Skip to main content

DOQONKII DAMEERKIISA LAGA KHAYAAMAYSTAY

 Beri ayaa nin doqon ahaa oo dameer uu ku xamaasho watay ay laba tuug oo ku ogaa doqonnimadu u heshiiyeen sidii ay dameerka uga qaadi lahaayeen.



 




Mid ka mid ah Labadii tuug ayaa inta uu si sanqar la’aan ah ugu soo dhuuntay ninkii doqonka ahaa oo hogaaminaya dameerkiisii xagga horana eegaya, inta uu hoggaankii ka furay uu isagu qoorta gashaday dameerkiina tuugii kale yiri kaxee. 


Markii uu tuugii qiyaasay in saaxiibkii la tegey dameerkii ayuu mar keliya istaagey diidayna hoggaankii. Markii uu ninkii doqonka ahaa dib u soo eegay waxa uu arkay in waxa uu hoggaaminayaa uu yahay nin.


Ninkii doqonka ahaa oo aad u naxsan ayaa inta uu ku soo noqday ninkii uu hogaaminayey ku yiri, “Waar maxaad ahayd?” Ninki tuugga ahaa ayaa yiri,“Waxa aan ahaa nin hooyadii caasiyi jiray,kadib inkaar hooyaday igaga dhacday ayaa ii beddeshay Dameer, muddo ayaan dameer ahaa, adna adiga oo aan ogeyn in aan ahay nin habaar hooyadii kaga dhacay dameer ka dhigay igu shaqaysanaysay, 


Iminka ayaa ay hooyadey iga raali noqotay, oo ay dib igu ducaysay, waana loo aqbalay oo waa anigaa ku soo noqday bani’aadamnimadii


Ninkii doqonka ahaa inta uu argagaxay ayaa uu hoggaankii ka furay kuna yiri,“Waar, bal orod iska tag” 


kadib isaga oo aad u naxsan ayaa uu u tegey xaaskiisii oo uu uga waramay sheekadan ku dhacday.

Waxa aanu ugu calaacalay in uu aad uga warwarsan yahay sida looga toobbad aqbali doono, maadaama uu waxa ay ku shaqaysanayeen ee muddada dheer ay rarayeen uu aadame ahaa. “Tol’oow, maxaa kaffaara gud inoogu waajibaya” ayaa uu yiri.


Gabadhii oo hoos u ogeyd odaygeeda xaalkiisa, ayaa markiiba dareentay in la khiyaameeyey, iyada oo caraysan ayay ku tiri, “Waar, wax kasta oo aad aragto ama maqasho miyaa aad rumaysanaysaa”


Markii uu ninkii maalmo bilaa camal ahaa ayaa ay xaaskiisii ku tiri, “Orod inoo soo iibi dameer aad ku xoogsato,” Ninkii doqonka ahaa ayaa yimi Sayladdii markaasuu arkay dameerkiisii oo la soo iib geeyay, dameerkiina markii uu arkayba waa uu gartay una ciyey 


inta uu doqonkii u soo dhowaaday dameerkii, oo afka dhegta u saaray, ayuu ku yrii, “Waar ma Caasiniimadii aad hooyadda kula kacday ayaad ku noqotay,wallee adiga kuma iibsado”

Popular posts from this blog

FAAIIDADA DHEGAYARAHA

 FAAIIDDOOYINKA LAGA HELO DHAGAYARAHA/Syzygium Aromaticum Dhagayaraha waxa laga isticmalaa guri kasta oo soomaali leedahay iyagoo ku darsada shaaha,caanaha,xalwada,cunada iyo maraqa iwm. Dhagayaraha waxaa ka buuxa madooyin faaiido u leh jirka waxaana ka mid ah calcium,vitamins A,C,iron, potassium, sodium iyo protein. Maxaa lagu daweeyn karaa dhagayaha ✓Waa xanuun baabiye. ✓Waxaa lagu daweyaa dadka qaba romatisamka. ✓Dhaga yaraha waxaa lagu daweyaa cirid xanuunka ama qofka ilkaha dhiiga oo keena caabuqa gingivitis. ✓Dhaga yaraha wuxuu dawo u yahay sanboorka iyo neefta (Asthma). ✓Waxaa jirta saliid laga sameeyey dhagayaha oo maqaarka la marsado waxaa la ogaaday saliidaas      in ay disho caabuqa fuguska keena ee ku dhaca jirka. ✓Dhaga yaraha wuxuu kor u qadaa dheefshiidka caloosha iyo in durba la bur buriyo cunooyinka. Dhagayaraha ma ahan geed saqiran waxaa la soo isticmaalayey kumaan sano kuwaaas oo lagu daweynayey xanuuno kala gaddisan oo ay ka mid yihin kancerka iyo...

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...