Skip to main content

Wiilkii caqli badnidiisii owgeed loo bixiyay dawaco



Wiil 19 jir ah ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyey inuu jabsaday nidaamyada amniga qaranka isla markaana uu xaday sir badan oo dowladda ah. Wiilkaasi waxaa loogu yeeraa "Dawaco" maadaama uu aad u caqli badan yahay.


Aabbihiis, oo ah nin waayeel ah oo kaligiis la nool, ayaa doonayey inuu barxadda gurigiisa ka beero baradho, balse awood uma lahayn sababtoo ah cimrigiisa oo weyn awgeed. Wuxuu u qoray wiilkiisa warqad isagoo leh:


"Wiilkaygii qaaliga ahaayow, waxaan jeclaan lahaa inaad ila joogto si aad iiga caawiso qodidda barxadda guriga, waayo cid ii caawisaa ma hayo."


Maalmo kadib, aabbaha wuxuu helay warqad wiilkiisa uga timid oo u qoransidan:


"Aabahayga qaaliga ahow, fadlan ka digtoonow inaad qoddo barxadda, waayo waxaan halkaas ku qariyey wax aad muhiim u ah. Marka aan xabsiga ka soo baxo ayaan kuu sheegi doonaa wixii halkaas yaallay."


Saacado kadib, ciidamo badan oo ka socda hay'adaha amniga ayaa yimid guriga aabbaha waxayna si xeel dheer u qodeen barxadda guriga, laakiin waxba kama helin, dabadeedna way ka tageen.


Maalintii xigtay, aabbaha wuxuu helay warqad kale oo wiilkiisa uga timid oo leh:


"Aabahayga  qaaliga ahow,waxaan  rajaynayaa in dhulkii si wanaagsan loo qoday, 

waana intii aan kaa caawin kari lahaa. Haddii aad u baahan tahay wax kale, ii soo sheeg."

Sheekadan waxaa laga dheehan karaa xikmada iyo caqli badnida wiilkaa yar oo aabihii ku caawiyay xeelad layableh.


Popular posts from this blog

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...

Sirta cimri dherarku waa haweenka

Miyaad Haysaa Dawo Cimriga Dheeraysa? Waxaa la sheegay in uu jiray Amiir ka talin jiray dhul wayn oo ay hoos yimaadaan magaalooyin iyo tuulooyin badan. Amiirkaasi waxa uu ku riyoon jiray in uu da'yar ahaado weligiis oo uusan gaboobin  weligiis   Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu ku amray nin xikmad badan oo ku jiray wasiiradiisa  in uu u keeno daawo cimriga dheeraysa. Waxa uu ballan qaaday in haddii uu arrintaas u hirgeliyo, uu siin doono abaalgud kasta oo uu codsado. Haddaba, ninka xikmadda leh ayaa u baxay in uu raadsho dawo noocaas ah. Waxa uu tagay magaalooyin iyo tuulooyin badan, isaga oo waydiinaya haddii ay jiraan dawo ama cunto cimriga dheeraysa. Ugu dambayn, waxa uu maray tuulo, halkaas oo ay dadka tuulada kula taliyeen in uu tago buuro sare oo ay ku noolaayeen labo walaalo ah. Markii uu gaadhay meeshaas, waxa uu arkay laba guri oo isku dhow. Guriga hore waxa deggenaa nin da'weyn, gurigiisuna waa uu burbursanaa, agagaarkiisana waxa ka muuqday fawdo iyo wax ...