyo kuwo kale oo badan. 


Wuxuu kale oo Alle yiri isaga oo ku xujeynaya Aadanaha Caqligiisa. 


‎﴿أَفَلَمْ يَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَتَكُونَ لَهُمْ قُلُوبٌ يَعْقِلُونَ بِهَا أَوْ آذَانٌ يَسْمَعُونَ بِهَا فَإِنَّهَا لَا تَعْمَى الْأَبْصَارُ وَلَكِن تَعْمَى الْقُلُوبُ الَّتِي فِي الصُّدُورِ﴾ 


"Miyaysan  Dhulka ku socon iyaga oo leh Qalbiyo ay wax ku gartaan ama Dhago ay wax ku maqlaan,Duulku ma Indho beelin ee waxay beeleen Qalbiyada garasho ee gudaha ugu jirta"


Inta badan Quraanka iyo Sunada waxay Caqliga hoy oga dhigaan Qalbiga,taasna kama hor imanayso ogaanshaha la og yahay waqtigan in Maskaxdu tahay halka uu Caqliga saamaynta ugu culus ku leeyahay,taasna meelo kale ayay Diintu ku tilmaantay,waxase dhowaan la ogaaday in Unugyada ugu muhiimsan Maskaxda ay Qalbiga ka bilowdaan. 


Rasuulku scw Nin u yimi oo doonaya inuu Su'aalo Samafalka ku saabsan waydiiyo ayuu ku yiri Nafsadaada waydii oo samafalku waa dabeecada wanaagsan dambiguna waa waxa aad ka labalabeyso ee aysan Naftaadu ku xasili karin,arinku waa saas haday doonaan dadka wax fadwooda waxay doonaan ha kuu fadwoodeene. 


‎عن النواس بن سمعان الأنصاري قال : سألت رسول الله صلى الله عليه وسلم عن البر والإثم ، فقال : البر حسن الخلق ، والإثم ما حاك في صدرك وكرهت أن يطلع عليه الناس رواه مسلم . 


Inta badan dadku waxaa Rusul loo soo diri jiray marka ay ka lumaan Fidrada iyo toosnaanta uu Rabbi hore ugu borogram gareeyay,Rusushana waxa ugu badan oo ay qabato waxay ahayd u Caqli celin ay Dadka u Caqli celiyaan iyo toosin ay Fidradii lagu abuuray dib ugu toosiyaan dadka. 


Rasuulka scw markay ka hor yimaadeen dadkii Nolosha ku dulloobay ee uu doonayay inuu toosiyo oo ay isaga waali ku sheegeen waxaa lagu yiri ku dheh:-


‎"قُلْ إِنَّمَا أَعِظُكُم بِوَاحِدَةٍ ۖ أَن تَقُومُوا لِلَّهِ مَثْنَىٰ وَفُرَادَىٰ ثُمَّ تَتَفَكَّرُوا ۚ مَا بِصَاحِبِكُم مِّن جِنَّةٍ"


"Waxaad ku tiraahdaa hal arin uun baan idinku waaninayaa oo ah inaad isu taagtaan dar Alle idinka oo ah laba laba iyo mid mid ka dibna aad fikirtaan waxaad ogaan doontaan inuusan saaxiibkiin waalneen".


Marar badan oo u Rasuulka scw kala hadlayay kuwii ku diidanaa waxdaaniyada Rabigood daliilada ugu waaweyn ee uu kula doodayay waxay ahaayeen kuwo koonka iyo Caqliga khuseeya. 


‎"قُلِ انظُرُوا مَاذَا فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ وَمَا تُغْنِي الْآيَاتُ وَالنُّذُرُ عَن قَوْمٍ لَّا يُؤْمِنُونَ (101)

"Waxaad ku tiraahdaa bal eega waxa Samaawaadka iyo Dhulka ku sugan,ee awoodda Alle iyo maamulkiisa ah,maxayse ka tari kartaa Aayadaha iyo digniinada Qoom aan rumaysneyn".


Shaki waxaan lahayn in Alle Aadanaha ku abuuray garasho uu kula xujaytami karo,kolkay ka lumeena wuxuu u soo dajiyay Diimo ay daadihinayaan ergooyin dadka u Caqli celisa oo tusta dariiqii toosnaa ee ay ka lumeen..in yeesha iyo in kibir u diidaba.


Waxayse Mashaqada ugu daran dhacdaa kolka Diimihii Daawada ahaa ee loo soo dajiyay inay Dadka ku soo celiyaan dowga Caqliga iyo Fidrada toosan isla iyagii lagu soo dhex daro Fayruus ka horjeeda Caqligii uu Alle Umadda kula xujaytami lahaa Maalinka Qiyaame oo Dadkii laga dhaadhiciyo in Diin iyo Caqli aysan shaqo isku lahayn ama lagu yiraahdo Diin iyo Caqli isma galaan.


Suura gal maaha inuu Alle inta Aadanahiisa ku abuuray Fidro iyo Caqli uu kula xujaytamo misana yiraahdo ma isticmaali kartaan,oo ay kolkaa halkaa ka dhacdo inay Dadku qaarkood diimaystaan waxyaabo ku xun garashada toosan oo ay yiraahdaan Ilaahay ayaa sidaa na faray. 


"وَإِذَا فَعَلُوا فَاحِشَةً قَالُوا وَجَدْنَا عَلَيْهَا آبَاءَنَا وَاللَّهُ أَمَرَنَا بِهَا ۗ قُلْ إِنَّ اللَّهَ لَا يَأْمُرُ بِالْفَحْشَاءِ ۖ أَتَقُولُونَ عَلَى اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ "•

“Goortay sameeyaan wax foolxun ayay oranayaan Aabayaasheen ayaan ka dhaxalnay Ilaahayna sidaas ayuu na faray,waxaad ku tiraahdaa Ilaahay ma faro foolxumo iyo wax xilli ee ma waxaad Ilaahay ka sheegaysaan wax aydun Cilmi u lahayn”


Tiiyoo la og yahay inuu Ilaahay sareeye mar kasta ka nasahan yahay xumaan oo idil oo uusan Aadanahiisa marna farin inay ku kacaan wax xun oo Caqliga iyo Garaadka toosan ee Aadanaha ku foolxun.


“وَلِلَّهِ الْمَثَلُ الْأَعْلَىٰ ۚ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ”

“Ilaahay matal sare ayuu leeyahay waana mid ay tiisa socoto oo fal suuban”.

Popular posts from this blog

FAAIIDADA DHEGAYARAHA

 FAAIIDDOOYINKA LAGA HELO DHAGAYARAHA/Syzygium Aromaticum Dhagayaraha waxa laga isticmalaa guri kasta oo soomaali leedahay iyagoo ku darsada shaaha,caanaha,xalwada,cunada iyo maraqa iwm. Dhagayaraha waxaa ka buuxa madooyin faaiido u leh jirka waxaana ka mid ah calcium,vitamins A,C,iron, potassium, sodium iyo protein. Maxaa lagu daweeyn karaa dhagayaha ✓Waa xanuun baabiye. ✓Waxaa lagu daweyaa dadka qaba romatisamka. ✓Dhaga yaraha waxaa lagu daweyaa cirid xanuunka ama qofka ilkaha dhiiga oo keena caabuqa gingivitis. ✓Dhaga yaraha wuxuu dawo u yahay sanboorka iyo neefta (Asthma). ✓Waxaa jirta saliid laga sameeyey dhagayaha oo maqaarka la marsado waxaa la ogaaday saliidaas      in ay disho caabuqa fuguska keena ee ku dhaca jirka. ✓Dhaga yaraha wuxuu kor u qadaa dheefshiidka caloosha iyo in durba la bur buriyo cunooyinka. Dhagayaraha ma ahan geed saqiran waxaa la soo isticmaalayey kumaan sano kuwaaas oo lagu daweynayey xanuuno kala gaddisan oo ay ka mid yihin kancerka iyo...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?