Skip to main content

Raisal wasaarihii israail oo dil ka bad baaday ay xisbulaah ku qaaday

 Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa lagu weerarray saacad ka hor guriga Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ee ku yaalla magaalada Tel Aviv gaar ahaan aagga xeebta Mediterranean-ka ee Caesarea, iyadoo diyaaradan ay awoodan inay ku qaraxdo dhisme ku dhagan guriga Ra’iisul wasaaraha, balse waqtigaa waxaa la sheegay Netanyahu iyo xaaskiisaba inay ka maqnaayeen guriga.


Diyaaradda ku dhacday dhismaha Netanyahu ayaa la sheegay inay Xisbullah ka soo direen meel 70 km u jirta xadka Lubnaan iyo gobolka waqooyi ee ay Israa’iil heysato, mana jirin wax digniin ah oo ay bixiyeen nidaamka difaaca iyo raadarrada, taasoo mar kale muujinaysa sida ay Xisbullah u awooddo inay jabiso nidaamyada difaaca. Wuxuu sheegay afhayeenka ciidanka Israa’iil in labo diyaaradood oo kale laga hortagay, balse ay baarayaan sida ay u awooday diyaaradda ku dhacday dhismaha ku dhagen guriga Ra’iisul wasaaraha inay halkaa gaarto. 



Isla waqtigaa ay garaacday diyaaradan dhismaha guriga Ra’iisul wasaaraha , wuxuu seeriga ka yeeray saldhigga ciidanka Israa’iil ee Glilot, balse ma jirin wax weerar ah oo saldhiggaa ka dhacay , tan oo ka dhigan inay dhacday jabin lagu sameeyay nidaamka difaaca iyo raadarrada. 


Dabcan, waxyaabahan dhacaya ugama tageyno kaliya inay sameysay Xisbullah, waxay ila noqotay inay jirto farriin ka timid dhinaca Iran.



 Jariirada Yadiicoot Ahranuut, oo ah Majalad laga leeyahay Israa'iil ayaa ku waramaysa in diyaarad nooca is wada ah ay gashay dhisme kuyaal QAYSAARIYAH oo ah deegaanka RW Netenyahu.


Dhawaaqa Digniinta ayaanan la maqlin kahor diyaarada intii aysan dhismahan ku qarxin, lama yaqaano in Netanyahu joogay & in kale, in uu goor sii horeysay joogay goob dhulka hoostiisa ah ayaa la xaqiijiyey.


 


Popular posts from this blog

GANACSIGA AYAA KAGA WANASGAN INAAD SHAQAALE AHAATO

 Ninka ugu taajirsan Shiinaha ayaa yiri, “Muuska iyo lacagta hadad hor dhigto daanyeerka, daanyeerku ayaa dooranaya muuska, sababtoo ah daayeerku ma oga in lacagta uu' muus badan ku iibsan karo   Runtii hadii aad dadka u soo bandhigto SHAQO iyo GANACSI waxay dooranayaan inay SHAQEEYAAN waayo dadka badankiis ma' oga in GANACSIGA uu ka heli karo lacag ka badan mushaharka.   Mid ka mid ah sababaha ay saboolka u yihiin saboolka waa sababtaa  dadka saboolka ah oo' aan loo tababarin inay aqoonsadaan fursadaha ganacsi.   Waqti badan ayey ku qaataan iskuulka, waxa  iskuulka ay ka bartaanna waa in ay ku shaqeeyaan mushahar halkii ay naftooda u shaqeyn lahaayeen.   Faa'iidada ayaa ka fiican mushaharka sababtoo' ah mushaharku wuu ku taageeri karaa, laakiin faa'iidada ayaa kaa dhigi karta hantiile   WAA MAXAY RA'YIGAAGA?

Maxaa keena naaso xanuunka

Sababaha Xanuunka Naasaha (Mastalgia) Xanuunka naasaha, oo loo yaqaan mastalgia, waxaa loo kala saaraa laba nooc oo waaweyn: 1. Xanuunka Naasaha ee Wareega Caadada La Xiriira (Cyclical Breast Pain) Xanuunkan waxa uu ku xiran yahay wareega caadada. Haweenku caadiyan waxay xanuunkan dareemaan 3 ilaa 4 maalmood, ama ilaa usbuuc, ka hor inta aysan caadadu bilaaban ama inta lagu jiro caadada. Sababaha: Isbeddelada hormoonnada, gaar ahaan korodhka iyo hoos u dhaca heerarka estrogen iyo progesterone. Calaamadaha: Xasaasiyad, dareen gubasho, culays, ama barar naasaha ah. Xanuunka wuxuu ka sii dareemi karaa hal naas oo u gudbi kara garbaha, gacmaha, qoorta, ama dhabarka. Maareynta: Ka fogow cabbitaannada kafeynka leh sida qaxwaha, shaaha, iyo shukulaatada, iyo sidoo kale cuntooyinka baruurta leh. Qaado kaabeyaasha nafaqada sida Vitamin E, kalsiyam, iyo magnesium. Adeegso daawooyinka xanuun baabi’iyaha ah sida paracetamol ama ibuprofen. Ku duub maro diirran ama biyo kulul naasaha si aad u yareys...

Sirta cimri dherarku waa haweenka

Miyaad Haysaa Dawo Cimriga Dheeraysa? Waxaa la sheegay in uu jiray Amiir ka talin jiray dhul wayn oo ay hoos yimaadaan magaalooyin iyo tuulooyin badan. Amiirkaasi waxa uu ku riyoon jiray in uu da'yar ahaado weligiis oo uusan gaboobin  weligiis   Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu ku amray nin xikmad badan oo ku jiray wasiiradiisa  in uu u keeno daawo cimriga dheeraysa. Waxa uu ballan qaaday in haddii uu arrintaas u hirgeliyo, uu siin doono abaalgud kasta oo uu codsado. Haddaba, ninka xikmadda leh ayaa u baxay in uu raadsho dawo noocaas ah. Waxa uu tagay magaalooyin iyo tuulooyin badan, isaga oo waydiinaya haddii ay jiraan dawo ama cunto cimriga dheeraysa. Ugu dambayn, waxa uu maray tuulo, halkaas oo ay dadka tuulada kula taliyeen in uu tago buuro sare oo ay ku noolaayeen labo walaalo ah. Markii uu gaadhay meeshaas, waxa uu arkay laba guri oo isku dhow. Guriga hore waxa deggenaa nin da'weyn, gurigiisuna waa uu burbursanaa, agagaarkiisana waxa ka muuqday fawdo iyo wax ...