Skip to main content

Daacadnimada waxaa lagu helaa wax wayn oodan filan karin

 Waa hore, waxaa jiray nin qoryoolay ah oo sabool ahaa, aan haysan wax uu caruurtiisa ku quudiyo. Wuxuu lahaa gabadh dhalinyaro' ah oo qurux badan iyo  afar wiilal ah, iyo hooyadiis oo da’ ah oo la joogtay. 

Maalin kasta, qoryolaygu iyo xaaskiisa way wada  fadhiisan jireen iyagoo aad u murugaysan, maadaama aysan awoodin inay ilmahooda quudiyaan.



Qoryalaygu wuxuu ahaa nin qalbi naxariis badan leh oo aad u jeclaa shimbiraha, xayawaanka, iyo dhirta, xataa markii uu u baxo kaynta si uu qoryo uga soo jar-jarto, waxaa ku adkaata inuu dhirta gooyo, qalbigiisuna wuu ka diidijiray 

Maalin Maalmaha Ka Mid Ah


Maalin maalmaha ka mid ah, qoryalayga wuxuu u baxay kaynta isagoo sita faaskiisa, wuxuu ku  ducaysanayey inuu Allaah siiyo rizqi uu ilmaha ku quudiyo. Caruurtiisa ayaa iyagoo dhoolla caddaynaya ku macasalaameeyay, iyagoo dalbanaya cunto iyo dhar. Wuxuu u gacan haatiyay ilaa uu ka libdhay indhahooda.


Markii uu kaynta dhex socday, wuxuu ag maray geed waayeel ah oo weyn. Wuxuu bilaabay inuu faaska ku dhufto laakiin waxay u muuqatay in geedku 

ooyayo oo ku baryayo inuu ka daayo. Wuxuu isla markiiba ka tagay geedka, wuuna fadhiistay agagaarka geedka isagoo murugo ka muuqato, sababtoo ah qalbigiisa ma ogolaanayo inuu geedka jebiyo.


Intuu geedka hoostiisa ku fadhiyay oo welwelku aad ugu batay, wuxuu naftiisa kula hadlay:

"Waan ku liitaa inaan caruurtayda quudiyo, waxaana ka fiican inaan ka tago si aanan qalbi jab ugu noqonin markaan arko iyagoo gaajeysan."


Intii uu fadhiyay, wuxuu arkay shinbir geedkan agtiisa ka tegay si uu cunto u raadiyo. Wuu u dhuuntay si uu u daawado, wuxuuna arkay shimbirtii oo dhulka qodayso iyadoo aad u dadaaleysa. Markii ay waxba ka waayeen meesha ay qodayeen, waxay u guureen meel kale iyagoo aan quusan, ilaa ay ugu dambeyn heleen xoogaa rooti ah oo dhulka yaalay. Wuxuu arkay shinbirtii oo rootiga qaaday oo u qaaday shimbirihii yaryaraa ee afka furaa gaajada  haysa owgeed


Muuqaalku wuxuu ahaa mid cajiib ah oo soo jiidasho leh.


Naxariista Qoryalayga


Qoryalayga ayaa aad uga xishooday naftiisa, wuxuuna ku kalsoonaaday in Allaah risqiga bixiyo. Wuxuu bilaabay inuu iska cafiyo murugadii hore, isagoo ku duceysanaya Allaah inuu u naxariisto. Markii uu ka kacay fadhigiisii, wuxuu arkay wax dhalaalaya oo geedka waayeelka hoostiisa yaal. Wuxuu u leexday dhinacii oo qaaday, wuxuuna helay silsilad ka samaysan yaqiin qaali ah oo magac qof lagu xardhay.


Silsiladda waxay ka mid ahayd alaabta uu lahaa amiir hodan ah oo degganaa agagaarka, 

kaasoo qoryoolayga uu mar kasta  ag maraayay. In kasta oo uu qiyaasayay waxa qasriga gudihiisa yaal, haddana ma uusan ku fikirin inuu galo qasriga.


Markii uu gurigiisii ku soo noqday, wuxuu bilaabay inuu ka fikiro silsiladda. Wuxuu is yiri:

"Tani waa rizq Alle ii keenay; waan iibinayaa si aan lacag badan ugu helo oo aan ilmahayga ku quudiyo."

Si kastaba ha ahaatee, fikraddan kuma sii joogin muddo dheer. Markii uu carruurtiisa fiiriyey, wuxuu ka cabsaday inay ku koraan rizq aan xalaal ahayn.


Wuxuu silsiladdii  ku riday  jeebka oo aaday qasrigii amiirka. Markii uu amiirkii arkay isagoo cabsi ku jirto , ayuu weydiiyay:

"Maxaad rabtaa, ninka saboolka ahow? 

Ma tuug baad tahay?"


Qoryalayga ayaa ugu jawaabay:

"Maya, sayidkaygiiyow. Waxaan helay silsiladdan oo waxaan ogaaday inay adiga aad  leedahay, sidaas darteed waxaan u imid inaan kuu celiyo."


Amiirka ayaa fiiriyay dharka duugoobay ee qoryalayga, isagoo yaabban, wuxuuna yiri:

"Tani waa silsilad qaali ah oo aan ka dhaxlay hooyaday; waxay ii leedahay qiimo aad u weyn. Waxaad qaadan kartay, laakiin waxaad tahay nin daacad ah. Waxaadna leedahay abaalgud"


Amiirkii ayaa u yeeray ilaaladiisii oo amar ku siiyay inay hor dhigaan sanduuq dahab iyo jawharad ah.


Laakiin qoryalayga ayaa yiri:

"Sayidkaygiiyow, waxaan ahay nin sabool ah oo aan awoodin  inuu carruurtiisa quudiyo. Ma doonayo lacag abaal-marina ah daacadnimadayda darteed. Haddii aad ii heli karto shaqo, waxaan ahaan doonaa mid kuu abaal haya weligiis."


Amiirkii ayaa qoslay oo yiri:

"Waxan kuu magacaabay shaqo; 

waxaad noqon doontaa ilaaliyaha faraska qasrigayga. Waxa uuna  ubaahan yahay  nin sidaada oo kale daacad ah."


Amiirka ayaa intaa kaddib guursaday gabadhii qoryalayga, waxaana qoryalayga iyo qoyskiisa u bilaabatay nolol raaxo leh oo farxad leh. Mar kasta oo uu ag maro geedkii waayeelka ahaa, wuxuu moodi jiray inay uu qoslayso oo ku oranayo:

"Waxaan kuu abaalmarinay sidii aad iigu naxariisatay."

Osman 

Popular posts from this blog

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...

Siyaasi arxanlaawe ah ganacsato bilaa damiira iyo qaaqlayaal diibed jooga waa sadexda soomalidu ka degi wayday

  Siyaasi dhimashada neceb, ganacsade arxanlaawe ah ,qaaqle ka macaysha qayla dhaanta waa sadexda soomalida kadegi wayday welina sirtooda lama gaarin 1.siyaasiga dhimashada neceb Siyaasiyiinta soomalida horbooda waxay huriyaan dagaalada kadhaca gudaha soomaaliya iyagu matagaan goobaha dagaalka iyo meelaha dhimashada ama dagaaladu toos uga socdaan waxay isku dilaan dhalinyaro aan aqoon lahayn oo ay uga faa'idaystaan duruufo kala duwan oo  markaa jira sida qabyaalada iyo balwada oo ah tan ugu wayn oo dagaalada lagu huriyo Siyaasiga arxanka daran waxaa howsha laqabta oo kala macaysha ahna  gacanta   aan qarsoonayn ganacsato  iagauna dhiig miirato  kale'ah iyo qaaqlayaal lacagta halkaa kasameeya oo akoona kabuuxsada Majiro siyaasi caruurtiisa geeya goobaha dagaalka oo ay askar yihiin taa badalkeeda dalkaba majoogaan oo waxayba ka fogeeyan colaadaha waxayna  gaystaan wadamada nabadaa waxayna kunoolyihiin nolol raaxo badan iyo waxbarsho Siyaasiga...