Skip to main content

America oo diyaarado loogasoo riday yamen

 72 saac ee la soo dhaafay, kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku soo riday labo diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn Mareykanka ee MQ-9 Reaper iyo isku darka tan iyo Mareykanka inta uu billaabay howlgalkiisa badda cas 9 diyaaradood oo noocan ah oo qiimo ahaan ku fadhiya $30 illaa $32 milyan mid kasta oo ka mid ah. Waxaa loo arkaa fashil iyo fadeexad ay diyaaradan la kulmeyso , maaddama uu Mareykanka usoo bandhigay diyaarad la isku haleyn karo oo awood u leh inay iska caabiso xaaladaha ay wajahdo, waxayna si joogta ah iyadoo meel fog laga hagayo awood u leh inay howlgal fuliso 24 saac oo xiriir ah. 



Waa koror aad u sarreeya iyo awood waxtar leh iska caabinta Xuutiyiinta, taa oo tilmaam ka bixinaysa sida ay awood ahaan isku hormariyeen Xuutiyiinta, iyadoo dhinaca Lubnaan ay hadda ku dhibtoonayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ee kala ah Heron TP, Hermes oo ay ku tirnaayeen howlgallada ciidanka Israa’iil. Hadda dunidda lama filayo iska horimaadyo dhulka ah oo lagu dagaallamo, taa beddelkeeda ku tirsanaanta weerarrada hawada ayaa mudnaan leh. 


Fiiro gaar ah;


Diyaarada MQ-9 Reaper dilalkii ugu caansanaa ee ay fulisay , waxaa ku jira Qaasim Suleimani , oo ahaa taliyihii ugu awoodda badnaa militariga Iran. Wuxuu madax ka ahaa ciidamada Quds ee ugu sarreeya Ilaalada Kacaanka Iran. Waxaa lagu dilay garoonka diyaaradaha ee Baqdaad bishii Janaayo  sannadkii 2020 weerar uu amray Donald Trump.

Popular posts from this blog

FAAIIDADA DHEGAYARAHA

 FAAIIDDOOYINKA LAGA HELO DHAGAYARAHA/Syzygium Aromaticum Dhagayaraha waxa laga isticmalaa guri kasta oo soomaali leedahay iyagoo ku darsada shaaha,caanaha,xalwada,cunada iyo maraqa iwm. Dhagayaraha waxaa ka buuxa madooyin faaiido u leh jirka waxaana ka mid ah calcium,vitamins A,C,iron, potassium, sodium iyo protein. Maxaa lagu daweeyn karaa dhagayaha ✓Waa xanuun baabiye. ✓Waxaa lagu daweyaa dadka qaba romatisamka. ✓Dhaga yaraha waxaa lagu daweyaa cirid xanuunka ama qofka ilkaha dhiiga oo keena caabuqa gingivitis. ✓Dhaga yaraha wuxuu dawo u yahay sanboorka iyo neefta (Asthma). ✓Waxaa jirta saliid laga sameeyey dhagayaha oo maqaarka la marsado waxaa la ogaaday saliidaas      in ay disho caabuqa fuguska keena ee ku dhaca jirka. ✓Dhaga yaraha wuxuu kor u qadaa dheefshiidka caloosha iyo in durba la bur buriyo cunooyinka. Dhagayaraha ma ahan geed saqiran waxaa la soo isticmaalayey kumaan sano kuwaaas oo lagu daweynayey xanuuno kala gaddisan oo ay ka mid yihin kancerka iyo...

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...