72 saac ee la soo dhaafay, kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku soo riday labo diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn Mareykanka ee MQ-9 Reaper iyo isku darka tan iyo Mareykanka inta uu billaabay howlgalkiisa badda cas 9 diyaaradood oo noocan ah oo qiimo ahaan ku fadhiya $30 illaa $32 milyan mid kasta oo ka mid ah. Waxaa loo arkaa fashil iyo fadeexad ay diyaaradan la kulmeyso , maaddama uu Mareykanka usoo bandhigay diyaarad la isku haleyn karo oo awood u leh inay iska caabiso xaaladaha ay wajahdo, waxayna si joogta ah iyadoo meel fog laga hagayo awood u leh inay howlgal fuliso 24 saac oo xiriir ah.
Waa koror aad u sarreeya iyo awood waxtar leh iska caabinta Xuutiyiinta, taa oo tilmaam ka bixinaysa sida ay awood ahaan isku hormariyeen Xuutiyiinta, iyadoo dhinaca Lubnaan ay hadda ku dhibtoonayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ee kala ah Heron TP, Hermes oo ay ku tirnaayeen howlgallada ciidanka Israa’iil. Hadda dunidda lama filayo iska horimaadyo dhulka ah oo lagu dagaallamo, taa beddelkeeda ku tirsanaanta weerarrada hawada ayaa mudnaan leh.
Fiiro gaar ah;
Diyaarada MQ-9 Reaper dilalkii ugu caansanaa ee ay fulisay , waxaa ku jira Qaasim Suleimani , oo ahaa taliyihii ugu awoodda badnaa militariga Iran. Wuxuu madax ka ahaa ciidamada Quds ee ugu sarreeya Ilaalada Kacaanka Iran. Waxaa lagu dilay garoonka diyaaradaha ee Baqdaad bishii Janaayo sannadkii 2020 weerar uu amray Donald Trump.