Skip to main content

Mucjisada Caafimaadka

 



Boqorrada ayaa isticmaalayay boqolaal sano ka hor sababtoo ah faa'iidooyinkeeda yaabka leh ee cajiibka ah...


Qalabka:


6 xabbo oo liin ah


30 xabbo oo toon ah



Sida loo diyaariyo:


1. Liinta iyo toonta jar oo dhig biyo karkaraya.



2. Dab yar saar muddo 5 daqiiqo ah.



3. Marka uu qaboojiyo, ku shub weel galaas ah kuna kaydi qaboojiyaha.



4. Cun hal qaaddo weyn maalin kasta calool madhan.


Faa’iidooyinka Liinta iyo Toonta


Isku-dhafkaan ayaa wax ka taraya cudurro kala duwan oo ay ka mid yihiin:


1. Ka ilaalinta  jirka noocyada kansarka. Ilaah hayna dhowro.



2. Ka saarida  balqanka afka waxayna u jilciyaan codka kuwa wax  akhrinaya 


3. Baabi’inta  dhammaan noocyada xasaasiyadda jirka.



4. Waa daawo waxtar leh oo ka hortagta curyaannimada ka dhalata xinjirowga dhiigga.



5.waxay  Kahor tagayaan caabuqa iyo xidhitaanka halbowlayaasha iyo cadaadiska dhiigga sare.


6.waxay  Hoos u digaan  cholesterol iyo dufanka jirka.


7. Ka caawinta jira inay gubto dufanka aan caafimaadka lahayn ee jirka.


8. Caawinta  miisaanka jirka inuu yaraado.


9. Nidaaminta  sonkorta dhiigga oo cusboonaysii qanjidhka insulin-ka.


10. Kala jebinta dhagxaanta kelyaha iyo kaadiheysta.


11. Ka hortaga bararka jirka oo dila burooyinka.


12. Dilida bakteeriyada boogta caloosha iyo boogaha ku jira caloosha.


13. Ka hortag dhammaan caabuqyada loo yaqaan roomatiisamka waxayna yareeyaan xanuunka.



14. Kahor tag calcification-ka lafaha iyo caabuqa kala-goysyada.




Talo muhiim ah:

Haddii aad ka baqayso dhadhanka daran, ku dar biyo yar iyo malab haddii aad qabtid boog caloosha ama xanuun. Waxaad dareemi doontaa saameynta faa’iidada leh, Insha Allah.


Mahadsanid

Qor: somalikaab


Popular posts from this blog

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...

Siyaasi arxanlaawe ah ganacsato bilaa damiira iyo qaaqlayaal diibed jooga waa sadexda soomalidu ka degi wayday

  Siyaasi dhimashada neceb, ganacsade arxanlaawe ah ,qaaqle ka macaysha qayla dhaanta waa sadexda soomalida kadegi wayday welina sirtooda lama gaarin 1.siyaasiga dhimashada neceb Siyaasiyiinta soomalida horbooda waxay huriyaan dagaalada kadhaca gudaha soomaaliya iyagu matagaan goobaha dagaalka iyo meelaha dhimashada ama dagaaladu toos uga socdaan waxay isku dilaan dhalinyaro aan aqoon lahayn oo ay uga faa'idaystaan duruufo kala duwan oo  markaa jira sida qabyaalada iyo balwada oo ah tan ugu wayn oo dagaalada lagu huriyo Siyaasiga arxanka daran waxaa howsha laqabta oo kala macaysha ahna  gacanta   aan qarsoonayn ganacsato  iagauna dhiig miirato  kale'ah iyo qaaqlayaal lacagta halkaa kasameeya oo akoona kabuuxsada Majiro siyaasi caruurtiisa geeya goobaha dagaalka oo ay askar yihiin taa badalkeeda dalkaba majoogaan oo waxayba ka fogeeyan colaadaha waxayna  gaystaan wadamada nabadaa waxayna kunoolyihiin nolol raaxo badan iyo waxbarsho Siyaasiga...