Skip to main content

Raisal wasaarihii israail oo dil ka bad baaday ay xisbulaah ku qaaday

 Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa lagu weerarray saacad ka hor guriga Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ee ku yaalla magaalada Tel Aviv gaar ahaan aagga xeebta Mediterranean-ka ee Caesarea, iyadoo diyaaradan ay awoodan inay ku qaraxdo dhisme ku dhagan guriga Ra’iisul wasaaraha, balse waqtigaa waxaa la sheegay Netanyahu iyo xaaskiisaba inay ka maqnaayeen guriga.


Diyaaradda ku dhacday dhismaha Netanyahu ayaa la sheegay inay Xisbullah ka soo direen meel 70 km u jirta xadka Lubnaan iyo gobolka waqooyi ee ay Israa’iil heysato, mana jirin wax digniin ah oo ay bixiyeen nidaamka difaaca iyo raadarrada, taasoo mar kale muujinaysa sida ay Xisbullah u awooddo inay jabiso nidaamyada difaaca. Wuxuu sheegay afhayeenka ciidanka Israa’iil in labo diyaaradood oo kale laga hortagay, balse ay baarayaan sida ay u awooday diyaaradda ku dhacday dhismaha ku dhagen guriga Ra’iisul wasaaraha inay halkaa gaarto. 



Isla waqtigaa ay garaacday diyaaradan dhismaha guriga Ra’iisul wasaaraha , wuxuu seeriga ka yeeray saldhigga ciidanka Israa’iil ee Glilot, balse ma jirin wax weerar ah oo saldhiggaa ka dhacay , tan oo ka dhigan inay dhacday jabin lagu sameeyay nidaamka difaaca iyo raadarrada. 


Dabcan, waxyaabahan dhacaya ugama tageyno kaliya inay sameysay Xisbullah, waxay ila noqotay inay jirto farriin ka timid dhinaca Iran.



 Jariirada Yadiicoot Ahranuut, oo ah Majalad laga leeyahay Israa'iil ayaa ku waramaysa in diyaarad nooca is wada ah ay gashay dhisme kuyaal QAYSAARIYAH oo ah deegaanka RW Netenyahu.


Dhawaaqa Digniinta ayaanan la maqlin kahor diyaarada intii aysan dhismahan ku qarxin, lama yaqaano in Netanyahu joogay & in kale, in uu goor sii horeysay joogay goob dhulka hoostiisa ah ayaa la xaqiijiyey.


 


Popular posts from this blog

FAAIIDADA DHEGAYARAHA

 FAAIIDDOOYINKA LAGA HELO DHAGAYARAHA/Syzygium Aromaticum Dhagayaraha waxa laga isticmalaa guri kasta oo soomaali leedahay iyagoo ku darsada shaaha,caanaha,xalwada,cunada iyo maraqa iwm. Dhagayaraha waxaa ka buuxa madooyin faaiido u leh jirka waxaana ka mid ah calcium,vitamins A,C,iron, potassium, sodium iyo protein. Maxaa lagu daweeyn karaa dhagayaha ✓Waa xanuun baabiye. ✓Waxaa lagu daweyaa dadka qaba romatisamka. ✓Dhaga yaraha waxaa lagu daweyaa cirid xanuunka ama qofka ilkaha dhiiga oo keena caabuqa gingivitis. ✓Dhaga yaraha wuxuu dawo u yahay sanboorka iyo neefta (Asthma). ✓Waxaa jirta saliid laga sameeyey dhagayaha oo maqaarka la marsado waxaa la ogaaday saliidaas      in ay disho caabuqa fuguska keena ee ku dhaca jirka. ✓Dhaga yaraha wuxuu kor u qadaa dheefshiidka caloosha iyo in durba la bur buriyo cunooyinka. Dhagayaraha ma ahan geed saqiran waxaa la soo isticmaalayey kumaan sano kuwaaas oo lagu daweynayey xanuuno kala gaddisan oo ay ka mid yihin kancerka iyo...

Qisada sixiroolihii reer suudaan ee toobad keenay

  Abuu Haamid, oo ahaa sixiroole reer Suudaana oo toobadkeenay, ayaa sheeko cajiib ah oo dhab ah u sheegay sidan: Wuxuu sheegay inuu jinka u diri jiray dad uu doonayay inuu sixro. Balse wuxuu arkay in dadku kala duwanaayeen sida ay jinku heli karaan: Qaarkood way fududaayeen in la sumeeyo, jinkuna si dhaqso ah ayay u qaban jireen. Qaarkood, markaan  jinka u diro, waxay soo laaban jireen iyagoo leh: "Codkiisa ayaan maqalnay laakiin maanaan arag." Dad kale, jinku waxay ka arki jireen meel fog, laakiin wuu ka dhuuman jiray. Waxa jiray kuwo kale oo marka jinka loo diro, ay soo laaban jireen iyagoo leh: "Meel walba ayaan  ka baarnay, laakiin ma aanan helin muuqiisana waynay " Markaan  jinka xoogga ugu waa wayn leh ee loo yaqaan 'mared' u diray dadkaas qaar, waxay ku soo noqon jireen iyagoo leh: "Maanaan arag qofkan, meel walba oo aanu u baxnaba." Markii aan  u diray 'cifaarid,' oo ah jinka  ugu xoogga badan, waxay ku jawaabi jireen: ...

Qanjirka Prostaatada

 Prostaatada Prostaatadu waa qanjir kuyaal jirka  kana  hooseeya kaadi-haysta oo ku dhow futada, waana qayb ka mid ah habka taranka ee ragga. Mararka qaar waxaa soo food-saarta barar ama caabuq, gaar ahaan ragga da'da ah iyo xataa dhalinyarada. Sababaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Caabuqyo ka dhasha infekshan ka jira jidhka ama prostaatada. Kororka hormoonka estrogen (hormoonka dumarka) oo keena bararka prostaatada. Hoos u dhaca hormoonka ragannimada ee testosterone. Calaamadaha caabuqa iyo bararka prostaatada: Kaadida oo badato iyo kaadi socodka oo yaraada ama daciifa. Gubasho xilliga kaadida. Dhibaato ka timaadda kaadida oo si sahlan u soo bixi wayda. Kacsi la’aan iyo hoos u dhac awoodda galmada. Xiiso yarida xiriirka guurka. Barar ku yimaadda naasaha ama dufan ku samaysma xabadka iyo dhinacyada. Miisaanka oo kordha. Timaha jirka oo yaraada, gaar ahaan lugaha. Daal badan, tamar-yari, iyo dhibaatooyinka hurdada. Finan (acne) badan, insulin oo sare u kaca, iyo yaraan...