Skip to main content

HAWEENTADA CAYAAR CAAYAR HAKU FURIN

Nin Reer baadiyo ah Ayaa xaaskiisa u yimid wuxuuna ku dhahay waad iga furantahay ilaa in mudo ah ;ﺣﺘﻲ ﺣﻴﻦ

kadib ninkii waa uu ka shalaayay, waxa uuna doonay in uu ka noqdo, hasa ahaatee waxa uu Raadiyay Mudadaas u carabaabay inta ay tahay, 

wuxuu soo aaday Rasuulka scw wuxuuna rabay inuu waydiiyo: Goorma ayaan Xaaskeeyga ku noqon karaa? Hasa ahaatee Rasuulka scw wuu soo waayay xaafadiisa ma joogin waqtigaas.

kadib wuxuu soo aaday Abuu bakar Rc wuxuuna waydiiyay isla Su,ashii ahayd " ﺣﺘﻲ ﺍﻟﺤﻴﻦ " Tafsiirkeeda (macnaheeda) Abuu bakar Rc wuxuu ku Macneeyay: xaskaaga kuuma banaano ilaa Aad ka dhimaneeso, Yacnii waligaa kuma noqoneysid, wuu ka soo Tagay.

Hadana wuxu u yimid cumar bin khadaab Rc Hadana isla su,ashii ayuu waydiiyay cumar Rc wuxuu ku jawabay : waxay Xaraam kaatahay ilaa 40sano.

Hadana wuxuu u yimad cuthman bin cafaan Rc isla su'ashii ayuu waydiiyay, cuthmaan wuxuu ku jawaabay: waxay xaaraam kaatahay 1sano oo kaamil ah(12bil).

Hadana wuu ka so Tagay wuxuu u yimid Cali bin abii daalib isla su'ashii ayuu waydiiyay? wuxuuna ugu jawaabay: waxay xaaraam kaatahay 1 habeen.

Saxaabigii jawaabihii Tirada badnaa ayuu ku wareeray, Ra'yigee qadataa Tafsiirka kalmdii ahayd " ﺣﺘﻲ ﺣﻴﻦ "

kolkaaas buu usoo noqday Rasuulka scw Asoo bustihiisa ku hoos jira, waxa uuna u sheegay wixii dhacay iyo jawaabihii u soo helay.

Rasuulka scw wuxuu dhahay Fadhiiso, wuxuu u Yeeray 4tooda,(Abuubakr,cumar,cithman iyo cali)RC Markeey u yimaadeen Rasuulka scw,

Abuubkar ayuu Rasuulka ku dhahay: Abuu bakarow sababtee ayaad Ninkaan xaaskiisa Ugu xarimtay ilaa uu ka dhimanayo "Yacnii inuusan waligiis ku noqon karin?

Abuubakar: Rasuulka allow Ilaahay soo Qur'aanka kuma dhihin ( ﻓﻤﺘﻌﻨﺎﻫﻢ ﺣﺘﻰ ﺣﻴﻦ ) macnaha " ﺣﺘﻲ ﺣﻴﻦ " ee halkaan ku jirtana so maahan ilaa dhimshada" 

Rasuulka scw wuu amusay, wuxuuna dhahay adigana cumarow maxad ninkan xaaskisa ooga xarintay 40 sano.?

Cumar asna wuxuu dhahay: Rasuulka allow, Alle soo qur'aanka kuma dhihin bilaawga suuratul INSAAN ( ﻫﻞ ﺃﺗﻰ ﻋﻠﻰ ﺍﻹﻧﺴﺎﻥ ﺣﻴﻦ ﻣﻦ ﺍﻟﺪﻫﺮ ﻟﻢ ﻳﻜﻦ ﺷﺌﺎ ﻣﺬﻛﻮﺭﺍ ‏) " ﺣﻴﻦ " Halkaan macnaheeda waxaay ku tahay" in Nabi adam CS janada u ku Nagaaday 40sano Inta aanan Dhulka loo soo Dajin.

wuu amusay Rasuulka scw. Hadana wuxuu dhahay adigana Cithmaanow maxaad ugu xarimatay Ninkaas Xaaskiisa mudo sanad ah (12bil).

Cithaman bin cafaan ayaa yiri: Rasuulka allow, miyuusan Alle subxaannahu watacaala Qur'aanka ku dhihin  (ﺗﺆﺗﻰ ﺃُﻛﻠﻬﺎ كل حين)" ﻭﺣﻴﻦ " Halkaan waxay la macno tahay geedaha badankood waxay miro dhalaan sanad walba, 

wuu amusay Rasuulka scw. Hadana wuxuu dhahay adigana caliyow maxad ugu xarimtay Ninkaas Xaaskiisa mudo Habeen ah?

Cali ayaa yiri: Rasuulka allow miyuusan alle Qur'aanka ku dhihin: ( ﻓﺴﺒﺤﺎﻥ ﺍﻟﻠﻪ ﺣﻴﻦ ﺗﻤﺴﻮﻥ ﻭ ﺣﻴﻦ ﺗﺼﺒﺤون ‏)" ﻭﺣﻴﻦ " Halkaan waxay lamid tahay "Habeenkii"

Rasulka Scw wuu ku farxay Saxaabadiisa. Markaas Ayuu yiri "Saaxabbadayda waa sida xiddigihi oo kale mid kasta ood ku dayataan waad ku hanuuneysaan,"

Rasuulka scw wuxuu u ishaaray inuu qaato Fikirka cali Rc sababtoo ah isagaa kuu fudud ayuu ku yiri.!!

Hadaad ku raaxeysatay Akhrinteda ku sali xabiibka Scw

Popular posts from this blog

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...

FAAIIDADA DHEGAYARAHA

 FAAIIDDOOYINKA LAGA HELO DHAGAYARAHA/Syzygium Aromaticum Dhagayaraha waxa laga isticmalaa guri kasta oo soomaali leedahay iyagoo ku darsada shaaha,caanaha,xalwada,cunada iyo maraqa iwm. Dhagayaraha waxaa ka buuxa madooyin faaiido u leh jirka waxaana ka mid ah calcium,vitamins A,C,iron, potassium, sodium iyo protein. Maxaa lagu daweeyn karaa dhagayaha ✓Waa xanuun baabiye. ✓Waxaa lagu daweyaa dadka qaba romatisamka. ✓Dhaga yaraha waxaa lagu daweyaa cirid xanuunka ama qofka ilkaha dhiiga oo keena caabuqa gingivitis. ✓Dhaga yaraha wuxuu dawo u yahay sanboorka iyo neefta (Asthma). ✓Waxaa jirta saliid laga sameeyey dhagayaha oo maqaarka la marsado waxaa la ogaaday saliidaas      in ay disho caabuqa fuguska keena ee ku dhaca jirka. ✓Dhaga yaraha wuxuu kor u qadaa dheefshiidka caloosha iyo in durba la bur buriyo cunooyinka. Dhagayaraha ma ahan geed saqiran waxaa la soo isticmaalayey kumaan sano kuwaaas oo lagu daweynayey xanuuno kala gaddisan oo ay ka mid yihin kancerka iyo...