Skip to main content

DOQONKII DAMEERKIISA LAGA KHAYAAMAYSTAY

 Beri ayaa nin doqon ahaa oo dameer uu ku xamaasho watay ay laba tuug oo ku ogaa doqonnimadu u heshiiyeen sidii ay dameerka uga qaadi lahaayeen.



 




Mid ka mid ah Labadii tuug ayaa inta uu si sanqar la’aan ah ugu soo dhuuntay ninkii doqonka ahaa oo hogaaminaya dameerkiisii xagga horana eegaya, inta uu hoggaankii ka furay uu isagu qoorta gashaday dameerkiina tuugii kale yiri kaxee. 


Markii uu tuugii qiyaasay in saaxiibkii la tegey dameerkii ayuu mar keliya istaagey diidayna hoggaankii. Markii uu ninkii doqonka ahaa dib u soo eegay waxa uu arkay in waxa uu hoggaaminayaa uu yahay nin.


Ninkii doqonka ahaa oo aad u naxsan ayaa inta uu ku soo noqday ninkii uu hogaaminayey ku yiri, “Waar maxaad ahayd?” Ninki tuugga ahaa ayaa yiri,“Waxa aan ahaa nin hooyadii caasiyi jiray,kadib inkaar hooyaday igaga dhacday ayaa ii beddeshay Dameer, muddo ayaan dameer ahaa, adna adiga oo aan ogeyn in aan ahay nin habaar hooyadii kaga dhacay dameer ka dhigay igu shaqaysanaysay, 


Iminka ayaa ay hooyadey iga raali noqotay, oo ay dib igu ducaysay, waana loo aqbalay oo waa anigaa ku soo noqday bani’aadamnimadii


Ninkii doqonka ahaa inta uu argagaxay ayaa uu hoggaankii ka furay kuna yiri,“Waar, bal orod iska tag” 


kadib isaga oo aad u naxsan ayaa uu u tegey xaaskiisii oo uu uga waramay sheekadan ku dhacday.

Waxa aanu ugu calaacalay in uu aad uga warwarsan yahay sida looga toobbad aqbali doono, maadaama uu waxa ay ku shaqaysanayeen ee muddada dheer ay rarayeen uu aadame ahaa. “Tol’oow, maxaa kaffaara gud inoogu waajibaya” ayaa uu yiri.


Gabadhii oo hoos u ogeyd odaygeeda xaalkiisa, ayaa markiiba dareentay in la khiyaameeyey, iyada oo caraysan ayay ku tiri, “Waar, wax kasta oo aad aragto ama maqasho miyaa aad rumaysanaysaa”


Markii uu ninkii maalmo bilaa camal ahaa ayaa ay xaaskiisii ku tiri, “Orod inoo soo iibi dameer aad ku xoogsato,” Ninkii doqonka ahaa ayaa yimi Sayladdii markaasuu arkay dameerkiisii oo la soo iib geeyay, dameerkiina markii uu arkayba waa uu gartay una ciyey 


inta uu doqonkii u soo dhowaaday dameerkii, oo afka dhegta u saaray, ayuu ku yrii, “Waar ma Caasiniimadii aad hooyadda kula kacday ayaad ku noqotay,wallee adiga kuma iibsado”

Popular posts from this blog

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...

Sirta cimri dherarku waa haweenka

Miyaad Haysaa Dawo Cimriga Dheeraysa? Waxaa la sheegay in uu jiray Amiir ka talin jiray dhul wayn oo ay hoos yimaadaan magaalooyin iyo tuulooyin badan. Amiirkaasi waxa uu ku riyoon jiray in uu da'yar ahaado weligiis oo uusan gaboobin  weligiis   Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu ku amray nin xikmad badan oo ku jiray wasiiradiisa  in uu u keeno daawo cimriga dheeraysa. Waxa uu ballan qaaday in haddii uu arrintaas u hirgeliyo, uu siin doono abaalgud kasta oo uu codsado. Haddaba, ninka xikmadda leh ayaa u baxay in uu raadsho dawo noocaas ah. Waxa uu tagay magaalooyin iyo tuulooyin badan, isaga oo waydiinaya haddii ay jiraan dawo ama cunto cimriga dheeraysa. Ugu dambayn, waxa uu maray tuulo, halkaas oo ay dadka tuulada kula taliyeen in uu tago buuro sare oo ay ku noolaayeen labo walaalo ah. Markii uu gaadhay meeshaas, waxa uu arkay laba guri oo isku dhow. Guriga hore waxa deggenaa nin da'weyn, gurigiisuna waa uu burbursanaa, agagaarkiisana waxa ka muuqday fawdo iyo wax ...