Skip to main content

Wiilkii caqli badnidiisii owgeed loo bixiyay dawaco



Wiil 19 jir ah ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeeyey inuu jabsaday nidaamyada amniga qaranka isla markaana uu xaday sir badan oo dowladda ah. Wiilkaasi waxaa loogu yeeraa "Dawaco" maadaama uu aad u caqli badan yahay.


Aabbihiis, oo ah nin waayeel ah oo kaligiis la nool, ayaa doonayey inuu barxadda gurigiisa ka beero baradho, balse awood uma lahayn sababtoo ah cimrigiisa oo weyn awgeed. Wuxuu u qoray wiilkiisa warqad isagoo leh:


"Wiilkaygii qaaliga ahaayow, waxaan jeclaan lahaa inaad ila joogto si aad iiga caawiso qodidda barxadda guriga, waayo cid ii caawisaa ma hayo."


Maalmo kadib, aabbaha wuxuu helay warqad wiilkiisa uga timid oo u qoransidan:


"Aabahayga qaaliga ahow, fadlan ka digtoonow inaad qoddo barxadda, waayo waxaan halkaas ku qariyey wax aad muhiim u ah. Marka aan xabsiga ka soo baxo ayaan kuu sheegi doonaa wixii halkaas yaallay."


Saacado kadib, ciidamo badan oo ka socda hay'adaha amniga ayaa yimid guriga aabbaha waxayna si xeel dheer u qodeen barxadda guriga, laakiin waxba kama helin, dabadeedna way ka tageen.


Maalintii xigtay, aabbaha wuxuu helay warqad kale oo wiilkiisa uga timid oo leh:


"Aabahayga  qaaliga ahow,waxaan  rajaynayaa in dhulkii si wanaagsan loo qoday, 

waana intii aan kaa caawin kari lahaa. Haddii aad u baahan tahay wax kale, ii soo sheeg."

Sheekadan waxaa laga dheehan karaa xikmada iyo caqli badnida wiilkaa yar oo aabihii ku caawiyay xeelad layableh.


Popular posts from this blog

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...

Siyaasi arxanlaawe ah ganacsato bilaa damiira iyo qaaqlayaal diibed jooga waa sadexda soomalidu ka degi wayday

  Siyaasi dhimashada neceb, ganacsade arxanlaawe ah ,qaaqle ka macaysha qayla dhaanta waa sadexda soomalida kadegi wayday welina sirtooda lama gaarin 1.siyaasiga dhimashada neceb Siyaasiyiinta soomalida horbooda waxay huriyaan dagaalada kadhaca gudaha soomaaliya iyagu matagaan goobaha dagaalka iyo meelaha dhimashada ama dagaaladu toos uga socdaan waxay isku dilaan dhalinyaro aan aqoon lahayn oo ay uga faa'idaystaan duruufo kala duwan oo  markaa jira sida qabyaalada iyo balwada oo ah tan ugu wayn oo dagaalada lagu huriyo Siyaasiga arxanka daran waxaa howsha laqabta oo kala macaysha ahna  gacanta   aan qarsoonayn ganacsato  iagauna dhiig miirato  kale'ah iyo qaaqlayaal lacagta halkaa kasameeya oo akoona kabuuxsada Majiro siyaasi caruurtiisa geeya goobaha dagaalka oo ay askar yihiin taa badalkeeda dalkaba majoogaan oo waxayba ka fogeeyan colaadaha waxayna  gaystaan wadamada nabadaa waxayna kunoolyihiin nolol raaxo badan iyo waxbarsho Siyaasiga...