Skip to main content

Siyaasi arxanlaawe ah ganacsato bilaa damiira iyo qaaqlayaal diibed jooga waa sadexda soomalidu ka degi wayday

 


Siyaasi dhimashada neceb, ganacsade arxanlaawe ah ,qaaqle ka macaysha qayla dhaanta waa sadexda soomalida kadegi wayday welina sirtooda lama gaarin

1.siyaasiga dhimashada neceb

Siyaasiyiinta soomalida horbooda waxay huriyaan dagaalada kadhaca gudaha soomaaliya iyagu matagaan goobaha dagaalka iyo meelaha dhimashada ama dagaaladu toos uga socdaan

waxay isku dilaan dhalinyaro aan aqoon lahayn oo ay uga faa'idaystaan duruufo kala duwan oo  markaa jira sida qabyaalada iyo balwada oo ah tan ugu wayn oo dagaalada lagu huriyo

Siyaasiga arxanka daran waxaa howsha laqabta oo kala macaysha ahna  gacanta   aan qarsoonayn ganacsato  iagauna dhiig miirato  kale'ah iyo qaaqlayaal lacagta halkaa kasameeya oo akoona kabuuxsada

Majiro siyaasi caruurtiisa geeya goobaha dagaalka oo ay askar yihiin
taa badalkeeda dalkaba majoogaan oo waxayba ka fogeeyan colaadaha waxayna  gaystaan wadamada nabadaa waxayna kunoolyihiin nolol raaxo badan iyo waxbarsho

Siyaasiga arxanlaawahaa markuu xanuunsado waxaa lagusoo daweeya dibadaha iyo meelo caafimaadkoodo sareeyo oo dhakhtar wadan ma' amino

Kuwa dagaalada loo adeegsado  markay dhawaacmaan ma helaan caafimaad lama daryeelo maalintaasa ugu danbaysa kuwii dagaalka galiyay ee dabka ku shiday

Maalintay howlgabaan oo qoriga qaadiwaayan  rati garbo beelay oon cidina raran kama duwana

2.ganacsadaha arxankanadaran

Ganacsadaha arxanka darani waakan lacagaha  kubixiya dagaalada lagu hoobanayo waa kan soo gada rasaasta garaawida qorayaha lagu dagaalamayo iyo dhamaan agabka dagaalka.

waxana uu lacagta kasameeya dhiiga daadanaya oo hadaanu rasaasta iyo gawaarida iyo qoryaha keneen maxaa laysku dililahaa waa waxba marka waxa uu sii babiyaa fidanada iyo dagaalada

Gacansatada  waxaa ka shaqaysaa waxay kahelaan qabyaalada dowlad la'aanta bur burburka iyo barakaca xalad degen oo cashuur laga qaado iyo  wado sharciya wax lagu helaa  iyaga waa dhibtaa
markaa waxay maleegan markasta inaan xaaladuhu degin
Waxayna aaminsanyihiin hadii dhibtu dhamato in iyagana irsaqadoodi dhamatay oo wax wanagsan uma dhadhamaan

3.Qaaqlayaasha ama yuutuubarada

Qaaqlayaashu waa kuwa intaa ka qaylinaya sociala media aynu habeen iyo maalin daawano waa kuwa colaada huriya oo af ku dhiiglayaasha
waxay qaybta u wayn ka qaataan in qurbajoogta la marin habaabiyo ayna lacago soo diraan dagaalada lagu huriyo habeen iyo maalin waxay la qaylinayaan siday dagaalo iyo xaaldo u huriyaan iyagana lacag ugu dhacdo akoonadooda

laakiin afkooda dad baa u dhimanaya una dhawacmaya iyagana markaa taasi waa u farxad iyo guul iyo rayn rayn oo lacag baa soo galaysa markii dagaal dhaco meel walabana warxun kasoo yeero

Sadexdaa aan kor kusoo xusay siyaasi,ganacsade,qaaqle waa sadex habaar qabayaal oo shacabka soomaliyeed meeshay joogan dhigay

Soomaliyana rajo badan lagama qabo  inay degto lagamana  sugaayo ilaa ay ka fahmayaaan dhagarta sedaxdaa damiir laawe

Qor: osman

Popular posts from this blog

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...