Waa hore, waxaa jiray nin qoryoolay ah oo sabool ahaa, aan haysan wax uu caruurtiisa ku quudiyo. Wuxuu lahaa gabadh dhalinyaro' ah oo qurux badan iyo afar wiilal ah, iyo hooyadiis oo da’ ah oo la joogtay.
Maalin kasta, qoryolaygu iyo xaaskiisa way wada fadhiisan jireen iyagoo aad u murugaysan, maadaama aysan awoodin inay ilmahooda quudiyaan.
Qoryalaygu wuxuu ahaa nin qalbi naxariis badan leh oo aad u jeclaa shimbiraha, xayawaanka, iyo dhirta, xataa markii uu u baxo kaynta si uu qoryo uga soo jar-jarto, waxaa ku adkaata inuu dhirta gooyo, qalbigiisuna wuu ka diidijiray
Maalin Maalmaha Ka Mid Ah
Maalin maalmaha ka mid ah, qoryalayga wuxuu u baxay kaynta isagoo sita faaskiisa, wuxuu ku ducaysanayey inuu Allaah siiyo rizqi uu ilmaha ku quudiyo. Caruurtiisa ayaa iyagoo dhoolla caddaynaya ku macasalaameeyay, iyagoo dalbanaya cunto iyo dhar. Wuxuu u gacan haatiyay ilaa uu ka libdhay indhahooda.
Markii uu kaynta dhex socday, wuxuu ag maray geed waayeel ah oo weyn. Wuxuu bilaabay inuu faaska ku dhufto laakiin waxay u muuqatay in geedku
ooyayo oo ku baryayo inuu ka daayo. Wuxuu isla markiiba ka tagay geedka, wuuna fadhiistay agagaarka geedka isagoo murugo ka muuqato, sababtoo ah qalbigiisa ma ogolaanayo inuu geedka jebiyo.
Intuu geedka hoostiisa ku fadhiyay oo welwelku aad ugu batay, wuxuu naftiisa kula hadlay:
"Waan ku liitaa inaan caruurtayda quudiyo, waxaana ka fiican inaan ka tago si aanan qalbi jab ugu noqonin markaan arko iyagoo gaajeysan."
Intii uu fadhiyay, wuxuu arkay shinbir geedkan agtiisa ka tegay si uu cunto u raadiyo. Wuu u dhuuntay si uu u daawado, wuxuuna arkay shimbirtii oo dhulka qodayso iyadoo aad u dadaaleysa. Markii ay waxba ka waayeen meesha ay qodayeen, waxay u guureen meel kale iyagoo aan quusan, ilaa ay ugu dambeyn heleen xoogaa rooti ah oo dhulka yaalay. Wuxuu arkay shinbirtii oo rootiga qaaday oo u qaaday shimbirihii yaryaraa ee afka furaa gaajada haysa owgeed
Muuqaalku wuxuu ahaa mid cajiib ah oo soo jiidasho leh.
Naxariista Qoryalayga
Qoryalayga ayaa aad uga xishooday naftiisa, wuxuuna ku kalsoonaaday in Allaah risqiga bixiyo. Wuxuu bilaabay inuu iska cafiyo murugadii hore, isagoo ku duceysanaya Allaah inuu u naxariisto. Markii uu ka kacay fadhigiisii, wuxuu arkay wax dhalaalaya oo geedka waayeelka hoostiisa yaal. Wuxuu u leexday dhinacii oo qaaday, wuxuuna helay silsilad ka samaysan yaqiin qaali ah oo magac qof lagu xardhay.
Silsiladda waxay ka mid ahayd alaabta uu lahaa amiir hodan ah oo degganaa agagaarka,
kaasoo qoryoolayga uu mar kasta ag maraayay. In kasta oo uu qiyaasayay waxa qasriga gudihiisa yaal, haddana ma uusan ku fikirin inuu galo qasriga.
Markii uu gurigiisii ku soo noqday, wuxuu bilaabay inuu ka fikiro silsiladda. Wuxuu is yiri:
"Tani waa rizq Alle ii keenay; waan iibinayaa si aan lacag badan ugu helo oo aan ilmahayga ku quudiyo."
Si kastaba ha ahaatee, fikraddan kuma sii joogin muddo dheer. Markii uu carruurtiisa fiiriyey, wuxuu ka cabsaday inay ku koraan rizq aan xalaal ahayn.
Wuxuu silsiladdii ku riday jeebka oo aaday qasrigii amiirka. Markii uu amiirkii arkay isagoo cabsi ku jirto , ayuu weydiiyay:
"Maxaad rabtaa, ninka saboolka ahow?
Ma tuug baad tahay?"
Qoryalayga ayaa ugu jawaabay:
"Maya, sayidkaygiiyow. Waxaan helay silsiladdan oo waxaan ogaaday inay adiga aad leedahay, sidaas darteed waxaan u imid inaan kuu celiyo."
Amiirka ayaa fiiriyay dharka duugoobay ee qoryalayga, isagoo yaabban, wuxuuna yiri:
"Tani waa silsilad qaali ah oo aan ka dhaxlay hooyaday; waxay ii leedahay qiimo aad u weyn. Waxaad qaadan kartay, laakiin waxaad tahay nin daacad ah. Waxaadna leedahay abaalgud"
Amiirkii ayaa u yeeray ilaaladiisii oo amar ku siiyay inay hor dhigaan sanduuq dahab iyo jawharad ah.
Laakiin qoryalayga ayaa yiri:
"Sayidkaygiiyow, waxaan ahay nin sabool ah oo aan awoodin inuu carruurtiisa quudiyo. Ma doonayo lacag abaal-marina ah daacadnimadayda darteed. Haddii aad ii heli karto shaqo, waxaan ahaan doonaa mid kuu abaal haya weligiis."
Amiirkii ayaa qoslay oo yiri:
"Waxan kuu magacaabay shaqo;
waxaad noqon doontaa ilaaliyaha faraska qasrigayga. Waxa uuna ubaahan yahay nin sidaada oo kale daacad ah."
Amiirka ayaa intaa kaddib guursaday gabadhii qoryalayga, waxaana qoryalayga iyo qoyskiisa u bilaabatay nolol raaxo leh oo farxad leh. Mar kasta oo uu ag maro geedkii waayeelka ahaa, wuxuu moodi jiray inay uu qoslayso oo ku oranayo:
"Waxaan kuu abaalmarinay sidii aad iigu naxariisatay."
Osman